saaxiib maadaama qaaciidooyinkaasi ka mid yihiin kuwa laga duulayo ayna mudantahay in xisbiga laga helo waxay
Hadaan u soo laabto mawduucayga maanta waxaan isla qaadaa dhigaynaa bal xisbigee ayaa haboon in la doorto maxayse tahay sababta lagu dooranayaa.
hadaba si aynu aga jawaabno su,aalahaa aan dib u yara jaleecno dadyowga iyagu muddo badan ku dhaqmaayay dimuqraadiyada waayo aragnimana u leh sida ay u qiimeeyaan xisbiga ay dooranayaan.
waxay yidhaahdeen waa in xisbiga la dooranayaa leeyahay waxyaabahan soo socda.
background-color: rgb(255, 255, 255);”> a)ujeedo maamul hufan oo dadka qancinkara.
b)waayo aragnimo maamul oo hore
c)inuu soo maray xaalad mucaaridnimo iyo mid muxaafidnimo.
d)waxqabad ay indhuhu arkayaan oo uu sameeyay(waa hadii uu xukunka mar hore soomaray)
e)waaqaca wadanku ku suganyahay si buuxda uga war haya.
saaxiib maadaama qaaciidooyinkaasi ka mid yihiin kuwa laga duulayo ayna mudantahay in xisbiga laga helo waxay si dhib yar kuugu suurta galinayaan inaad wax sax ah ama xisbigii ku haboonaa maamulka aad doorankarto ka dib markaad xisbi walba ku baadho qodobada kor ku xusan aad si cadalad ahna uga baaraan degto .
hadaba anigu shaksiyan anigoo iska hadlaya adigana kuu dhaafaya doonistaada iyo doorashaadaba waxaa ii cadaatay in dhamaan qodobadaa kor ku xusan uu buuxiyay xisbi xaakimka hada talada jamhuuriyada somaliland gcanta ku haya dabcan waxaanan ku talinlahaa in la siiyo fursad kale oo lagu doorto si uu uga midha dhalyo guulaha ay hada gaadheen ee dhisida wadanku ugu horayso.
WABILAAHI TAWFIIQ
QALINKII: FUAD KAMIL CIISE
SWEDEN
ÖREBRO