Joro! ayaa Walla-wayn aan duni war u hayni soo tidhi. Dayuuradaha yar-yar baa Buuhoodle gegi ku taalla is hor iyo daba maray
SC Akhyaarta sharafta leh, fadlan ha la ii soo daabaco, maxaa yeelay anigaa ka mas’uul ah fekerkayga.
Gabyaa hore ayaa yidhi “Geel Doono iyo ways Xigaan Geeso Dhiig lihi”. Cali-khaliif Galaydh, oo inta uu xagarkii soo madhiyay, oo waabo-jaan dhistay, ayuu u buseelay in mar uun madaxweyne geli cidla ah loogu magacaabo. Goortuu beryo halkaa ku quraacanayey mashxarad madhan iyo cayaayir aan lugo adag ku taagnayn, ayuu ayaantii dambe waraaqaha marti-qaadka qaybiyay oo u kala diray bari, bogox iyo dooy!
Joro! ayaa Walla-wayn aan duni war u hayni soo tidhi. Dayuuradaha yar-yar baa Buuhoodle gegi ku taalla is hor iyo daba maray. Gawaadhi u badan qaar dul go’an iyo
waaraaddo ayaa 80 km hawd iyo xagar afka loo
geliyay. Intaan Walla-wayntii Saax-dheerba gaadhin, waxaa la ii sheegay in ay hunqaaco iyo bantar ku waasheen.
Saax-dheer kolkii ay hal habeen u hoydeenna, sidan ayay wax u dhaceen. Wax kale ba ma dhicine Cali Khaliif uun baa lagu hor-qaawiyay oo la tusay inuu yahay beenaale soo lugooyay dad aanu marti-qaadi karayn.
Fariid-falan,
Buuhoodle, Somaliland