|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Waxa uu Mutaystay In loo Maamuuso sidii Nelson Mandela
September 15, 2014 - Written by Editor:Maalmaha adduunyada midba waxay leedahay xasuus gaara iyo taariikh gooni ah oo lagu xasuusto, taariikhdu waa astaanta ummadeed taasi oo u iftiimisa waayihii ay soo mareen dhinac kasta oo ay tahayba, taariikhdu waa hagaha ummadeed taas oo ay ku haybsadaan maalmihii noloshooda soo maray wanaag iyo dhibaataba.Abwaan hadraawi ayaa yidhi, “Taariikhdu wax bay hagtaa dadkuna wuu haybsadaa.” Taariikhdu, waa xasuusiyaha wixii shalay dhacay, baraarujiyaha umadeed, waana dhacdooyinka looga shidaal qaato dejinta yoolalka ay ummadi hiigsanayso mustaqbalka lana xidhiidha arrimaha: Siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo difaaca ee ay bulsho leedahay. Maanta waxaan qalinka u qaatay in aan iftiimiyo, faallo-na ka diyaariyo Bal aan daah ka rogo sababta keentay in aan madaxwaynaheena mudane Axmed siilaanyo aynu ugu abaalgudno bilad sharaf una aqoonsano halyeey u dhigma Nelson Mandelaha. Madaxwanye Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo markii uu arkay sida ay wax u socdaan wax uu u adkaysan waayey dulmiga joogtada ah e ku soconaayey dadkiisii waxa uu go,aansaday in uu iska casilo xilkii uu wakhtigaas hayey oo uu bilaabo sidii uu dadkiisa iyo dalkiisaba uu ugu hiilin lahaa ugana difaaci lahaa cadowga ku habsaay, wax uu bilaabay in uu ka qayb kaato halgankii wakhtigaas bilaabmay, muddo ka bacdi 1984kii waxaa loo magacaabay gudoomiyaha SNM isla wakhtigaasba waxaa u suurtogashay isku dubbaridka siyaasadda, dhismaha iyo taabbagelinta Garabkii Milatariga SNM iyo garabkii siyaasadaba, waxaa soo shaac baxday awoodda gaashaandhigeed ee Ururkii SNM u lahaa burburinta Taliskii Siyaad Barre iyo samata-bixinta ummadda waxaanu Ururku caan ka noqday adduunka. Wuxuu caalamka gaadhsiiyay in Ururka SNM yahay urur xaq u dirir ah oo la dagaallamaya Talis dhiig-yacab ah oo maato-lays ah, waxaanu si joogta ah adduunka ula socod-siin jiray tacadiyadii iyo xad-gudubyadii badnaa ee Taliskaasu ku hayay ummadda.Waxaa xilligiisii Ururku ku qaaday ciidamadii iyo Maamulkii Taliskii Siyaad Barre ee Gobolladii Waqooyi dagaallo iyo duullaano is-dabajoog ah oo uu ku soo hooyay guulo waaweyn oo fara badan kuwaas oo Taliskaas naafeeyay. Madaxwayne siilaanyo wakhtigiisi wax uu ahaa wakhti aad u adkaa oo waayo badan lahaa wax uu muujiyey go,aan adkaan ay ku dheehantahay geesinimo , arrintasna waxaa inoo cadaynaysa taariikhda iyo mujaahidiintii wakhtigaas xaadirka ahayd, muddo lix sanno ah ayuu xilkaas hayey oo uu mutaysday in uu noqdo mujaahidkii hawl-galada badnaa, ururka SNM-na ka dhigay Urur adduunka ka caan ah sidaas awgeed mujaahidiintii SNM waxay u garteen in uu noqdo mujaahidka ugu wakhtiga dheera ee ururka SNM, intaas ka bacdina mujaahidku waxa uu si sharafi ku dheehantahay u wareejiyey gudoomiyanimadii ururka . 2010 kii ayey ahayd markii madaxwaynaheenu ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday intaas ka bacdi madaxwayne siilaanyo waxaa uu qarankan ugu suntan yahay madaxwaynihii wax-qabadka waxaynu ognahay in madaxwaynuhu si xaqiiq ah u fuliyey balanqaadkii uu balan qaaday wakhtigii doorashadii madaxwaynaha intoodii badnayd, waxa uu ku amaananyahay wax-tar aan la soo koobi Karin taas oo uu ku talaabsaday mudadii koobnayd ee uu xilka dalka hayey. Gun iyo guraanad waxaan halkan talo iyo waano uga dirayaa dhamaan ummada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, waxaan leeyahay walalyaal maanta dalkeenu waxa uu haleelay tubtii horumarka markaas waxaa inagu waajib ah in aynu ka foojignaano cadowgeena kaas oo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulaaya dabanbaada dalkena, cadowgaas waa in aynu meel qudha uga soo wada jeesanaa, mida kale ummad kastaa waxay ku meel martaa qadirinta halyeeydeeda iyo xishmaynta madaxdeeda markaas waxaan laynooga fadhiyaa fulinta taladaas.
TELL: 063-4000578 AHMED RASHEED HARGEISA SOMALILAND Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|