|
|||||
WAJAALE NEWS
Fuad Aadan Cade Oo Leh Xaabsade Saleelee Ana Haatan Caymaday!
August 12, 2014 - Written by Wariye:dalkani ma aha dal la aqoonsaday oo qaramada midoobay xubin ka ah waa dal siyaasiyan u lumay oo u baahan iyada oo ladhowrayo tan iyo intii ay talada la wareegtay xukuumada madaxweyne siilaanyo waxa umada ku dhacay kala qaybsanaan iyo kala fogaansho iyo furfur siyaasadeed waxay dib ugu noqdeen nidaamkii beelaha ee ay kasoo gudbeen somalidu waxay tidhaah daa nimaan talin jirin haduu taliyo nimaan tege jirin baa taga!, sano ayuu Somaliland joogay oo uu ka dhex shaqaynayay wuxuu soo qabtay shaqooyin muhiim ah iyo xilal sare waxa maanta ku kalifay inuu maanta ka cadhoodo Somaliland oo uu u tago kuwuu 23 sano kasoo horjeeday waa wax aad u culus wuxuu yidhi nin kii la odhan jiray magan, Meel aan lagaa rabin indhaha, lalama sii raaco Layskuma ridaan rido haddaan, ruuxu ku arkaynin!,
hore waxa uga dhaqaaqay dalka oo ka calool go-ay keyse cabdi Yusuf oo ahaa wasiir udowlaha gobolada bari qudhiisu markii dibada laga soo hoyn waayay isaga oo xil wasiir ku magacaaban ee hargeysa dhex deeda masaariiftii kaga go-day ayuu goor aan habeena ahayn maalina ahayn intuu gaadhigiisii xaraashay oo deyntii lagu lahaa iskaga bixiyay ka dhaqaajiyay!,
wuxuu yidhi abwaankii,
Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane Oon doonihayn inaad heshana, daa’in abidkaaye Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne Dala malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayeye!,
siyaasada xukuumada siilaanyo waa mid ku dhisan baadidaas aan daacada laga ahayn ee caga daaliska ah! waxa layidhi nin aad u cali xumaa oo ku Jiri jiray sheekooyinka carbeed oo juxa la odhan jiray ayaa isku deyey inuu gooyo geed uu saaraa korkiisa laantii uu ku fadhiyay markaasaa nin socoto ah oo meesha marayaa ku yidhi waar laantan aad ku fadhido ee aad hadana gudinta ku jaraysaa sow intay go-do kula soo jabi mayso kadina adigu dhulka ku soo dhici maysid oo ama dhiman maysid ama dhaawacmi maysid! wuu la yaabay wuxuu ugu jawaabay juxa oo adigu sidaad ku ogaatay inay go-ayso laantu oo aan soo dhacaayo kadibna dhaawac ama dhimasho igaadhayso?!! wuxuu ugu jawaabay nin kii dee sowdigaas aan arko ee aad laantii aad ku fadhiday aad goynayso! sidii baa dhacday oo nin kii juxa wuu soo dhacay oo uu jajabay! iminka xukuumadan siilaanyo waxani malaa caqli iyo aqoon kama aha ee waa xaalad abuur siyaasadeed oo ay rabto inay dalka geliso si ay u hesho mudo kordhin xileed! ileen dalka doorasho kadhacda oo loo diyaar yahay kama muuqato waxan oo qas siyaasadeed ahina waa sidii ay goboladaas bariga xaalad siyaasadeed uga dhalan lahayd ee iyaduna mudo kordhin loogu samayn lahaa waxaase isweydiin leh hadii ay dalka xaaladaas dagaal geliso masii joogaysaa kursida waxa layidhi karis xun Iyana wax ku la! umalayn maayo inay ka danbaynayso.
waxaan ku sooxidhayaa qormadan tixdan gaaban,
Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii dheere Walee inna raggow talo aduun, taada uun ma aha
aadan axmed nuur COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|