Maalmaha adduunyada midba waxay leedahay xasuus gaara iyo taariikh gooni ah oo lagu xasuusto, taariikhdu waa astaanta ummadeed taasi oo u iftiimisa waayihii ay soo mareen dhinac kasta oo ay tahayba, taariikhdu waa hagaha ummadeed taas oo ay ku haybsadaan maalmihii noloshooda soo maray wanaag iyo dhibaataba.Abwaan hadraawi ayaa yidhi, “Taariikhdu wax bay hagtaa dadkuna wuu haybsadaa.”
Taariikhdu, waa xasuusiyaha wixii shalay dhacay, baraarujiyaha umadeed, waana dhacdooyinka looga shidaal qaato dejinta yoolalka ay ummadi hiigsanayso mustaqbalka lana xidhiidha arrimaha: Siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo difaaca ee ay bulsho leedahay.
Maanta waxaan qalinka u qaatay in aan iftiimiyo, faallo-na ka diyaariyo
Muj. Axmed Mohamed Mohamuud Siilanyo haddii aan isku dayo in aan hogaamintiisa wax ka idhaado waxaan ku sifayn lahaa hoggaamiye ama shakhsi alle ku manaystay karti, codkarnimo, muwaadinnimo, dadnimo,diin, aqoon iyo geesinimo, Madaxwayne Siilaanyo waynu ka dharagsanahay waxqabadkiisa ay ku dheehantahay muwaadinimadu, muddadii koobnay ee uu dalkeena majaraha u qabtay wax uu ku guulaystay illaahayna la garab-galay wax aanay hore ugu guulaysan madaxdii ka horaysay.
Bal aan daah ka rogo sababta keentay in aan madaxwaynaheena mudane Axmed siilaanyo aynu ugu abaalgudno bilad sharaf una aqoonsano halyeey u dhigma Nelson Mandelaha.
Laga soo bilaabo maalintii aynu xoriyada qaadanay 1960 kii ilaa maanta waxa uu u taagnaa horumarka iyo difaaca dalkiisa iyo dadkiisaba
Aan ka soo bilaabo wakhtigii uu jiray dalkii laysku odhan jiray jumhuuriyada Somalia madaxwayne siilaanyo wax kuu ku suntanaa karti, codkarnimo, muwaadinnimo, dadnimo,diin, aqoon, geesinimo , diidista musuqmaasuqa ka fogaansha cadaalad xumada, ka qayb qaadashada horumarineed iyo ilaalinta xuquuqda dadkii ka soo jeeda Somaliland, diidista dulmiga,waxa uu baal dahab ah kaga jiray raggii codkooda ku meel mariyey in aan warshada sibidhka laga dhisin meel aan ahayn Somaliland oo wakhtigaas loo yaqaanay (goboladii waqooyi), soo jeedintii iyo kaga dhabayntii balaadhinta dekeda berbara.
Madaxwanye Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo markii uu arkay sida ay wax u socdaan wax uu u adkaysan waayey dulmiga joogtada ah e ku soconaayey dadkiisii waxa uu go,aansaday in uu iska casilo xilkii uu wakhtigaas hayey oo uu bilaabo sidii uu dadkiisa iyo dalkiisaba uu ugu hiilin lahaa ugana difaaci lahaa cadowga ku habsaay, wax uu bilaabay in uu ka qayb kaato halgankii wakhtigaas bilaabmay, muddo ka bacdi 1984kii waxaa loo magacaabay gudoomiyaha SNM isla wakhtigaasba waxaa u suurtogashay isku dubbaridka siyaasadda, dhismaha iyo taabbagelinta Garabkii Milatariga SNM iyo garabkii siyaasadaba, waxaa soo shaac baxday awoodda gaashaandhigeed ee Ururkii SNM u lahaa burburinta Taliskii Siyaad Barre iyo samata-bixinta ummadda waxaanu Ururku caan ka noqday adduunka. Wuxuu caalamka gaadhsiiyay in Ururka SNM yahay urur xaq u dirir ah oo la dagaallamaya Talis dhiig-yacab ah oo maato-lays ah, waxaanu si joogta ah adduunka ula socod-siin jiray tacadiyadii iyo xad-gudubyadii badnaa ee Taliskaasu ku hayay ummadda.Waxaa xilligiisii Ururku ku qaaday ciidamadii iyo Maamulkii Taliskii Siyaad Barre ee Gobolladii Waqooyi dagaallo iyo duullaano is-dabajoog ah oo uu ku soo hooyay guulo waaweyn oo fara badan kuwaas oo Taliskaas naafeeyay. Madaxwayne siilaanyo wakhtigiisi wax uu ahaa wakhti aad u adkaa oo waayo badan lahaa wax uu muujiyey go,aan adkaan ay ku dheehantahay geesinimo , arrintasna waxaa inoo cadaynaysa taariikhda iyo mujaahidiintii wakhtigaas xaadirka ahayd, muddo lix sanno ah ayuu xilkaas hayey oo uu mutaysday in uu noqdo mujaahidkii hawl-galada badnaa, ururka SNM-na ka dhigay Urur adduunka ka caan ah sidaas awgeed mujaahidiintii SNM waxay u garteen in uu noqdo mujaahidka ugu wakhtiga dheera ee ururka SNM, intaas ka bacdina mujaahidku waxa uu si sharafi ku dheehantahay u wareejiyey gudoomiyanimadii ururka .
