qormadani waa mid aan si mud iyo lud leh aan ugu lafa guri doono, ninka gayiga geeska afrika ugu magaca dheeraa mudadii 12ka sano laga soo bilaabo 2002-2014ka oo si dhaba u dhaafay dhamaan wixii ay ku dhaqmi jiratay bulshada geeska dagtaa, dhamantoodana ka dhigay waxa ay ku sheeko iyo shaahba cabto.
Ninka aan sida tooska ah ugu jeedaa waa Axmed Cabdi Aw Maxamud (Godane) waxana aan ugu lafa guri doona hab ka duwan habka manta loogu lafa guraayo, aniga oo ka duuli doona hab weydiimeed oo dhabarka ku haysa qofka iyo sida uu u dheeganayo, iyo dhanka uu ka taagan yahay godane.
Godane waa kuma ?
Waa weydiin u baahan in si gun dheer looga war-celiyo, iyada oo la dhaafayo, xaadinta iyo muuqaalka guud, laguna eegayo godane waa kuma? Muxuu u taaganaa? Maxaa ku kalifay in uu qoriga dagta saaro, isaga oo nolol dhiishaa dhaansiya ku noolaa? Aqoontiisu waa mid gun-dheer waana aqoon-yahan qaan-gaadhaye maxaa ugu wacan in uu u dhaqmo hab bulsho badani u arkaan in uu yahay hab xun? Godane maxaa ku kalifay in uu deegaan kiisa iyo dhulkii uu ku dhashay uu ha qaxo? Muxuu ku dooratay somaliya in uu aragtidiisa ka fuliyo? Aragti caynkeeya ayuu rumaysnaa? Maxaa ka dhigay in aragtida lafteeda ay ku kala gadisnaadan cida ay wada rumaysan yihin? Maxay salka ku haysaa? Halkee iyo tubtee bay u jeeda ama ka jeedaa aragtidaasi? Maxayse goshahay ama diidan tahay?
Dhamaan waa weydiimaha u baahan in aan ka war-celino hadii aan si dhaba uga war-celinayno godane waa kuma, taasina waa mid u baahan in aan si gun-dheer aan u baadho, waxa dhaba in weydiin kastaa leedahanay waayaha ku gadaaman, ee godane ka dhigay ninka loogu raadinta badan yahay, mudadii 3 sano ahayd, ka dib makii la dilay Usama Bin Ladin.
Godane ugu horayn waa nin aan da’ ahaan aan wali gaadhin 40 jir, waxana lagu dilay 37 jira waxan uu dhashay 1977kii, nolosha uu ku soo koray, waa mid u dhiganta ta ay ku soo wada koreen da’ dii Haregisa waqtigaa ku noolayd, oo aqoonta diinta xooga la saaro, dugsiyo quraan iyo kuwo kalebana lagu daro ubadka, godane waa nin sii watay geediga aqooneed ee uu qofnimadiisa ku samaynaayay, isaga oo boos iyo sal-dhig ku raadsanaayo, waxa ay aqoontiisu u goyso, dhaafay haybta iyo reernimada manta somalida u ah diinta ay sida dhabta ah u rumaysan yihin, kana gaadhay aqoonta goobaha ugu sareeya, kana dhisan labada dhan ee aqoonta loo qaybiyo, mid diimeed iyo mid bulsheedba, waxana marag u ah dhamaan hawlaha uu qabtay, iyo xilalka uu hayay culayska ay leeyihiin.
