|
|||||
WAJAALE NEWS
GUDAHA Ka AKHRI;Yaa Iibsaday? Sijaayadii Loo Tolay Qabriga NABI MOHAMED (CSW) Imisa ayaa lakala siistay ?
August 22, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews)Sijaayad qurux badan oo loogu talo galay in la huwiyo qabriga Nebi Muxamed (SCW) ayaa carwo ku taalla dalka Qatar waxaa lagaga iibsaday lacag dhan Shan Milyan iyo Badh doolarka Maraykanka ah. Warkan oo ay daabacday jariiradda Ar-Rraaya ee ka soo baxda dalka Qatar, ayaa sheegaya in carwo muddo ka hor lagu qabtay magaalada Doxa ee xarunta dalka Qatar lagu iibsaday sijaayaddan oo lagu magacaabay Baaruudaa. Xabiib Basha oo Isu-duwe ka ah urur caalamiya oo fadhigiisu yahay Qatar oo Bandhiggan iibka aataarka islaamiga ah soo qaban-qaabiyey ayaa Jariiradda Ar-Rraaya u sheegay in sijaayaddan oo magaceeda loo bixiyey Baaruudaa ay ka samaysan tahay maaddadaha Dheemanta iyo dahabka, sidoo kalana lagu xardhay maadadda luulka ee laga helo dalalka Khaliijka.
JARIIRADA; Ar-Rraaya COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|