WAJAALE NEWS

Maalmaha Xanuunka Iyo Murugada( Days Of Pain And Grief).

kana fikiraan cawaaqibka iyo mustaqbalka umadooda iyo caruurtooda is nacaykana ku bedelaan isku tanaasul iyo jaarnimo

Taariikhda waxaan ku soo garaad sadey isnacayka yuhuuda iyo arabta oo ah dad wallaalo ah oo dhalasho ahaan isku qoys ka soo jeeda (Tafiirtii nabi Ibraahim Alehim Salam).

Dadka taariikh ahaan sidaas ah ayaa aduunku dhiigooda isku daawanayaa oo daacadnimo loo kala dhexgeleyin,Caruurta reer falastiin maha iney ku noolaadaan dhibaato iyo xasuuq joonto ah oo aan loo naxeen ee kaga imanaya xaga Israel ,dhinaca kale caruurta Israel waxay ku nool yihiin cabsi joogto ah. Arimahaasi ma aha xal iyo danta labada umadood ee waxaa xal u ah iney nabadgelyo kuwada nooladaan oo ay si cadaalada uwada qaysadaan khayraadka iyo siyaasada wadanmadooda, kana fikiraan cawaaqibka iyo mustaqbalka umadooda iyo caruurtooda is nacaykana ku bedelaan isku tanaasul iyo jaarnimo.Israel waxaa la

gudboon iney Joojiso xasuuqa Caruurta iyo Dadka aan waxba galabsan ee sida arxandarada ah u gumaadeyso iyada oo u sababeenaysa amaankeeda iyo difaaca shacabkeeda oo ay ilaalinayso,taasi caqliga wanaagsani uma arko sabab loo is ticmaalo xoog intaas le’eg oo u muuqda isirtir iyo nacab umadeed. Aniga rayigeyga waxaa u arkaa in xoog iyo ismuquunin waxba ku gaadhey labada dhinaca ee ay dhayaan boogaga dulmiga iyo nacaybka si wada jirna daacadnimo iyo jaarnimo ,u wada noolaadaan. Isreal sida ay u ilaalinayso amaanka dadka iyo caruurteeda ,waxaa ku waajiba iney ay ilaaliso xuquuqda caruurta iyo dadka aan waxba galabsan ee reer falastiin. Maalmaha Xanuunka iyo murugadu waxay ku dambeyn maalmaha farxada iyo wada noolashaha ,waa hadey diyaar u yihiin siyaasiinta labada dhinac. Isreal waa iney joojisaa duqaynta iyo arxandarad ay ku hayso shacbiga falastiin ,xamaasna waa iney joojisaa turturyada, Bulshada caalamku waa iney gargar u fidisaa dhibanaaysha iyo caruurta aan waxba galabsan ee reer falastiin, si daacadana u wadaan dhexdhaxaadin aan eex ku jirin iyaga oo ka wada shaqeenaya sidii xal loogu helilahaa dhibaatadan taariikhiga ah.

 

 

M J Farah

Political Analyst

  mohamed farah <rashiid64@hotmail.co.uk>  

Exit mobile version