Intaas waa xaadin guud, ee waxa weydiinta dhaba ahi ku soo biyo shubanaysa, isaga oo heerkaas aqoonta ka gaaadhay maxaa ku kalifay in uu qoriga dagtaa saaro, oo uu noloshaas dadka qaar u arkaan in ay tahay mid liidata uu u dhaansado weysada? Hubaal nin kasta oo hogaamiye ah waa lagu kala aragti gadisan yahay, oo bulshadu hal meel kama wada istaagto, taasina waa ninka iyo garaadkiisa iyo halka uu ka eegaayo hogaamiyahaas, se godane waa ninka kaliya ee dhaafay waxa la hadhay hogaamiyayaal badan oo soo maray gayiga geeska afrika, oo waxa ay sumada iyo baadi-soocba ku yihiin ee ah qabyaalada, waa ninka u xusul duubtay in uu dhabarka ka jabiyo xooga manta yar iyo weyba laga gaabsado, ee hoos loo xanto, ee hadh cad ku yidhi xoogayga ayaan saaranahay ee waa inoo qoriga afkiisa, godane waa ninka ay yartahay in uu soo maro gayiga geeska waana mid ku suntan ma hadhooyinka iyo timaada nololeed ee gayiga.
Intaasi waa qayb ka mida, se wali furfuraada weydiinta ah maxaa qoriga dagta u saaray? Waa weydiinta lagu kala aragti gadisan yahay, laftiisuna aanu si cad uga war-celin Karin, soohdin iyo su’gaal dhabana kumay yeelan garaadkiisa, waxana taas marag ka ah hadii aad si gun-sugan aad u dhugato, dhamaan hadaladiisa, waxa aad ogaanaysa waxa kaliya ee uu raba in ay tahay in uu xooga iyo xusul-maroojinta ku maamulo, waana waxa ay ugu yeedhaan cida la aragtida ahi maamulida cabsida, oo gunta ku haysa in ay habka iyo hanaanka maamul ee ay rumaysan yihin uu yahay mid taagtiisa iyo tamarta lagaga edabsadaa ay tahay xooga iyo xeelada uu lee yahay, hadii ay tahay gudaha maamulkaas iyo dibada maamulkaasba, waxa se dhaba godane in uu si garaad iyo garasho dheer leh u maamulay cabsidaas, isaga oo gayiga laga caagay ee xoogaga dunida ugu waaweyni ka quusteen, ka dhigay gayi la qaadi waayo shilin dhulka yaala, waana gayiga ku caano maalay 23 sano ee ugu dambaysay nabad-xumo.
Waa dhab oo hadba dhan ban u heehaab-raacay weydiinta, se iyada ayaa leh, heehaabka iyo qalin-siibashada, se weydiintaasi waa mid u wada taagan dhamaan cida ay is hayaan godane iyo cida uu hogaamiyo, in ay ka wada war-celiyaan, oo ay inta ay jilibka laabtan, is weydiiyaan, maxaa inagu diray godane ee uu dhiigeena ku banaystay? Maxaa keenay isaga oo aqoontaas leh in uu dhankaas kale ka miiso? Maxaa ugu wacan in uu noqdo tuke baal-cad? Muxuu godane uga dooratay noloshaas, tan dhadhanka iyo dheefta aan ku hayno? Maxay ugu muuqan weyday deegaanta iyo rayska aan salka ku haynaa? Gayiga aan nabada ka dhignay ama ka dhigayno maxaa uu u ugu diidan yahay in uu nabad noqdo? Ma nabada ayaynaan isku si u aqoon? Se nabada uu isagu rabaa waa maxay? Hubaal weeyi waana dhamaan weydimaha uu godane si dhabta uga sugaayo cida ay is-hayaan, ee weydiin weydiin ku celi yaanay noqone waa in jilibka la isku laabto lana yidhaa yaa qaldan yaa gar leh, yaase gabi iyo qaw jafaayao, oo jiidhay dhamaan soohdimaha iyo dabarada bulshada u yaala?
Dhilashada iyo dheegashadu waa kugu garaadka, ee godane waa ninka dhaafay waxa ay ku hamiyaan dhigii, kuna qasbay in qaramada ugu xooga weyni ay maankooda iyo garaadkoodaba geeliyeen, godane hadii aad miiska wadahadalka keeni weydiin, gayiga yaanu idinkula noolaan, u dira godka hoose iyo halka loo badan yahay, ee loo dhaadhiciyo ninkasta oo keenada soo dhigan waayay.
