|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyihii Saldhiga Booliska Arabsiyo Oo Goor Dhawayd U Geeriyooday Dhaawacii Uu Ugeystay Askari Ka Tirsan Ciidanku
September 30, 2014 - Written by Editor:Hargaysa -(Wajaalenews)- Ala Ha Unaxiistee Waxa Hada Ku Geeriyooday Cisbitaalka Weyn Ee Magaalada Hargaysa Taliyihii Saldhiga Degmada Arabsiyo Marxuum Cabdi Maxamed (Cabdi-Case) Oo Saaka Uu Toogtay Mid Ka Mid Ah Ciidankiisu Sida Uu Noo Xaqiijiyay Taliyaha Qaybta Gobolka Gabiley Cabdilaahi Xasan . Taliyaha Ayaa La Toogtay Isaga Oo Ku Jira Waajibaadkiisa Shaqo Waxaana Saaka 10:30 Am Lagu Toogtay Barxada Hore Ee Taliska Qaybta Gabiley . Ka Dib Dhaawiciisii Ayaa Loola Cararay Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa , Halkaasoo Lagula Tacaalayay Xaaladiisa Caafimaad Isla Markaana Uu Hada Ku Geeriyooday . Ala Ha U Naxariistee Marxuumka Taliyaha Ahaa Ayaa In Badan Ka Soo Shaqaynayay Degmada Arabsiyo Iyo Guud Ahaan Gobolka Gabiley Isagoona Aad Laaga Tix Galin Jiray Deegaanka Arabsiyo . Inaalilaahi Wa Inaa Ialyhi Raajicuun .
Related posts:DAAWO;-Hordhaca ;Murashax Cabdicasiis Samaale Oo Su.aalihii Ugu Adkaa AY Si Toosa Aqoonyahanka Jaam... Xukumada Somaliland Oo Jawaab kulul ka Bixisay Qoraal Ka Dhan Ah Somaliland Oo Loo Gudbiyey Qaramad... Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Cafis U Fidiyo Kornayl Caarre iyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|