WAJAALE NEWS

UMMAD DHAQAN GADOONATAY

Bismilaahi Raxmaani Raxiim: waxaa mahadnaq iyo ugaaryeelid mudan Eebaheen,Sareeye, ee inoo suurta galiyay inaan Awood, Karti,Wakhti u helno Qoraalkan oo hadaan allah inoo saamixin, Inana siinin Caqli, Garasho, aynaan waxba Qori karneen,Intaas kadib waxaan maaanta waxyar ka odhan doonaa ama isku baraarujin doonaa insha allah dhaqankeenii suubanaa halka uu maray gaar ahaan Bishan barakaysan ee Ramadaanta, Inagoo kujirna tobankii ugu khayrka badnaa ee “LAYLATUL KHADRIGA”
Dhaqanka suuban ee Ramadaanta Iyo sifaheeda toosan.

 

Akhristayaal maqaaalkan oo aad ugaaban waxaan ugu talagalnay inaan kaga hadalno dhaqanka suuban ee Ramadaanta iyo sifaheeda toosan kuna baraarujino umada muslimiinta ah gaar ahaan inta ku hadasha ama akhrida Afka somliga maadaama aynu ku jirno tobankii dambe ee naarta la iska xoraynaayay, ilaahay ha inaga yeelo kuswaas naarta laga horeeyay insha allah AAMIIN.
Akhistayaal waxaan dhamaanteen kawada dheregsanaahay in bisha Barakaysan ee Ramadaan lagu camiro Cibaado iyo Alla kacabsi iyo Masaajidada oo lacamiro haday noqoto Shantii salaadood iyo Sunna yaashooda oo la adkeeyo,Soonka oo lasoomo,Taraawiixda oo la oogo, Sadaqada oo labixiyo,Taajidka oo latukado, Sakada oo labixiyo.
Sidoo kale in lagasoomo dhamaan waxyaabaha xun xun ee ishudiidayso sida eegmada dumarka xun xun ee qaawan ama aan xidhnayn dhar kuhaboon oo cawradooda astura,filimada xun xun, cayda oo la iska daayo, Xanta oo la iska daayo,Dagaalka oo la iska daayo, Cadhada oo la iska daayo iyo dhammaan waxyaabaha soonka jabiya ee la inoo sheegay oo la iska daayo.
Dadkuna dhammaantood ilaahay dartii isku wada cafiyaan si looga aqbalo soonkooda iyo cibaadaadka kale ee qofku samaynaayo.
Taas cagsigeeda.
Akhristayaal taas cagsigeeda waxaan kawada warhaynaa in bisha barakaysan ee ramadaan dad badani u fahmeen bil soojeed oo lacaweeyo, gaar ahaan raga qaarkii waxay caadaysteen inay habeenkii ku saama leelaan ama kusoojeedaan oo wakhtigooda kulumiyaan wax aan faa’iido u lahayn.
Sida Laadhuuda ,Dubnada,Turubka ,Qaadka iyo Sigaarka iyo waxyaabo kale oo badan, sidoo kale ay maalin oo dhan hurdaan oo ay kacaan maqribka ama Afurka hadiiba ay sooman yihiin.
Taasina waxay muujinaysaa inaan dhamaanba dayacnay cibaadaadkii ilaahay ina faray sunihii iyo faralkiiba taasina waxaykeeni doontaa in cadho allah inagu dhacdo hadiiba aynu dadka noocaas ah ugu nasteexayn weyno inay khayrka camiraan oo ilaahay kacabsadaan oo soomaan salaadana tukadaan waayo “WUXUU YIDHI NABIGEENII MUXAMED AHAA N.N.K.H. MALAKKUL JIBRIIR AYAA IGU YIDHI QOFKA AY U BILATO BIL RAMADAAN EE AAN DAMBIGIISA LADHAAFIN ILAAHAY NAARTA HA KU FOGEEYEE AAMIIN DHEH, ANIGUNA AAMIIN AYAAN IDHI”sidaas oo kale waxa qofka noocaas ah kudhacaysa ducadaas uu rasuulku ugu duceeyay in naarta lagu fogeeyo,
Sidaas awgeed walaalayaal waa inaan kafogaanaa dhaqamada xun xun ee noocaas ah ee ay caadaysteen bulshadeena qaybkamid ah, ee ay ilaaween masuuliyadii iyo u jeedadii loo abuuray.

