WAJAALE NEWS

Mujaahid Iid Jiciir Oo Maalintii Labaad Ku Xidhan Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargaysa + Ehelki Iyo Dadkii Soo Booqanayay Oo Laga Hor Istaagay .

Hargaysa (Wajaalenews)- Mujaahid Iid Jiciir Aw Axmed oo ka mida siyaasiyiinta ku bahoobay madasha iyo wada tashiga iyo toosinta Somaliland ayaa maalintii labaad ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalda hargaysa .

Siyaasigan oo shalay subaxii lagu xidhay saldhiga dhexe ee hargaysa ayaa ilaa hadda aanay cadeen sababta uu u xidhanyahay iyadoo ay xukuumadduna afka ka xidhatay . Waxaana dhacday in ehelka siyaasigan iyo dadka kale ee soo booqanayay laga hor istaagay in ay saldhiga ku booqdaan siyaasi Iid Jiciir oo halkaais ku xidhan .

Geesta kale Waxaana xusid mudan in uu muwaadinku xaq u leeyahay in muddo 24 saacadood ah lagu geeyo maxkamad balse taasi may dhicin oo maalintii labaad ayuu ku xidhanyahay xabsiga siyaasigan Iid Jiciir

 

Exit mobile version