1. Aragtida kowaad: bulshada midabka madow lihi waxay ka soo jeedaa “xaam”. Markaa soomaalidu waa dad madow ah, oo an carab ahayn. Fikradan waxa aaminsan qoraaga la yidhaa. Prof: Cabdalle cumar mansuur ee qoray buugga la yidhaa” taariikhda iyo luuqadda bulshada soomaaliyeed.
2. Aragtida labaad: soomaalidu waxay ka soo jeedaa koonfurta itoobiya. Halkaasina ayey ka soo guureen dhulkan xeebaha ah ee ay degan yihiin. Waxaanay daliishanayaan in Afka kushitigga Bari oo af-soomaaligu ka mid yahay, laga helo karo koonfurta itoobiya. Fikradan waxa aaminsan qorayaasha kala ah: Flemming, Heine, E.R. Turton iyo H.S.Lewis.
3. Aragtida saddexaad: soomaalidu waxay ku dhaqanaan jirtay waqooyiga carriga soomaaliyeed. Waana dhulka ku dheraran ceelaayo ilaa saylac. Markii dambana waxay dhinaca koonfureed iyo galbeed u riixeen oromada, oo markii hore deganayd qaybo ka mid ah dhulka soomaalida. Fikradan waxa aaminsan qorayaasha: Cerulli yo I.M lewis.
4. Aragtida afraad: soomaalidu waxay ku dhaqanaan jirtay cidhifka ugu bariyeysan ee dhulka soomaaliya, gaar ahaan gobolka Bari. Aragtidani waxay ku dhowdahay tan saddexaad. Soomaalidu weligeed waxa hoy u ahayd dhulkan ay ku dhaqan tahay, cid kale oo ay ku riixday ma jirto. Waxaanu daliishanayaa in magaca soomaali laga heli karo afka Niotigga ee lagaga hadlo keny iyo sudan. Fikradan waxa aaminsan qoraaga Ibraahim Ali , oo qoray buugga la yidhaa”. The origin and history of the somali people.
5. Aragtida shanaad: soomaalidu waxay ka soo kicitintay dhulkoodii hore ee lagu magacaabi jiray KUSH ee koonfurta masar/waqooyiga suudaan, ilaa ay ka soo gaadheen Raas Gaaradafuu, k hor intii aanay u leexanin galbeed iyo koonfur. Fikradan waxa aaminsan qoraaga Ahmed Ibraahim Cawaale, ee qoray buugga la yidhaa” Dirkii Sacmaallada”.
Tix-Raac:
Axmed Ibraahin Cawaale………….. dirkii Sacmaaladda