Hiigsashada horumarka ummadeed iyo Qaran waxaa la gaadhi karaa oo kali ah marka laga xoroobo ku dhaqanka iyo Kool-koolinta Qabyaalada iyo
> Qabiil jeclaysiga. Haddaba, horumar maxaa la odhan karaa? Haddii aynu
> dib ugu noqono labada erey ee ay ugu yeedhaan reergalbeedku oo kala ah
> “ Culture” oo qolooyinka Jarmalku hormoodka u ahaa ay u isticmaali
> jireen iyo “ Civilization” oo iyana ay u adeegsadaan qolooyinka kale
> ee uu Faransiisku hogaaminayey. Dhinaca kale , qolooyinka carbeed ama
> afka carbeed ayaa waxay ku tilmaamaan Horumarka inuu yahay ; Xadaarad,
> Saqaafa iyo Madaniya.
>
> Haddaba, raasamaalka ummadi ay ku horumari kartaa waxaa lagu tilmaamaa
> inay ka mid yihiin: Dhul, Dadka iyo wakhtiga. Dhinac kale haddii aynu
> ka eegno haddii ay ummadi hesho shantan qodob ee soo socda waxaa la
> saadaaliyey in ay gaadhi karto horumar taama. Waxaana kamid ah
> qodobadaa; 1) Dhul: laga faaidaysto waxa gudihiisa ku jira iyo waxa
> dulsaaranba. 2) wakhtiga : wakhtiga oo laga faaidaysto oo aan la
> lumin 3) Dadka: dadka oo fakira oo aqoontooda ka faaideeya 4) Maamuul
> dawladeed: inuu jiro nidaam maamul oo shaqaynayaa 5)
> Taabacaad/Ogolaanshiyo: dhaqan ogol ashyaada ama qodobada aynu soo
> sheegnay.
>
> Haddii aynu dib u milicsano qodobadaa aynu sare kusoo xusnay , waxaa
> ugu muhiimsan uguna horeeya in ay leedahay ( Human resources) dad
> cilmi, aqoon iyo xirfado leh oo si wadajir ah uga hawlgala
> wakhtigoodana u hura horumarka dalkooda . tusaale haddii aynu usoo
> qaadano Dalka Japan malaha wax khayraad dabiiciya (Natural resources)
> haddana, waxa uu kamid yahay ama uu kujiraa safka hore ee wadama
> hogaaminaya horumarka aduunka. Waxaana uu dhab ahaan ka faaidaystay
> dadkiisa oo la yimid midnimo iyo iskaashi iyaga oo adeegsanaya
> xirfadahooga aqooneed.
>
> Dhinac kale , horumarka waxaa cadawga kowaad u ah Qabyaalad oo iyana
> dhasha tafaraaruq ku yimaad bulsho-waynta guud ahaan , natiijadeeduna
> ay ku dambayso dib u dhac dhinac walba leh oo saamayn kakan ku yeesha
> bulshada guud ahaan iyo waliba carqalado ku yimaad habsami u socodka
> hawlaha dawladnimo.
>
> Sidaadarteed, haddii aan usoo noqdo ujeedada aan kalahaa maqaalkaygan
> ee igu kalifay inaan ummadda usoo bandhigo waxay tahay; arimaha
> baryahan dambe rag waaweyn oo aqoon iyo cilmiba u saaxiib ah loona
> baahnaa inay dalkooda iyo dadkooda ugaga faaideeyaan, ayaa waxaa kasoo
> burqanaaya odhaahyo iyo abaabulo qaloocan iyo xulafaysi qabyaaladaysan
> oo ah runtii foolxumo shacabkani ka korey oo hadda ay ka bogsadeen
> boogihii dhaawac ee hore ugasoo gaaadhay . 16 August 2014 cabaaro 10
> kii aroornimo ayay ku beegnayd markii rag Dhakhaatiir iyo Aqoon-yahan
> kaleba lahaa iyaga oo jooga hoteelka SABA ee magaaladan Hargeisa ay
> ku mashquulsanaayeen hab-dhaqankan khariban ee aynu sare kusoo xusnay,
> waxay ahaayeen ragaasi Indheer-garadkii dalka ee loo baahnaa in ay ka
> qayb qaataan horumarka balaadhan ee xawliga ku socda ee ay hormoodka
> ka tahay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed
> Maxamud ( Siilaanyo) .
>
> Gabagabadii; waxaan hambalyo u dirayaa shacabka Somaliland ee jecel
> in ay ka qayb-qaataan horumarka dalkooda ka socda islamarkaana aan
> dhagaysan hadimooyinka qabyaalada ku dhisan ee ay la dhex-wareegayaa
> ashkhaasta horumarka ku bukoota. Halyeeyada Xukuumada Axmed Siilaanyo
> ee Horumarka balaadhan dalkooda u hureyna waxaan leeyahay hambalyo
> halkaa kasii wadda.
>
>
>
> Wabilllahi tawfiq
>
> Cabdirasaaq Askar
>
> Hargeisa,Somaliland