Muddadii aynu xoriyadeena la soo noqonayna wax uu u tafaxaytay in uu ka qayb qaato siddii xil waara lagu heli lahaa arrimahan duruufo adag, burbur balaadhan, beelo kala durugsan, bunduqyo hanti u ah badiba, dhalinyaradii ururkii Mujaahidiinta SNM oo aan habaysnayn una tababarnay hanaan dowladnimo, dhaawacyada waaweyn ee ka muuqanaayey magaalooyinka Somaliland oo aad moodaysay inaan laba qarni wax nooliba jaan iyo cidhiba soo dhigin, aaladaha qarxa oo meel weliba ku xidhan, iyo bur bur aan baaxad lagu qiyaaso la garanayn oo qariyey cidhif kasta oo ka tirsan Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa iyo magaalooyinka kale-ba , waxaanan odhan karaa dhamaan arrimahas wax u ka qaatay qayb libaax.
Madaxwaynaheenu markii uu qarankena muruq iyo maalba dul-dhigay ayuu go,aan ku qaatay in uu hogaanka u qabto dalkiisa iyo dadkiisaba, doorasho ayuu u galay madaxtinimada wadanka , markii ay guddida doorashooyinku ku dhawaaqeen in Ahmed Siilaanyo lagga guulaystay 80 COD oo kaliya madaxweynaheenu wax go,aan qiimo leh ku hanbalyey doorashadaas, maalintaas Somaliland waxay u ahayd maalin taariikh ah.
2010 kii ayey ahayd markii madaxwaynaheenu ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday intaas ka bacdi madaxwayne siilaanyo waxaa uu qarankan ugu suntan yahay madaxwaynihii wax-qabadka waxaynu ognahay in madaxwaynuhu si xaqiiq ah u fuliyey balanqaadkii uu balan qaaday wakhtigii doorashadii madaxwaynaha intoodii badnayd, waxa uu ku amaananyahay wax-tar aan la soo koobi Karin taas oo uu ku talaabsaday mudadii koobnayd ee uu xilka dalka hayey.
Madaxwayne siilaanyo wax uu ku dhiiraday arrimo badan oo hore loogu dhiiran wayey kuwaas oo ay ka mid yihiin: badalaadii lacagta gayn-baarta ee gobolada bari, darajo siinta ciidamada kala duwan ee qaranka, ka dhabaynta furashada ururro siyaasadeed, taabo galinta doorashooyin golaha deegaanka, ku dhaqanka siyaasad furfuran oo soo jiidata indhaha beesha caalamka, horumarinta waddooyinka khaasatan wadadda ceerigaabo, la dagaalanka musuqmaasuqa, taabo galinta wax-barasho hoose dhexe oo bilaash ah, dabarka furista dhalinyarta isla markaan waxa uu madaxwaynuhu suurta galiyey in ay dhalinyartu ka dhex muuqashada masraxa siyaasadeeda.
Gun iyo guraanad waxaan halkan talo iyo waano uga dirayaa dhamaan ummada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, waxaan leeyahay walalyaal maanta dalkeenu waxa uu haleelay tubtii horumarka markaas waxaa inagu waajib ah in aynu ka foojignaano cadowgeena kaas oo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulaaya dabanbaada dalkena, cadowgaas waa in aynu meel qudha uga soo wada jeesanaa, mida kale ummad kastaa waxay ku meel martaa qadirinta halyeeydeeda iyo xishmaynta madaxdeeda markaas waxaan laynooga fadhiyaa fulinta taladaas.
TELL: 063-4000578
AHMED RASHEED
HARGEISA SOMALILAND