Abwaan abdirashid xariir,, Gabaygii (Qiimadarida adunka). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan abdirashid xariir,, Gabaygii (Qiimadarida adunka).
September 3, 2014 - Written by Wariye:

Tixdan hoos ku qorani waxa tiriyey Abwaan Abdirashid Harir Sh Muhumed waxaanay ka hadlaysa guud ahaan qiima darida aduunyada iyo sida looga tagayo

Tixdan hoos ku qorani waxa tiriyey Abwaan Abdirashid Harir Sh Muhumed waxaanay ka hadlaysa guud ahaan qiima darida aduunyada iyo sida looga tagayo waxkasta oo aad ku haysato ama aad ku tabcato.

Waana sida soo socotaa

1.      Ta-da gabay baryahan waanigaan tirinin luuqdiiye

2.      Layskama turqee waayahaa lagu tusmeeyaaye

3.      Xaluunbaan tirtii dhexe hurdada taajud lay yidhiye

4.      Tifafaalihiyo waayahaan toos u faaqidaye

5.      Tubta sare cirkiyo meel fog-baan tooxshey faalada e

6.      Todobada cishiyo maalmahaan tiriye nuurow e

7.      Tabaalada aduun-baan rabaa inaan tilmaamaaye

8.      Tusaaliyo waxaan bixinayaa taliyo faalayne

9.      Bal tixraaca maansadan aduun tobanba waa cayne

10.  Tiigsiga wax kaamaqan naftuna tabayso waa howle

11.  Todobada aduun kii hantiyo kaan tunaba haynin

12.  Mar hadaan ninaba

tows la’ayn tamari yeelkeeede

13.  Maxaan kaga tanaadaa aduun  tacabkii waa beene

14.  Tooraha janada loo mariyo tooska iyo khayrka

15.  Allahow tubtii aakhiriyo talada hay seejin

16.  Aduunyaduba waa laba tus iyo toban dharaarood e

17.  Tiix iyo abaarbaa isku xiga teeriyo ayaane

18.  Tusmo lagu nagaadiyo malaha teed barwaaqo ah e

19.  Tiro buuxda inay yeelatana tahali maysaane

20.  Tab kastiyo ninkii xeel yaqaan turuq si loo maalo

21.  Ama talo wanaag iyo aqoon taaba gala yeesha

22.  Ama tii ducada waalidkii tahane loo buuxshey

23.  Mar hadaan midnaba taajir nimo nolol ku taabaynin

24.  Tamootida wadkiyo  aakhirana kaga talaabaynin

25.  Tirsi malaha meel loo noqdiyo mug iyo taariikhe

26.  Maxaan kaga tanaadaa aduun tacabkii waa beene

27.  Tooraha janada loo mariyo tooska iyo khayrka

28.  Allahow tubtii aakhiriyo talada hay seegin

29.  Tusmo wacan haween iyo caruur tubada soo buuxsha

30.  Tulud geela adhi teedsan iyo sac iyo beer taam ah

31.  Ama daaro xaradh lagu tidciyo tamashle gaadiid ah

32.  Ama maal lasoo toobiyo kuman tafaariiq ah

33.  Ama ay tab iyo xeeladiyo tamari kaa buuxdo

34.  Ood turuqyo wayntahay jidhkuna taamku yahay xooga

35.  Mar haday naftuba tii alliyo sugayso time-keeda

36.  Oo aan tashiil iyo bur-dhaaf tuna la eegaynin

37.  Oo aan ninaba talo aduun turuq ku waaraynin

38.  Teembada wadkuna xowlal-kiyo sudhantey tuurteena

39.  Tasbiixdiyo waxaa ila gudboon inan tartiibtaaye

40.  Maxaan kaga tanaadaa aduun tacabkii waa been e

41.  Tooraha janada loo mariyo tooska iyo khayrka

42.  Allahow tubtii aakhiriyo talada hay seejin !

Dhamaad

By Abwaan Abdirashid Harir Mohamed- Hargeisa Somaliland.

COMMENTS
LINKS