Xisbiga Kulmiye Oo Bogaadiyay Ardayda ka Qalin Jabinaysa Jaamacaddaha Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye Oo Bogaadiyay Ardayda ka Qalin Jabinaysa Jaamacaddaha Dalka.
September 11, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(WJN):- Gudoomiyaha Kulmiye ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Ardayda tirada badan ee ka qalin jabinaysa sanadkan Jaamacaddaha dalka. Waxa uu sheegay in dadaal iyo samir ay soo samaynayeen midhihiisa goosanayaan.

REF: XK/XGX/0042030/2014                                                                           Date: 10/09/2014

Ujeeddo; HAMBALYO GUDOOMIYE

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu  hambalyo balaadhan u dirayaa dhamaan Waalidiinta, Macalimiinta iyo Ardayda ka qalinjabiyay sanadkan guud ahaan jaamacadaha dalka jamhuuriyada Somaliland kuwa ay xafladohoodii qalinjabinihu qabsoomay iyo kuwa sugayaba.

Wuxuu gudoomiyuhu ku boogaadinayaa samirkii iyo dadaalkii ay soo sameeyeen oo ay maanta  bilawga midhihiisii goosanayaan, isagoo ku boorinaya inay halkaa kasii wadaan dadaalkaa.

Gabagabadii wuxuu gudoomiye Biixi u rajaynayaa dhamaantood Mustaqbal wanaagsan iyo inay noqdaan kuwii cilmigaa ay barteen ku anfaca dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba.

HAMBALYO    HAMBALYO   HAMBALYO

ALLAH                 MAHAD             LEH

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi

COMMENTS
LINKS