Muxuu beeniyay?
Godane waxa uu bohol iyo booraan gun-dheer ku turay waxa dhigii dabarka iyo shakaalka ku noqday ee ah, aqoon gaaban oo aan dhaafayn sheegayna waxa gidarkan ka damabeeya, ee ah kaliya furfurida humaaga iyo xaadinta kurtinada aqooneed iyaga oo aan gufida aqooneed saarayn, si ay ugu dhaadhacaan waxa ka hooseeya gufida, ee garaadku ku kala sareeyo, iyo ta kale oo ah qabyaalada kana dhigtay dhigii Eebaha ay sida dhabta ah u rumaysan yihin, cidii ka hor-timaadana ku qaadan dagaal aan gabasho iyo sariigasho midna lahayn, wuxuna taas uu ku beeniayay in uu gayi aan kiisa ay ku dhaqan yihiin bulshada uu la haybta iyo hilibka wadaagto ka hir-galiyo mid ka mida maamulada ugu hadal-haynta badan, iyada oo ay meeshaasi tahay meesha aan ka wada dharagsanahay, habka iyo hanaanka dhaqan nololeed ee u gaarka ah.
Godane labadaas buu gayiga kaga muuq iyo magac weynaaday, kana dhigtay ninka ay madixiisa saran tahay 7 milyan $ in ay hesho cida xog iyo xogaaal ka keenta, dhamaana loo wada istaagay in nolol iyo geeri mid uun lagu sheego, bal si in yar mar ay noqotaba salka loo dhigo.
Waxa se xuladaka uu siday si dhaba u dhex-qaaday gayiga afrika, oo kulaynka xuladkaasi wada gaadhay, se waa loo kala badnaa, dareemida gacantiisa kulul, waana uu u qaybiayay fiiridhka dhimbiishiisa, waxa iyaduna waydiin ah godane maxaa ugu wacan ee uu hawlo la taaban karo uu uga fulin weeyay gayiga uu ka dhashay ee Somaliland? Ma xidhiidh baa kala dhexeeyay? Mise waxa ay ahay kuma daaree ha na daarin? Mise suul-dhabaalayn iyo sheeda igala soco ayaa ka dhaxaysay? Mise fiinta ayaa kala dhex maraysay? Waa weydiimo laga sugaaayo sir-doonka Somaliland iyo raga hogaanka u haya Somaliland, se ma dhab baa in godane uu kala dhexeeyay heshiis aan qornayn se biyo dhiciisu u adeegayo Somaliland, oo ah in uu qaska iyo kala furfuranka ku dheereeyo somaliya si ay beesha dunidu ugu soo joogsato, ugu yaraan Somaliland.
Godane waa dhab oo waa nin hayb iyo deegaan ahaanba ka soo jeeda Somaliland, iyada oo aan si dhabana aan u ognahay xidhiidhka xog-wadaag ee ka dhexeeya reer galbeedaka iyo Somaliland siiba gaar ahaan Ingiriiska, oo ah cida sida dhabta uga taageerta dhinaca sugida nabada Somaliland, kuna leh Somaliland sal-dhiga sir-doon ee geeska, kaas oo u taagan hadh iyo habeenba helida xogta kooxda godane iyo cida ay hadaba iyagu raadsanayaan, ee ay ku daba-joogan, waxaas oo dhan oo jira ma sir-doonka Somaliland baa ka dheereeyay faraskii godane mise godane ayaa halka ay beedkiisu yaalaan is yidhi durdurada ha la jiidhin yaanay jabine? Maxaa keenay in godane hawl uu uga qaban waayo Somaliland iyada oo uu si cad u ogyahay in halkaasi tahay meesha ay ka xog raadsadaan cida ay is hayaan? Waa weydin iyaduna u baahan in hogaanka Somaliland ay ka jawaaban? Mida kale maxaa loo baadhi waayay qaraxyadii ka dhacay hargeisa iyo dilalkii ka dhacay galbeedka ilaa bariga oo kaliya loogu dhaafay godane iyo kooxdiisa ayaa ka dambaysa? Iyada lafteedu waa xog laga qariayay bulshada Somaliland.
