WAJAALE NEWS

Fu’ad Aadan Cade Oo Leh Xaabsade Saleelee Ana Haatan Caymaday!

dalkani ma aha dal la aqoonsaday oo qaramada midoobay xubin ka ah waa dal siyaasiyan u lumay oo u baahan iyada oo ladhowrayo

tan iyo intii ay talada la wareegtay xukuumada madaxweyne siilaanyo waxa umada ku dhacay kala qaybsanaan iyo kala fogaansho iyo furfur siyaasadeed waxay dib ugu noqdeen nidaamkii beelaha ee ay kasoo gudbeen somalidu waxay tidhaah daa nimaan talin jirin haduu taliyo nimaan tege jirin baa taga!,
 
nidaamka siyaasadeed ee Somaliland waa mid ku dhisan wada tashi iyo talo wadaad iyo awood qaybsi siyaasadeed hadii uu meesha kabaxana waxa imanaya ismaandhaaf siyaasadeed kaas oo khatar ku ah xasiloonida dalka,
 
dalkani ma aha dal la aqoonsaday oo qaramada midoobay xubin ka ah waa dal siyaasiyan u lumay oo u baahan iyada oo ladhowrayo wada jirka umada iyo isku duubnidooda in laraadiyo sidii uu caalamka uga mid noqon lahaa,
 
fuad aadan cade 23

sano ayuu Somaliland joogay oo uu ka dhex shaqaynayay wuxuu soo qabtay shaqooyin muhiim ah iyo xilal sare waxa maanta ku kalifay inuu maanta ka cadhoodo Somaliland oo uu u tago kuwuu 23 sano kasoo horjeeday waa wax aad u culus  wuxuu yidhi nin kii la odhan jiray magan,
 
rag waxaan ku maamuli ama ku maamuusi
mase inaanu nahay oo toliimo meerto nootahay
nin kii se iga maarma uma muraad yeesho
masalaha nimaan ii dhigayn midig masaaraayo!,
 
ragu wuxuu ku wada joogaa yuhuunta ama ku kal tagaa haduu qofku arko inaan meesha laga doonayn didmo ayuu ka qaadaa xitaa wax yar masii taagnaankaro wuxuu yidhi abwaankii faarax nuur,
 
Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin, talo lagaa reebay

Meel aan lagaa rabin indhaha, lalama sii raaco

Layskuma ridaan rido haddaan, ruuxu ku arkaynin!,

 

hore waxa uga dhaqaaqay dalka oo ka calool go-ay keyse cabdi Yusuf oo ahaa wasiir udowlaha gobolada bari qudhiisu markii dibada laga soo hoyn waayay isaga oo xil wasiir ku magacaaban ee hargeysa dhex deeda masaariiftii kaga go-day ayuu goor aan habeena ahayn maalina ahayn intuu gaadhigiisii xaraashay oo deyntii lagu lahaa iskaga bixiyay ka dhaqaajiyay!,

 

wuxuu yidhi abwaankii,

 

 

Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane

Oon doonihayn inaad heshana, daa’in abidkaaye

Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

Dala malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayeye!,

 

siyaasada xukuumada siilaanyo waa mid ku dhisan baadidaas aan daacada laga ahayn ee caga daaliska ah! waxa layidhi nin aad u cali xumaa oo ku Jiri jiray sheekooyinka carbeed oo juxa la odhan jiray ayaa isku deyey inuu gooyo geed uu saaraa korkiisa laantii uu ku fadhiyay markaasaa nin socoto ah oo meesha marayaa ku yidhi waar laantan aad ku fadhido ee aad hadana gudinta ku jaraysaa sow intay go-do kula soo jabi mayso kadina adigu dhulka ku soo dhici maysid oo ama dhiman maysid ama dhaawacmi maysid! wuu la yaabay wuxuu ugu jawaabay juxa oo adigu sidaad ku ogaatay inay go-ayso laantu oo aan soo dhacaayo kadibna dhaawac ama dhimasho igaadhayso?!! wuxuu ugu jawaabay nin kii dee sowdigaas aan arko ee aad laantii aad ku fadhiday aad goynayso! sidii baa dhacday oo nin kii juxa wuu soo dhacay oo uu  jajabay! iminka xukuumadan siilaanyo waxani malaa caqli iyo aqoon kama aha ee waa xaalad abuur siyaasadeed oo ay rabto inay dalka geliso si ay u hesho mudo kordhin xileed! ileen dalka doorasho kadhacda oo loo diyaar yahay kama muuqato waxan oo qas siyaasadeed ahina waa sidii ay goboladaas bariga xaalad siyaasadeed uga dhalan lahayd ee iyaduna mudo kordhin loogu samayn lahaa waxaase isweydiin leh hadii ay dalka xaaladaas dagaal geliso masii joogaysaa kursida waxa layidhi karis xun Iyana wax ku la! umalayn maayo inay ka danbaynayso.

 

waxaan ku sooxidhayaa qormadan tixdan gaaban,

 

Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga

Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii dheere

Walee inna raggow talo aduun, taada uun ma aha

 

aadan axmed nuur

Exit mobile version