WAJAALE NEWS

Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka.Q.11.

Qormadii tan ka horaysay waxa aan ku iftiimi-yay waaxda garsoorka,Fulinta(w.cadaalada) iyo guddida cadaaladu inay isku milmayn

Akhristaayasha qadarinta iga mudan waxa aan ku hambalyay-nayaa bisha barakaysan ee Ramadaan.Waxa allaah inooga baryayaa inuu cibaadada innaga aqbalo.Waxa aan masuuliyiinta waaxda garsoorka ka rajay-nayaa inay khayrka bisha ramadaan badsadaan oo waxyaabo badan toosiyaan.

Qormadii tan ka horaysay waxa aan ku iftiimi-yay waaxda garsoorka,Fulinta(w.cadaalada) iyo guddida cadaaladu inay isku milmayn.Taasina waxay keentay maamul ahaan w.garsoorku inay hoos tagto guddida cadaalada oo aanay ka madaxbanaanayn hadana dastuurka sida aynu ku aragnay waxa ku cad inay garsoorka,fulinta iyo sharci dejintu kala madaxbanaan-yahiin.

Waxa kale oo aan ku iftiimi-yay qodobada 37,107 iyo 108 ee dastuurka inay iska hor imanayaan oo ay dabin ku xidheen madaxbanaanida garsoorka,una baahan in wax ka bedel lagu sameeyo.

Maantana waxa aan ku soo qaadan doonaa xaqa muwaadin-ka

ee lagu duudsiyo w.garsoorka.Horta waa inaynu isla garanaa dhamaan waaxda garsoorku inay shaqaale u tahay muwaadini-yiinta oo ay si sharci ah ugu adeegaan.Markay sidaa tahay waa inay ugu horayn garsoorayaasha,xeer-ilaaliyaasha iyo gar-yaqaanadu ogaadaan oo ay rumaysan-yahiin qiimaha muwaadinku leeyahay,qadarina leeyahay.Intaa kadib waxa ku waajib ah oo sharci ah inay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka iyagoo ku dhaqmaaya dastuurka.Waa inay ogaadaan muwaadinku inuu iyaga la mid yahay,ta qudha ee lagu kala duwan-yahayna tahay xilalka ay u hayaan muwaadinka.Balse waxa caadi noqotay oo ka muuqda waaxda garsoorka:

1.Awood sheegasho(Power Abuse).

2.Quudhsi xuquuqda dadka(Negligence of human rights).

3.Dacwadaha oo noqday saylad(Cases became courts market).

Hoos ugu sii daadegi maayo guul-darrooyinka maalin walba ay muwaadini-yiintu kala kulmaan waaxda garsoorka,waxa ka sii daran oo aan hore tilmaan uga bixiyay dhaqamada muwaadinka maxbuuska ah lagula kaco,waa aragti aad u naxdin badan,waa aragti aad u xanuun badan marka aad jaleecdid qaabka baabuurka yar loogu soo tuulay sida xaabada,waa qalbi xanuun markaad indhaha qac ku siisid silsilada laysugu xidhay ayagoon weli danbiilayaal ahayn,ayagoon dacwadaba laga soo qorin,baadhayaashu siday yidhaahaan uun garsoorahu raaco,maxaa dhacay ee caynkaa loogu geliyaa muwaadiniyiinta!!!!!

Wax cadayn ah lagama hayo xeer-ilaaliyaasha,baadhayaasha iyo booliska midnaba inta badan dacwadaha loo haysto maxaabiistaa darxumaysan ee xaqdarada ugu jiray muddo ka badan 24saacadood Saldhig-yada uu mataggu ku qabanayo marka aad qololka is-hortaagtid.Hadana garsooraha,xeer-ilaaliyaha,xataa qareenada intuba waxa aad moodaa aqoon-yahano shuruucda ku xeel dheer marka ay makhaayada ka shaahay-nayaan ama xarumaha fadhiyada qayilaada ay u samaysteen ku kulmaan.Dann-ba kama laha xaaladaha maxbuuska lagu hayo,waxa aan xasuustaa filamada ka sheekeeya dadkii la kala iibsan jiray(Slave trade) qaabkii laysugu xidhi jiray,dhengada loola dhici jiray!

Taloow ma qurus,eex dacwadeed,qabiil iyo qadarin madaxda ah ayaa xuquuqdii muwaadinka la dhaafsaday oo ay cadaaladii ku luntay.

Nin baa laga hayaa(Ninka ugu il-dheer baa dadka ugu ayaan daran).

La Soco…………….

Xuseen Xasan Badmaax

Badmah100@hotmail.com

Hargeysa/JSL

Exit mobile version