|
|||||
WAJAALE NEWS
“Madaxweynahan Aan Su’aal Ka Jawaabayn Een Dadka Hor Istaagayni Olole Ma Gali Karo”Eng Maxamed Xaashi.
September 22, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in Maadaama aanu Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabi Karin Su’aalaha Wariyeyaasha islamarkaana aanu hor iman Karin Shacabka ay arintaasi ku khasbayso inuu Mudo kordhin samaysto. Eng Maxamed Xaashi Oo Hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “haddaba waxa iyana meesha ku jirta Madaxweynahan Su’aasha diidaya ee aan Dadkii is-hortaagayn si uu Olole doorasho u galayo Meesha kama muuqato, kalkaas Kordhis uun baa loo marmarsoonayaaye laakiin, Ninka Markii uu soo degay Su’aalihii laga horjoogsanayo ee ha ka jawaabin ha ka jawaabin la leeyahay ee loo diidayaba inuu hadlo ee Afarta Eray uun sidaas u eegaya Olole Ma gali karo. Kolkaas waa la inoo sasabayaa wuxuun bayna soo wadaan Kordhis” Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu dhanka kale Xukumadda ku eedeeyay inay duufsatay Golihii wakiilada ee dheeli tiri lahaa, isagoo sidoo kalena sheegay inay jiraan Lacagayow badan oo si aan haboonayn loo isticmaalo. Hargaysa Office Related posts:Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ayaa maanta Da... Xildhibaan Gaane oo Xukuumadii Siilaanyo Ku Eedeeyay Inay Dalka Gaadhsiisay Dhaawac Hagar-Daamo Ah Waddani iyo Ucid oo Ka Arrinsanaya Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka, Xilli Uu Madaxweyne Biixi Socdaal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|