|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliye Shaqale Oo Ka Hadlay Duulaanka Saaxdheer Iyo Wararkii Udambeeyay Iyo Firxadka Khaatumo
August 28, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Ugu yaraan 20 ruux oo isugu jiray ciidamadii saaka ku dagaalamay tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay 30-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saaka ka dhaacay deegaankan oo 75-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wararka laga helayo deegaanka Saax-dheer ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii kooxaha Khaatumo iyo wafuud kala duwan oo halkaas u tagay ka qaybgalka caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Khaatumo, Cali Khaliif Galeydh ayaa markii uu dagaalku billowday u tallaabay dhinaca dalka Itoobiya oo ku dhow tuulada. Horgalihii khaatumo ee la doonayay in la caleemo-saaro ayaa haatan ku sugan deegaanno ka tirsan Itoobiya, iyadoo ciidamada Somaliland ay ku ekaadeen gudaha deegaankaas oo la filayay in munaasabadda caleemo-saarka ay ka dhacdo. Taliyaha ciidamada Somaliland, Jen. Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in sababta ay saaka u weerareen tuulada Saax-dheer ay tahay iyadoo shalay la keenay hub iyo ciidammo laga soo daabulay Muqdisho iyo Kismaayo. WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO;Qaabka Ay Isugu Hayaan Siyaasada Somaliya Dowladaha Imaaradka & Qatar Iyo Ciday Kala Adeegsada... Baarlamaanka Midawga Yurub Oo Maanta La Filayo In La Horgeeyo Qadiyada Gooni Isutaaga Somaliland Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Bandhig Suugaaneed Abwaan Weedhsame Caawa Ku Qabanayay Magaalaa Ber... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|