WAJAALE NEWS

Sayliciyoow Odayadan Aad Dabada Ka Soo Riixaysaa Waa Dhuumasho Dhabarku Ku Muuqdo….Barkhad Jibriil

Dawladani waa tii ugu cadaadalad darrada iyo musuq-maasuqa badnayd, waxaana loo baahan yahay in meel looga soo wada jeedsado sidii la isu dhaafin lahaa,
Hargeysa (Wajaalenews) – Siyaasiga Barkhad Jibriil Faarax Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay guddidii uu madaxweynuhu u saaray ka soo talo bixinta Tabashooyinkii ay ula yimaadeen Madaxdhaqameedka beelaha Awdal.

waxa uu sheegay in arrintaasi uu dabada ka soo riixayo madaxweyne ku xigeenka somaliland isla markaana aanay jirin wax Beelaha Awdal kaga maqan somaliland, balse uu la socdo dheeraad.

sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyay Warbaahinta, waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan

Waxa fajaciso iyo wax lala yaabo nagu noqotay in oday dhaqameedka reer awdal ay yidhaahdaan waa in saamiga loo qaybsado
isaaq iyo samaroon, taas oo ah ujeedo cad ah oo ay ul booc ah ugu soo kutubayaan sidii ay khalkhal u gelin lahaayeen Somaliland.

Dawlada maanta dalka  haysataa waa mid hagar daamo u geysaay bari iyo galbeed, laakiin in looga kordhiyay mooyaane marnaba may muuqan in looga yareeyay, tabashadoodana waxa ay u mari kari lahaayeen madaxweyne ku xigeenkii ayaa iyaga ah, golihii wakiilada ayay wax ku leeyihiin, guurtidii iyo waliba wasiiradii, halkaas bay ahayd in ay u maraan, laakiin arrintani waa duulaan cad oo uu ka dambeeyo Madaxweyne ku xigeenku sidii uu u wiiqi lahaa khalkhal uga ridi lahaa.

Odayadanina waa kuwii cambaaraynayay 17kii qodob ee ay madasha wadatashigu ay soo gudbiyeen cambaaraynayay.

Waa kuwii lahaa doorashadii cadaalad darada ahayd ee dalka k dhacday si qurux badan ayay u qabsoontay.

Waa odayadii lahaa qaxoontiga ciisaha ajanabi ayaa dalka la keenayaa.

Waa odayadii markii Lughaya loo dhagax dhigay lahaa waligayo siilaanyo waanu daba joogaynaa, markaa maanta arrintu waxa ay maraysaa in ay yidhaahdaan ama ku doodaan askari arab ah ayaa jooga Saylac, waxaanay maraysaa in ay soo jeediyaan ama ku doodaan in isaaq iyo gadabuursi wax loo qaybsado.

Maxay samayn lahaayeen hadii uu madaarka Magaaladda Hargeysa oo ah ka ugu weyn dalka Somaliland uu ku ooli lahaa Magaalada Boorama gacanta uu ku hayn Wasiirka Duulista Hawada oo bil walba lacag 800,000 ay jeebkiisa toos u gasho, dadkii deegaanka lahaana Haraad iyo shaqo la’aani ay isu raacday.

Dawladani waa tii ugu cadaadalad darrada iyo musuq-maasuqa badnayd, waxaana loo baahan yahay in meel looga soo wada jeedsado sidii la isu dhaafin lahaa, arrinta Reer Awdalna waxa ay soo bandhigtay cadaawada ay u hayaan Somaliland iyo jiritaankeeda.

Waxa aan leeyahay reer Awdal dalka intii uu jiray mar madaxweyne ayaad ka ahaydeen, marar kalena madaxweyne ku xigeen, markaa hadii la xisaabtamo wax badan baa idinku soo baxaya

 

Exit mobile version