WAJAALE NEWS

Kii ka weynaa baa nalaga diiday adeer !Waa qalinkii :Baxnaan xaaji aden.

Waar heedhe mujaahidku haduu xanuun ka soo qaaday darxumadii iyo jeelkii aa xaq darada ugu xidheen, haataan debeda u qaada oo soo daweeyana ma garan waydeen?

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way  kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane:Waar heedhe mujaahidku haduu xanuun ka soo qaaday darxumadii iyo jeelkii aa xaq darada ugu xidheen, haataan debeda u qaada oo soo daweeyana ma garan waydeen?

Dhaashane:Mujaahidku waa kee?Ma Ina gaboobe.Waar waxba ma qabee mucaaridkaa buun buuninaya.Ma qolooyinka weli Ali guray dhegaystaad ka mid tahay?

Dhaqane:Adeer anigu Kulmiyoo dhanba Muj Ali guray ma siisteen ,haduu kula fudud yahay e maa mujaahidka soo daweysaan?

Dhaashane:Waar waxaa iska daayoo ma noo qirtay inaanu nahay dowladii horumarka  iyo

dhismaha wadanka?

Dhaqane:Horta anigu laba wax baan shahaadad idinku siiyey.waa inaa tihiin :Dowladii xafladaa iyo inaa tihiin dowladii tahriibta.

Dhaashane:Anaa  kuu sheegaya goorta aad si fiican wax noogu qiri doonto.Waa markaanu doorashada soo socota ku guulaysano  ee inta dhimana dhamays tirno.

Dhaqane:Indho adagaa ,ma Kulmiyaa?Yaa tan ka dhameeya ayaanu taaganoo ,tu danbe ayaabu hunguri ka hayaa.Waxa qudhee la is waydiinayaa.Tolow sidii raganimada laheyd ee Dahir riyaale u wareejiyey may u wareejin? mise meeshaba waa laga soo saari kari waayi?

Dhaashane:Waar anagu Jamaal iyo Cirro geed ula baydhi mayno.Cid kale meesha keena hadaa doonaysaan inaa naga qaadaan meesha.Anagaa runta idiin sheegaynee.

Dhaqane:Waar heedhe waxa la yidhi:Beri baa sucuudiga waxaa tagsi wada raacay mid reer waqooyi ah iyo mid reer koofur ah.Tagsigii baa  dhici gaadhay ,markaasuu kii reer waqooyiga ahaa  yidhi:Yaa rasuululah .Kii tagsiilaa ahaa baa intuu laabta qabtay ku yidhi : (Waxidi laah ).Markuu tagsigi waxoogaa socday ayuu hadana dhici gaadhay .Kii reer koofurka ahaabaa yidhi: Sheekh Aweysow.Kii reer waqooyiga ahaabaa intuu isna laabta qabtay ku yidhi:Waar kii ka waynaabaa nalaga diidee naga aamus. Ana waxaan ku leeyey: Kulmiyoo dharaaro haystayba xukunkii loogu soo dhigay .Udubtay la dheelidayba way dhaxal xumaysteen.Waa inoo doorashada.

Waa qalinkii :Baxnaan xaaji aden

Exit mobile version