Maxay kusugan yihiin hablaheenii wanaagsanaan jiray Ramadaanta?
Akhristayaal tii oo aan kujirno bishii khayrka ee ramadaan waliba tobankii ugu khayrka badnaa ee uu ku jiray habeenka “LAYLATUL KHADRIGA” bal aan dhinaca kale eegno khaflada ay kusugan yihiin hablaheenii wanagsanaa .
Akhristayaal waxaynu kawada warhaynaa in maalinba maalinta kadambaysa aynu kasii guurayno dhaqan keenii Suubanaa, Xishoodkii,Isqadarintii,Kaladambayntii, Taasina waxaykeentay iyada oo aan kujirno bil barakaysan in hablaheenii yar yaraa ku dayanayaan dhaqan shisheeye taasina waxay sababtay in habeen walba aad suuqa ku arkayso ama shaaricyada waaweyn ee magaalada Hargeisa hablo yar_yar oo da’doodu aad u yar_yar tahay oo aad is odhanayso ma dhar ayay xidhan yihiin mise wax u eeg.
Sidoo kale waxaad arkaysaa iyagoo koox koox u wada socda shaaricyada waaweyn ee magaalada hargeisa Balse akhristayaal waxaan layaabay in hablahaasi tii aad aragtaaba ay kasii daran tahay tii hore ee aad aragtay oo aad is odhanayso miyaanay guri waalid joogo kasoo bixin,Miyaanay waalid dhalin,Miyaanay muslin ahayn,Miyaanay allah kacabsanayn, waa maxay waxaan ay xidhan yihiin,
Sidoo kale waxaad arkaysaa iyagoo u soo xaraabaadsi tegaaya carwooyinka waaweyn ama bacadle yaasha iyagoon wax dan ah lahayn.
Sidoo kale waxaad layaabaysaa waxa ay xidhan yihiin iyo sida ay u eeg yihiin,Sida ay Dhaqan koodii,Diintoodii,Dadnimadoodii, Sharaftoodii,Karaamadoodii, u lumiyeen, iyo sida ay Gayaankood isugu ceebeeyeen, hidahoodii iyo dhaqan koodii markaliya uga faro baxeen.
ILAAHAY HASOO HADEEYO INSHA ALLAH.
Waxay taagan yihiin sekad walba oo aad kalaabto, Waxay lataagan yihiin wiilyar oo dhafoorada xiirtay oo wax uu usoo kordhiyaa aanay jirin,Waxay ilaaween in lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan,Waxay ka horumariyeen Hawadooda iyo waxa ay naftoodu doonto.
Ma waxay ilaaween Geerida iyo maalinta Aakhiro ee la is xisaabin doono, Ma waxaanay faham sanayn ku dhaqanka diinta islaamka iyo shareecada, Ma waxaanay Garanayn Qur’aanka, Ma waalid kooda ayaan waxba u sheegin.
JAWAABTU WAA MAYA!!!!
Akhristayaal hadal iyo hilbaba kala qalan,kumaan darin hablihii wanaagsanaa ee cibaadada Eebe oogaayay, Ee ka faa’iidaysanaayay Bisha Ramadaan,Ee taraawiixda tukanaayay, Ee taajika u ka caayay, Ee wuxuu ilaahay katag yidhina kategaayay, Wuxuu farayna si wanaagsan ugu camal falaayay, Balse waxaan kahad leynaa kaliya hablaha aanay u muuqan xaqiiqda dhabta ahi.

Akhristayaal Guntii iyo Gabagabadii iyo Gunaanadkii waxaan qoraal kaygan kusoo koobayaa in qofkasta oo waalid ah ama gabadh hadhalo ama wiil hadhalo in uu lasocdo ilmahiisu meesha uu maraayo ama halka uu bulshada kaga jiro, xaalada uu kusugan yahay,cida uu saaxiibka layahay iyo goobaha uu kusugan yahay marwalba insha allah.
Qoraaga maqaalkan :Khadar Mohumed Muuse {Koodh}
Hargeisa/Somaliland
Mobile: 063_4262245
Email.Koodh_2010@hotmail.com

ALLA MAHAD LEH

Exit mobile version