|
|||||
WAJAALE NEWS
Halyeeyo Horumarka ku Hawlan iyo Shakhsiyaad Haybnimo u Heegan!
August 19, 2014 - Written by Editor:Hiigsashada horumarka ummadeed iyo Qaran waxaa la gaadhi karaa oo kali ah marka laga xoroobo ku dhaqanka iyo Kool-koolinta Qabyaalada iyo > Qabiil jeclaysiga. Haddaba, horumar maxaa la odhan karaa? Haddii aynu > dib ugu noqono labada erey ee ay ugu yeedhaan reergalbeedku oo kala ah > “ Culture” oo qolooyinka Jarmalku hormoodka u ahaa ay u isticmaali > jireen iyo “ Civilization” oo iyana ay u adeegsadaan qolooyinka kale > ee uu Faransiisku hogaaminayey. Dhinaca kale , qolooyinka carbeed ama > afka carbeed ayaa waxay ku tilmaamaan Horumarka inuu yahay ; Xadaarad, > Saqaafa iyo Madaniya.
> > Haddaba, raasamaalka ummadi ay ku horumari kartaa waxaa lagu tilmaamaa > inay ka mid yihiin: Dhul, Dadka iyo wakhtiga. Dhinac kale haddii aynu > ka eegno haddii ay ummadi hesho shantan qodob ee soo socda waxaa la > saadaaliyey in ay gaadhi karto horumar taama. Waxaana kamid ah > qodobadaa; 1) Dhul: laga faaidaysto waxa gudihiisa ku jira iyo waxa > dulsaaranba. 2) wakhtiga : wakhtiga oo laga faaidaysto oo aan la > lumin 3) Dadka: dadka oo fakira oo aqoontooda ka faaideeya 4) Maamuul > dawladeed: inuu jiro nidaam maamul oo shaqaynayaa 5) > Taabacaad/Ogolaanshiyo: dhaqan ogol ashyaada ama qodobada aynu soo > sheegnay. > > Haddii aynu dib u milicsano qodobadaa aynu sare kusoo xusnay , waxaa > ugu muhiimsan uguna horeeya in ay leedahay ( Human resources) dad > cilmi, aqoon iyo xirfado leh oo si wadajir ah uga hawlgala > wakhtigoodana u hura horumarka dalkooda . tusaale haddii aynu usoo > qaadano Dalka Japan malaha wax khayraad dabiiciya (Natural resources) > haddana, waxa uu kamid yahay ama uu kujiraa safka hore ee wadama > hogaaminaya horumarka aduunka. Waxaana uu dhab ahaan ka faaidaystay > dadkiisa oo la yimid midnimo iyo iskaashi iyaga oo adeegsanaya > xirfadahooga aqooneed. > > Dhinac kale , horumarka waxaa cadawga kowaad u ah Qabyaalad oo iyana > dhasha tafaraaruq ku yimaad bulsho-waynta guud ahaan , natiijadeeduna > ay ku dambayso dib u dhac dhinac walba leh oo saamayn kakan ku yeesha > bulshada guud ahaan iyo waliba carqalado ku yimaad habsami u socodka > hawlaha dawladnimo. > > Sidaadarteed, haddii aan usoo noqdo ujeedada aan kalahaa maqaalkaygan > ee igu kalifay inaan ummadda usoo bandhigo waxay tahay; arimaha > baryahan dambe rag waaweyn oo aqoon iyo cilmiba u saaxiib ah loona > baahnaa inay dalkooda iyo dadkooda ugaga faaideeyaan, ayaa waxaa kasoo > burqanaaya odhaahyo iyo abaabulo qaloocan iyo xulafaysi qabyaaladaysan > oo ah runtii foolxumo shacabkani ka korey oo hadda ay ka bogsadeen > boogihii dhaawac ee hore ugasoo gaaadhay . 16 August 2014 cabaaro 10 > kii aroornimo ayay ku beegnayd markii rag Dhakhaatiir iyo Aqoon-yahan > kaleba lahaa iyaga oo jooga hoteelka SABA ee magaaladan Hargeisa ay > ku mashquulsanaayeen hab-dhaqankan khariban ee aynu sare kusoo xusnay, > waxay ahaayeen ragaasi Indheer-garadkii dalka ee loo baahnaa in ay ka > qayb qaataan horumarka balaadhan ee xawliga ku socda ee ay hormoodka > ka tahay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed > Maxamud ( Siilaanyo) . > > Gabagabadii; waxaan hambalyo u dirayaa shacabka Somaliland ee jecel > in ay ka qayb-qaataan horumarka dalkooda ka socda islamarkaana aan > dhagaysan hadimooyinka qabyaalada ku dhisan ee ay la dhex-wareegayaa > ashkhaasta horumarka ku bukoota. Halyeeyada Xukuumada Axmed Siilaanyo > ee Horumarka balaadhan dalkooda u hureyna waxaan leeyahay hambalyo > halkaa kasii wadda. > > > > Wabilllahi tawfiq > > Cabdirasaaq Askar > > Hargeisa,Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|