GUDAHA Ka AKHRI;Yaa Iibsaday? Sijaayadii Loo Tolay Qabriga NABI MOHAMED (CSW) Imisa ayaa lakala siistay ?
Editor:
HARGEISA(Wajaalenews)Sijaayad qurux badan oo loogu talo galay in la huwiyo qabriga Nebi Muxamed (SCW) ayaa carwo ku taalla dalka Qatar waxaa lagaga iibsaday lacag dhan Shan Milyan iyo Badh doolarka Maraykanka ah. Warkan oo ay daabacday jariiradda Ar-Rraaya ee ka soo baxda dalka Qatar, ayaa sheegaya in carwo muddo ka hor lagu qabtay magaalada Doxa ee xarunta dalka Qatar lagu iibsaday sijaayaddan oo lagu magacaabay Baaruudaa. Xabiib Basha oo Isu-duwe ka ah urur caalamiya oo fadhigiisu yahay Qatar oo Bandhiggan iibka aataarka islaamiga ah soo qaban-qaabiyey ayaa Jariiradda Ar-Rraaya u sheegay in sijaayaddan oo magaceeda loo bixiyey Baaruudaa ay ka samaysan tahay maaddadaha Dheemanta iyo dahabka, sidoo kalana lagu xardhay maadadda luulka ee laga helo dalalka Khaliijka.
Waxa uu masuulkani sheegay in qiimaha bilowgii lagu soo bandhigay sijaayaddani ahaa Afar Milyan iyo Shan boqol oo kun oo doolar, laakiin markii dambe isku erigu gaadhay in qof codsaday in la qariyo oo ka soo hadlay talefan uu ku iibsaday shan milyan iyo badh doolar. Farsamo yaqaan u dhashay dalka India oo muslimay ayaa muddo hadda laga joogo boqol sano ka hor sijaayaddan qaaliga ah u sameeyey in la huwiyo qabriga Rasuulkeena sharafta badan (SCW) ee magaalada Madiina, laakiin ninkan Hindiga ahi waxa uu dhintay isaga oo aan riyadiisaa rumayn. Sida uu sheegay masuulkani sijaayaddan waxa illaa hadda iska lahaa qoyska uu ka dhashay ninkaa hindiga ahi, dhererkeedu waa Laba Mitir iyo badh ballaceeduna waa Mitir iyo badh, midabkeedu waa beej furan, laakiin macdanta ay ka samaysan tahay iyo ta lagu xardhay ayaa uu ekeysiinaya in ay midabaysan tahay.