WAJAALE NEWS

Xukuumadda Silaanyo Oo Ku Fashilantay Inay U Gurmaddaan Dhalinyaro By Mukhtar Cilmi.

iyadoo aanay sanad jirinba xukuumaddani jodhi waxa ay noqotay Xukuumadda siweyn looga niyad jabo dadki doortay

 
 

 

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

 

Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee Hadhwanaag.ca

 
Xukuumadda Kulmiye ololihii ay xilka ku heshay inay u gurmadi doonan dhalinyaradda ,waxa uu ku Beer laxawsan jirin Kulmiye Udub way tagaysaaye ha tahriibina !!, hadaba Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Wakiilada Magac u yaalka ah ee Xukuumadda Silaanyo Maxamed Yoonis Biixi oo ku Fashilmay in ay u gurmadaan Dhalinyarada Ku Xidhan jeelasha Libaya iyo Malta, maalin kaliya miyuu ka hadlay madaxweynuhu iyo wasiirkiisa ariintaas inay jiran inamo ku xidh xidhan jeelasha wadamadaas oo ah mas’uuliyadda wasiirka inuu kis walba oo somalilander xidhan daba galo???? Jawaabto waa maya

waayo dan lagama leh inamadeena.

iyadoo aanay sanad jirinba xukuumaddani jodhi waxa ay noqotay Xukuumadda siweyn looga niyad jabo dadki doortay, tahriibkiina waxa uu noqday mid afar jibaar kor u kacay, magaalooyinka waaweyna ee Hargaysaa iyo Burco iyo booramaba waxa ay noqdeen magaalooyin Habeen walba laga baroorto , mee waajibkii wasiirka saarna inuu eheladaas u gurmaadoo maadama ay tahay mas’uuliyadiisa?? Maalin umu hagar bixin dadkaas isaga iyo dawladduba !!, marka dadka difaacaya xukuumaddan maxay ku difacayaan oo ku soo kordhisay umaddeena? Waxayna ku soo kordhisay hanjibaad iyo xadhig iyo amuus ha hadlin.
 
Sanadkii 2011 ilaayo 2012, waxa ay ahaayeen sanadadihii ay dhalinyaradu gunta kasoo ruqday, gaar ahaan magaalooyinka Somaliland ee waaweyn, dugsiyadda sare ayaa noqday qaar haawanaya bil walba sidi loo tahribayay bal waraysta macalamiinta !!, waxana xaqiijiyay hadalkaygan mid ka mid ah maamulayaasha dugsiyada sare, oo mar uu saxaafadda la hadlaayay u sheegay in Fasalka 4aad iyo 3aad ee dugsiga sare ee uu maamulaha ka yahay Faaruqeen Ardaydiina ay dhamaan tahriibtay !!, waa ku ceeb wasaaradda tacliinta sare ee maalinwalba ku faanta waxqabad.

Waxa jirta suuq ka socda somaliland gudaheeda oo ay maamulan dad dhalinaradda Tahriibiya !!, ayaa waxa ay Xarumo ku leeyihiin hargaysaa iyo itoobiya iyo Suudaan iyo Liibiya oo ah halka talyaaniga looga si gudbo, marka ay dhalinyaraddu Tahriibka u badheedhaan ay ka soo gudbaan itoobiya, waa ayaan darro xukuumadd xakamin weedeye xududkeeda iyo laanta socdaalka oo ah wax jirin baa, garan maayo waxay dalka ka sameyaan laantaasu?!.

Hadaba Tv.ga qaranka ee afka Xukuumadda ku hadla ayaa dhawaan waxa uu soo bandhigay muuqaalo muujinanaya dhibka ay soo maraan dadka tahriibaa !! , kuwaas oo ay dhowr website yado baahiyeen sida ay u dhiban yihiin dhalinyaradda somaliland ee ku cadilan dalka Malta iyo Libiya iyo waliba sida ay xukuumadda Silaanyo aanay ilaahada waxba ugu qaban !, dhalinyaro fara badan ayaa ku xidhan Xabsiyadda Liibaya iyagoo dhamaan dadkaasi aanay wax danbiya galin oo dhibaatada qudha ee ay gaysteen tahay in ay Liibiya Soo galeen iyada oo Liibiyaankuna ay xabsiyadda ugu hayaan dadkaasi si qayrul sharci ah, oo ay ahayd in ay mastaafriyaan uun amba ay xabsiyadda ka siidaayaan, laakin dad u hadla ma haystan xukuumadd iyo wasaaraadd iyo safiir tuna aan jirin marka sidi ayay nuur u arki karaan dadkaas xidhan ??!!! .
Waxaau kale jirta in dhalinyaro kumanaan gaadhayaa ayaa iyana waxa ay ku xidhan yihiin dalka Malta iyo Talyaanigaba, oo halkaasi ku cadilan una baahan in loo gurmado, ururada Xuquuqda aadanaha ayaan arintan ka hawl galin oo ay wasaaradda arimaha dibadda aanla xidhiidhin xidhiidh dhalin kara in loo gurmado umaddas xidhan,  halka ay inta badan ka hadlaasho arimaha siyaasadda iyo wax la mida laakin arintan waa ay ka gaabiyeen xilki logo tala galay.

Ugu danbayn wasaarada arimaha dibadda iyo Wakiilada Xukuumada Siilaanyo ee magac uyaalka ah ee ku afiraka iyo qaarada yurub waa ay ku fashilmeen in ay wax u qabtaan dhalinyaraddi somaliland ee ku cadilan jeelasha Liibiya iyo Yurub, oo aan marna isku dayin bal in ay dawladdahaas kala hadlaan in ay dadkooda u soo celiyaan, wakiladda fadhiya London iyo yurubta kale xita umay tagin dadkaas iyago kari kara inay booqdaan oo u doodaan, waxay natusaysa arintan inay xukumaddani tahay tii ugu tahriibka badan oo inamadi yar yara kaga tahriibayaan waxqabad la’aanta ay xukuumaddani la timi dalka, iyo waakilo un ku nool mashahar kaga qaatan somaliland iyagoo ka xil gaabsaday shaqadooda taasna waa boob umaddena logo hayo ayan u arka !!.

 

Khadar2244@hotmail.com

 

Mukhtar Cilmi

Exit mobile version