|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilanyo Oo Digreeetooyin Isdaba Joog Ah Oo Uu Galabta Soo Saaray Ku Aas,Aasay Ciidanka Dabdamiska Xili Ay Shufbeeleen Goobo Ganacsiyo Waawayn Oo Kala Duwan
July 5, 2014 - Written by Editor:
Hargeisa(wajaalenews)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/M/XERM/249-2619/072014 ku magacaabay Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Somaliland, Aas Aasidan ayaa Ku soo beegmaysa Wakhti Ganacsiyo badan iyo Meherado Ganacsi Ku Shufbeeleen Magaaloyinka Hargaysa iyo burco.
Warasaxaafadeed-Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka
Date: – 05/07/2014 WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2619/072014 ku magacaabay Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu arkay: Qodobka 76aad ee Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr. 23/2007;
Markuu arkay: Khatarta baaxadda leh ee uu dalka iyo dadka ku hayo dabku;
Markuu arkay: In ay daruuri tahay in la helo cid masuuliyadi si gaar ah uga saaran tahay la dagaalanka dabka;
Markuu garwaaqsaday: In loo baahan-yahay cid isku xidha dadaalada loogu jiro la tacaalidda dabka;
Markuu hubsaday: In Qaranku u baahan-yahay cid si gaar ah ugu xilsaaran la dagaalanka dabka, ka tala-bixinta iyo isku duwidda hawlaha la xidhiidha la dagaalanka iyo ka hortagga dabka;
Markuu si xeel dheer: Ula tashaday dadwayanaha iyo laamaha dawladeed ee ay khuseyso;
Wuxuu soo saaray;
Qodobka 1aad Aasaas Dab-damiska
Waxa halkan lagu Aasaasay Ciidanka Dab-Demiska Qaranka oo leh Qofnimo Qaanuuneed, xaruntiisuna tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, laamana ka furan kara Gobollada dalka, kaas oo hoos imanaya Ciidanka Booliiska oo ku leh awoodaha kala ah:
Qodobka 2aad Ujeedada Dab-damiska
Ujeedada Dab-damisku waa inuu ka badbaadiyo bulshada khatarta dabka.
Qodobka 3aad Xilka iyo Waajibaadka
Xilka iyo waajibaadka Ciidanku waa:
Qodobka 4aad Awoodaha Dab-damiska
Qodobka 5aad Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska
Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska waxa loo raacaya habka Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobka 6aad Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ciidanka Dab-damiska
Xilka iyo waajibaadka Ciidanka dab-damisku waa:
Qodobka 7aad Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska
Xilka iyo waajibaadka Taliye Ku-xigeenku waa:
Qodobka 8aad Hogaamada Ciidanka
Qaybaha ay ka koobnaanayaan Hogaamada Ciidanka, xilka iyo waajibaadkooda waxaa qeexaya Taliyaha Ciidanka Booliiska.
Qodobka 9aad Magacaabista Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska
Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska waxaa soo magacaabaya Taliyaha Ciidanka Booliiska marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
ALLAA MAHAD LEH
Wajaalenews.net Hargeisa/office c/raxmaan carab COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|