Maalmahaa waxaa la hadal hayey warar badana ay ka soo baxayeen diwaangalinta doroshooyinka iyo ta mawaadiniinta waxa ka dhashay muran badan oo xaga xisbiyada iyo xukuumada
Sharcigii diwaangalintuna waxa uu horyaala barlamaanka waxaana waajib ah inay hore u ansixiyaan waayo waxa ku xidhan oo laf dhabar u yahay doroshooyinka soo socda
Xukumadu waxa ay cadeysay inay wixii iyada kuu xidhnaa ee arin iyo aduunba diyaar u tahay
Sidaa daradeed waa inaan xukumad iyo mucaaridba aan laga fikirin dano gaara ama ee waa in laga fikiraa qarankan oo leys waydiyaa maxaa danteenu tahay? Dalka horomarkiisa iyo socodkiisa ayaa ninkasta reer somaliland ah dani ugu jirtaa . Waa in lagu cimra qaataa tariikhda oo ay waano inugu filnaato diwaangalintii hore waa ay xumaatey xisbiyaduna waa ay laalen dorashadii 2012 ee golaha deeganka dhibaatadii ka dhacdey waa la wada ogyahay waxaana keentay diwaangalin la,aanta lagu galay in badan ayaa illahay qu,raan ku yidhi waa miyeydaan ahayn qaar fikiraaya oo wax ku qadanayaa wayaha aduunka nabiga ayaa xadiis csw ku yidhi muminku laba jeer ma turaan turoodo waxaan ka baranaynaa dee waa fikiraa muminku nin walba oo xil hayana waxa taariikhda u galeysa waxa uu qabto ee wanaaga marxuum cigaal in badan ayaa uu ka hadley qabiilka nin jecleysiga inaanay lahayn harumar ee ay dib udhac uun laga faaiido. waxaana maanta dadkii kala qaybsaday niman siyaasiin iyo oday dhaqameed aan dantooda wadin shacabkii maskaxda ka qabsadey sidaa daraadeed waa in ay ka xoroobaan gumaysiga maskaxda oo dantooda ka fikiiraan qabiilkooduna noqdaa somaliland.
#Diwaan galinta madaniga maxay tahay?
In lakala fahmo ayaa muhiim ah diwaagalinta dorooshoyinka iyo ta muwaadiniin ee dhalashada aqoonsiga muwaadinka
QODOBKA 4AAD
JINSIYADDA
1. Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka
Somaliland26kii Juun 1960k iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin
2. Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda Somali land.
Cadaynayaa qodobkaa dastuuriga ah waxaa u talaa hawshaasi dawlada sidaa
Daraadeed maha in qaranka la curyaamiyoo siyaasada iyo qaranimadana waa in lakala saaraa xisbiyada iyo barlamaanka waa in shaqadooda ku toosaan
ENG;Cabdisalaan Maxamed Cabaas