|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga UCID Oo Beeniyay War sheegay In Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Yahay Musharax Madaxtinimo Ee Xisbigaasi
July 24, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalennews)Xoghaya Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusf Keyse C/laahi ayaa jawaab ka bixiyey war wargeyska Somaliland Today ku sheegay in Musharaxa madaxtinimo ee Xisbiga UCID noqon doono Wasiirka Aarimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis. War-saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha ayaa u qornaa sidan:- Tan kale Murashaxa keliya ee Xisbiga UCID waa Aqoonyahanka JAMAL ALI HUSEIN, oo aanu Hubno in Uu So celin doono rajadii Shacbiga Somaliland ka Qabeen in Mar uun Ummada Somaliland ka mid noqoto Dawladaha Caalamka isla markaana kor u so qaado Quusta la geliyey, iyadoo aan weli Ictiraaf Caalami ah loo helin, Hankii ay qabeenna uu ku dhex baaba’ay Nidaamka Dowladda Kulmiye ee Qabyaaladda, Eexda iyo Hanti Urursigu Madax maray Xizbiga UCID waxa kaloo uu u arkaa in kooxaha u adeega Nidaamka Silaanyo, inay degayaan tabo iyo xeelado siyaasadeed oo ma dhalays ah, oo loola jeedo in lagu wiiqo wadajirka iyo kacdoonka isa soo taraya ee loogu diyaar garoobaayo doorashada soo socota iyo taageerada xad dhaafka ee Xisbiga UCID Uu Kasbaday Wakhtiyadi u Danbeeyey wajaalenews hargeisa/office carab Related posts:“Shacaboow Mid Ogaada, Yaan Laga Sasin Buuqa Iyo Muranka Asxaabta, Waana Meel Talo Lagu Wadaagayo Oo... Madaxweynaha oo Amar ka soo Saaray Maktabada GANDI oo Muran ka Dhashay Ganacsade la Doonayey in lagu... Gaadiidlayda Iyo Muruq-maalka Magaalada Wajaale Oo Bayaan Ay Kaga Cabanayaan Ganacsato Shaqadoodii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|