Dhaman weydiimahaasi waa kuwo aan uga tagaayo cida ay godane fiintu aanay dhex-marin, oo leh cid ay hayb iyo hiliba wadaagan iyo cid muuq iyo maqalba aanay wadaagin, se dhabu waa ka war-celinta dhamaan weydiimahaas, xogtuna iyada ayay dhex taala ee waa nin iyo garaadkii iyo sida uu ula soo baxaayo.
Godane maxa ka dambeeya?
Weydiimaha iyo hadba maayada ay soo tuurayso, mahadhooyinku weeyi, se waxa la haybiyaa marka hir ku dhaafaba hirka kaas ku dhaafay daba socda ee soo sheedsanaya, waxana dhaba in hirkaas godane ina dhaafay, wixii uu ku wacnaa iyo wixii uu ku qaloocayba, se maayada ku xigtaa maxay tahay? Maxay inoo sidaa? Maxaanse kaga hortagi karnaa haydaarta ku ladhan? Mase tahay mid ka xanuun iyo xanaaf badan ta godane? Mise waa ka shido iyo shaabuugba yartahay?
Se gunta waa waxa uu qarinaayo waxa soo socdaa, se runtu waa hal kaliya oo aan lahayn mid labeeya, kaasina waa, inta gujada iyo dhex-qaadka reer galbeedku kula jiro bulshadeena ee uu diidan yahay dhib iyo dheefkasta aan dhexdeena isku qabnee, in aan hawsheena wadano, waxa aaan rabno iyo waxa aan dhab ahaan u rumaysan nahayna uu inoo diidan yahay waxa aan haybinaa waa maayad iyo mir habeen oo ay ina miraan godane iyo ukunta uu ka tagay, waana halka lagu heshiin kari waayay, ee faca godane sida fiinta uga qayliyeen.
Mida kale waa waxa iska cad in kooxaha sidan u fogaaday ay shiiqaan oo ay noqdaan qorax galbeedsatay, oo u sii guranaysa dhankii godkeedii, se waxa kaliya ee godkaas ku sii riixi karaa waa in fara-galinta ay dhaafaan reer galbeedku, iyo hadba gacan-togaalaynta, bulshadana u dhaafan iyaga ayaa yaqaan halka iyo goobta ay taal dantooduyem taasi waa mid mida kale waa in bulshadu u wada guntadaan in ay facooda ka dheereeyaan habkan oo ah hab ay ku dhex jiraan boholo diimeed oo si fudud hadii aan dhalinta looga badbaadin ku tuuri kara haydaar iyo hataqo aanay ka soo waaqsan Karin, taasi oo noqonaysa in godane ay sii jiraan dhashii uu ka tagay.
Hadaba aniga oo xogtan weydiimuhu ka buuxan idinka tagay, waxa aan si gaara u qeexaya, halka aan ka taaganahay godane iyo kooxdiisa, iyada oo ay iska cadahay, oo aanay ahayn mid aan hada sheegayo, erayada oo koobana habkaas iyo hawshaas uu ku jiray waa mid aan af iyo adinba aan ku diidanahay, kuna diidi doono, iyada oo diidmadaydu ay dhabarka ku hayso, gunta iyo qotada dheer ee aan u leeyahay diinta iyo waaya aragnimada dhabta ah ee aan ka dhaxalay, aqoonta aan bartay, iyo aniga oo si dhaba u dhugtay boholaha ku jira argtidaas, oo ah mid xoog iyo muquunin ku qotonta, ee aan ku qotomin is-qancin iyo in la wadahadlo, aragtidana lagu wadaago hab iyo hanaan nabadeed, waxanse hadaba aan ku soo xidhay qormadan oo aan idinku dhaafaya weydiimahaas iyo sida aad uga soo dheegataan.
Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Bartay Aqoontaka Xeerarka
9/9/2014