|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Aragtideeda Ku Aadan Dhimashada Hogaamiyihii Al-shabaab.
September 6, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(WJN):-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo Maanta ka hadlay Dilka Maraykanku sheegay ee Hogaamiyihii AL-shabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa sheegay in Xukumadda Somaliland ka taagan tahay Geerida Godane meesha dunidu ka taagan tahay islamarkaana uu yahay Nin daallin ahaa oo la dilay. “ Dilka hogaamiyihii Al-shabaab halkaa Caalamku ka taagan yahay ayaanu ka taagan-nahay, Waxaana lagula jiray Dagaal, haddii Ninku dagaal ku jirana kolay dhimasho iyo geeri labadaba diyaar buu u yahay, Nin Walba oo daallin ahna in la dilaa Xaq weeye” ayuu yidhi Wasiir Warancadde Hogaamiyaha Al-shabaab ee Axmed Cabdi Godane, ayaa ka soo jeeday Somaliland, hase ahaatee waxay Somaliland ku xukuntay Dil isagoo Maqan lugtii uu ku lahaa Weeraradii 209-kii Somaliland ka dhacay darteed. Maraykanka ayaa shalay sheegay in Axmed Cabdi Godane dhintay ka dib weerar ay kula beegsadeen Isniintii meel u dhaw Baraawe. Hargaysa Office Related posts:DAAWO;-Gudoomiyaha Tvga Star Oo Sheegay In Laga Qaaday Xariyaadii, Bixiyeena Ganaaxii Wasaarada Warf... “Muuse Biixi Markii La Doortay Waxa Lays lahaa’ Nin Mujaahid Ah Ayaa Dalkii Qabsaday, Balse Hada Dh... Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Lix Dhallinyaro Oo Dawladda Soomaaliya Tacadiyo Ugu Geysatay Mu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|