Hadaba markii ay xukumadani la wareegtay awooda, waxa markiiba bilaabmay awood kala maroorsi ka jira isla dawlada dhexda,waa dawlada wada socota
Waxa aan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh, salaan ka dib. sida aad lawada socotaan dawlada somaliland waxa u dhisan tahay qaab dhismeed ka kooban saddex qaybood oo kala ah, qaybta 1aad: Waa qaybta fulinta oo madaxweynuhu u sareeyo. Qayta 2aad:- waa xeer- dajinta oo kala ah Baarlamaanka iyo Guurtida. Qaybta 3aad:- Waa garsoorka oo uu u sareeyo gudoomiyaha maxkamada sare. Hadaba su’aasha isweydiinta mudani waxa weeye intii ay xukumadan siilaanyo wadanka xukumaysay maxaa iska badalay xeerarkii iyo dastuurkii wadanku lahaa. Intiina la socota hab-dhaqanka siyaasadeed ee somailand,waxa jira is badalo iska daba imanaya iyo go’aamo oo ka soo fulaya madaxweynaha Siilaanyo, go’aamadaas oo aan ku salaysnayn xeerarka wadanka u yaala oo dastuurku kaw kayaha,madaaxweynaha waxa ka soo baxaya go’aamo
aan ku salaysnayn dastuurka Qaran oo saamayntiisa ay leeyihiin qolyaha ku xeeran Madaxweynaha oo mid kastaa doonayo in uu helo awood dheeri ah oo aanu siinaynin dastuurka qaranku iyo habkii saami qaybsiga ahaa ee lagu heshiiyey shirkii Buro 1991-kii markii ay somaliland xornimadeeda dib ugala soo noqotay wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Somaliya.
Hadaba markii ay xukumadani la wareegtay awooda, waxa markiiba bilaabmay awood kala maroorsi ka jira isla dawlada dhexda,waa dawlada wada socota oo hadana kala socota oo wasiir kasta iyo xubin kasta oo dawlada ka mid ahi doonayo in uu iskii u helo awood dheeri ah,marka ay tani timaado waxa meesha ka baxaya nidaamkii kala dambaynta oo sababi kara in madaxweynaha oo nool oo kursiga ku fadhiya lagu hirdamo kurisigiisa, tan oo kale waa mid ka dhacday wadanka Carbeed ee Tuunis.
Arinta kale ee nidaam xumada keentay waxa ay ahayd, markii Xisbigii Kulmiye ee talada dalka ku guulaystay oo uu madaxweynuhu gudoomiyaha ka ahaa isaga laftiisii mucaarid isku noqday, taasi oo sababtay in xukumada iyo xisbigii ay ka dhalatay mucaarid isku noqdeen oo aan xubno sidaasi aan u badnayn laga soo daray xukumadii, waxa aad aragteen wasiiradii xukumada oo u kala qaybsamay laba qaybood oo kala ah xukumada iyo Xisbigeedi oo ugu dambeyntii lagu heshiiyey sida ay wararka hoose sheegayaan in xibiga Kulmiye xukumada badh loogu daro taasi oo u muuuqata xukumada wadaag ah oo hal Xisbi ka wada kooban.
Nidaam xumada jirta ayaa waxa ay fuuqsatay wixii kale oo dhan. Waxa aad aragteen madaxweyne ku xigeen in badan inta uu dudo gurigiisa iska dhex fadhiisanayey oo odhonaya ma tagayo madaxtooyada, iyada oo waxa la isku haystaba aan dadka loo sheegayn waloow ay dadku la socdeen waxa meesha ka jira iyo sartu ka qudhuntayba.
Madaxweynuhu haddii uu xanuusanyo iyo hadii ay hawshu ku badato waxa loogu sameeyey madaxweyne ku xigeenka in uu hawlaha qaranka badhkiisa ka qabto, arintu iyada oo ay halkaa marayso ayaa meeshe waxa soo xidhiidhsaday Ra’iisal wasaare qarsoon xaga nidaam ahaan,laakiin dadku wada qabanayaan, Ra’iisal wasaarahan qarsooni waxa uu la wareegay dhamaan hawshii madaxweyne ku xigeenka oo ay ka mid tahay, in meel kasta loo diro,wado kasta xadhiga ka jaro, shir doceedyo aan shaqadiisa ahayn loo diro, in uu si toos ah u maamulo dhamaan hawlihii qarankani lahaa oo xitaa ay ku jiraan in uu maamulo shirarkii Golaha wasiiradu.
Waxa aad aragteen marar badan isaga oo Ra’iisal wasaaraha qarsooni uu horkaco waftiyo ,sida waftigii jabuuti tagay isaga oo wasiirkii arimaha dibadu joogo, waxa kale oo uu horkacay waftigii maraykan isaga oo uu joogo wasiirkii shadaa lahaa, waftiyadii taleex oo hogaaminayey isaga oo uu la socdo wasiirkii arimaha guduhu.
Waxa maanta xukumadani ka qaldan waxa yaabo badan oo ay kaw ka tahay in la jabiyo Dastuurkii Qarankani lahaa, waxa aad aragtaan in Madaxweynihiiba aanu taladiiba gacanta ku haynin oo uu waliba afkiisa ka qiray in uu jiro wasiirka wasiiradu oo macnahiisu yahay Ra’iisal wasaare.
Waxa aad ogtihiin in wadamada badan oo caalamka ah oo xeerarkoodu dhigayo in Ra’iisal wasaaruhu awood ugu badan leeyahay, isla markaana madaxweynahoodu yahay magac u yaal aan lahayn awood fulineed oo uu musharkuun iska qaato,laakiin sida aynu kor ku soo sheegnay Somaliland way ka duwan tahay sidaa oo Somaliland waxa ya leedahay madaxweyne iyo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen u madax ah qaybta fulinta.
Waxa aan ku soo gabagabaynayaa oo aan leeyahay wadanka ha loo gurmado,wadanku ma qaadi karo Madaxweyne,madaxweyne ku xigeen,ra’iisal wasaare,iyada oo gudoomiyaha gole guurtiduna la reer yahay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha sharci darada ah, waana in lagu dhaqmaa sharciyada wadanka oo hadii golaha Baarlamaan jiro sharciga ku qaadaa cida wadanka qaska iyo googo’a ku wada oo madaxweynuhu kaw ka yahay.
Mahad Omar <dearmahad_32@hotmail.com