|
|||||
WAJAALE NEWS
Markab Nooca Xamuulka Ah Oo 15 Baabur Ku Daadiyay Bada Si Uu U Badbaado.
August 11, 2014 - Written by Wariye:B Sida aanu Ku helnay Ilo Xog Ogaal ah, Markabkan oo lagu magacaabo shaakir waxa wakiil ka ah shirkada Oomaar ee wadaniga ah. waxaanu alaabtan ganacsatada uu u siday ka soo qaaday todobaadkii hore Dekeda Malaada Dubai ee Isutaga imaaraadka Carabta,markabkan ayaa intii uu Bada ku soo jiray waxa uu dhawr jeer ku sigtay inuu bada la quuso alaabta iyadoo la sheegay marar badan culayska alaabta awgeed uu bada ku dhex ciiray,arintaasi oo keentay cabsi badan iyo wal wal soo food saaray ganacsatii alaabtu u saarnay oo todobaadkanba raad caynayay inuu markabkani soo sabata baxo oo uu soo gaadho Marsada Berbera. Markabkan ayaa intuu dhexda ku soo jiray laga daadiyay 15-gaadhi oo u rarnaa ganacsato reer Hargeysa ah si loo dhimo culays badan oo uu tabayay markabku,waxaa kale oo la sheegay in bada lagu dhex daadiyay alaab badan oo kale oo iyaduna ka mid ah rarkii uu siday,waxaanu markabani uu shalay soo gaadhay Dekedab Berber oo uu ku soo xidhay isagoo sida alaab burbursan,siiba gaadiidka saaran ee ka soo hadhay kuwii bada lagu dhexdaadiyay ayaa la sheegay inay intooda badan burbursan yihiin,arintaasi oo loo aanaynayo ciir ciiri taankii badnaa ee uu bada la soo rafaadayay inay keentay burburkan alaabta uu Berbera keenay ku timid. Hargaysa Office Related posts:Baanka Itoobiya Oo Doonaya Inuu Somaliland Xarun ka furto Iyo Walaaca Ay ka Qabaan Caqabada Aqoonsi ... Markale Iyo Falaqaynta 26-ka Wasiir Ee Xukuumadda Siilaanyo + Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Ta... Daawo: Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Gobolka Sanaag Ka Bilaabay Wajigii Labaad Ee Kaadh ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|