WAJAALE NEWS

Sheeko: Faneed ,Aqoonyahan Dulcadeysan.

Xariir waxaa ahaa nin ilaahay maskax badan ku maneystey waxaa hadh iyo habeen ku fikir jirey sida uu bilaabi lahaa waxbarashiisa

Xariir waa arday  waxbarashadii hoose iyo sare ku soo qaatey dugsiyada ku yaala hargiesa  xariir waxa ahaa arday inta badan ka dhex muuqada  fasalada uu wax ka barato, waxaa u ilaahay hibo uu siiyey fahan dheeraad iyo sabir iyo dulqaad waxaa aad ugu taami jirey in mar u uu gaadhi doono hamigiisa ahaa in noqodo qof cilmi iyo mansab wanaagsan hela taasi si uu gaadho waxaa geed dheer iyo geed gaaban uu fuuley sidii uu gaadhi lahaa. Waayadii hore waliba wakhitiyaadii Somaliland la aasaasey  madaxdi dalka haystey waxay ku guulesteeen in  ardaydii wakhtigaa waxbarashada ku jirey in ka dhadhiciyaan in ay  yihiin dhakhaatiirtii beri iyo  aqoonyahankii beri ama soo gaabiyoo  yahanada mustqabalka.

xariir noloshiisa qoysnimo waxa ahayd  mid saboola

oo ay marmar caqabado ku noqoto in sii wato hamigiisii aha in  waxbarato oo noqodo mid anfaca waalidkiisa iyo dalkiisa hooyo, xariir bar bilowgiisii hore ee waxbarashada hoose bilaabeyey  muu haysan cid intey u kaxayso iskuulka oo ya maamulaha u geyso  soo qorta iskuulka ama soo diwaangalinsta fasalka koowaad ee waxbarasha (uulo)  xariir waalidkii waxaa ka nool hooyadii iyaduna waxay suuqa u gashey sida ay  ugu soo heli lahayd  nolol maalmeedkiisa  ma hayso wakhti ay ku soo qorto iskuulka  oo ay ku geyso.

Xariir waxaa ahaa nin ilaahay maskax badan ku maneystey waxaa hadh iyo habeen ku fikir jirey sida uu bilaabi lahaa waxbarashiisa oo iskuulka u galilahaa.waagaa waxbarashdu dalku waxay ahayd mid ku dhisan nidaamiyo sharci loo dhan yahay sidin imika dhacada ardayna laba qori jirin iskuull ilaa marka hore soo dhigto quraanka kariimka ugu yaraan JIS CAMA ama jiska ugu horeeyey quraanka , sidoo kale  qof bilaa waalid lama qorin jirin iskuulka, xariir muu haysan cid u ka geysa iskuulka oo soo qorta  waxaa had iyo jeer warysan jirey  ardayada ay jaarka yihiin ee dhigta iskuulka, waxaa mar walba ku fikir jirey is aan ugu hadhin filkiisa ee wax la barto oo mar uun ay isracaan iyagoo xidhan direyska iskuulka, islamarkaana ay sheeko wadaag waxbarasho yeeshaan ee ay ka sheekeystaan nolosha cusub ee waxbarasho. Xariir waxay jaar ahayeen islaan la odhan jirey WERIS, weris iskuulka hortiisa ku iibin jirtey nusasacaha ardayada, waris lafteedu waxay ahayd qof aad u wanagsan oo soo dhaweysa ardayada. xariir waxaa  aad isku dayi jirey   islaanta weris u sheego in maamulaha  la hadasho  muu samayn maalintaa arinkaa waayo waxaa ahaa nin aad xishood badan muu dooneyn in weris u sheego  waxba la soo qaado maalintii danbe ilayn wakhtigii waxbarashduna uu socdaaye isagoo aad isku adkeyna oo carabka qaniinsan ayuu ku yidhi weris waxaan doonayaa in aad iskuulka isoo qortid  waad ogtahay in waalidku shaqeeyo oo aanu wakhti haynin  uu iskuulka igu soo qoro, weris waxay fahantey oo ay akhrisatey waajiga xariir oo u muuqaday mid hilow badan ka muuqado ilmaduna ay ku soo taagantahay kaliya waxaa dareenkiisa hoos u dhigi karaa tahay  in maamulaha u geyso. Xariir waa diyaar wuxuu sitaa afar buugaaga iyo qalin beensal iyo waliba direysii oo si fiican uu soo nadiifeyey. Islaanta weris intey ay xidhey meheradii ay tidhi in keen aan maamulaha kuu geeyee, xariir waxa aad ugu wanaagsan yahay quraanka kariimka hore ayuu ugu dhameyey quraanka loox, higaada iyo akhriska carabiga u ku fiicnaa. Weris waxay marki maamulaha uu sheegtey in aad iskuulka ii  qorto ardaygan. Maamuluhu waa ka aqbalay in xariir iskuulka la qoro waxaa weydiiyey  xariir quraaka ma dhigtey xariir oo kalsooni badan ka muuqto ayaa HAA waxaad akhridaa  SUURTUL CAMA xariir kalsooni badan ka muuqto waxaa ku akhireyey SUURTA CAMA cod dagan oo macaan oo aan tajwiid ka madhneyn, waxaa maamulihi  u sheegey  weris in uu bilaabi karo waxbarashada lana qabsan karo. Xariir waxaa dareemeyey in  farxad badan hilowgii faraha badnana run isku bedelay  waxaa markiiba la qabsadey sheekadi saaxiibadii ee marka ay iskuulka ka soo dareeraan ku sheekeystaan. Xariir marnaba  muu hilmaamin waayuhu u soo maray  wuxuu galay dadaal dheer  si uga midho dhalin ahaa una  anfici lahaa waalidkiisa oo ay ugu horeyso HOOYO WERIS oo  musqabalkiisa qayb weyn ku ahayd in maruun noqdo qof aqoon leh oo  magaca iyo sharafba ka dhex hela bulshada uu  la noolyahay. xariir waxaa halkaasi kasii amboqaadey barbilowna u noqtey hayaankiisii waxbarasho, xariir waxaa aad akhri jirey oo jecelaa heesaha waxbarasho ee sawirka muuqada bixinayaa hoga tusaaleyneysa in xariir iyo cidii la filka aha laga sugaayo tacab badan iyo dadaaal uu dalkoodad iyo dadkooba danbarsan doono  waxaa kamid hees uu curieyey abwaanka weyn siciid saalax oo  ka mid kooxdii ifitiin  iyo aqoon waxaana erayadii ka mid

Anbo qaadka geediga

Marka owrta lo raro

Heesaha u gaar ka ah

Waxaa lagu aloosaa

Duco eebeeheen iyo                          ………………………..  LASOO …….. 2

NAME: CABDI BAYLOOD

MOBILE: 063=4153719

EMAIL: PILOT1000@HOMAIL.COM

Exit mobile version