WAJAALE NEWS

Khilaafaadka Cakiran Ee Kulmiye Ma Wuxu Astaan U Yahay Saadaalka Fashilka Siyaada Doorashada Soo Socota Ee Madaxwayne Siilaanyo ?

Geedi socodka taariikheed ee xisbiyada afirca ee u badan xisbiyo ay samaysteen madaxda dalka oo korka ka ah xisbi furan oo dadwayne hoostana ka ah mulkiyad u sharci garaysan nink madaxda ka ah meesha haddii uu madaxwayne yahay ama ra’iisul baarlamaan ama wax udhigma.

Markasta oo ay majaraha siyaadu toosan tahay wuu yaraadaa khilaafaadka iyo is qabsigu laakiin markasta oo uu yimaado damac siyaasadeed waxa abuurma loolan adag oo aan laysku tudhayn oo haddii ay kalifto meel kasta gaadhi karta.

Xusuus ahaan khilaafaadka noocaas ihi wuxuu ka dhex dhacay xisbiga kulmiye shir waynhii labaad halkaasoo halgamayaa taariikh ku leh Somaliland oo ay   xaqiiq tahay inay wax wayn ku lahaayeen geedi socodkii soo jireeka ahaa ee ay soo martay Somaliland

hadday tahay dagalkii ka dhacay Somaliland 1994 oo qaarkood safka hore ku jireen dagaalka qaarkoodna ay sii xoojiyeenba dhismaha xisbiga kulmiye oo uu gudoomiye ka ahaa axmed maxamed maxamud siilaanyo iyaga oo ku lahaa abaal soo jireen ah oo aan la filayn in madaxwaynuhu uu si sahlan uga saaro buugiisa xusuus qorka kuna badalo magacyadooda xubno dhaqasho ula shaqaynaya oo mashquul ku ah si ay indho sarcaad ugu samayn lahaayeen madaxwaynaha iyagoo raba kuraasta ay ku xafasheen inay ku sii fadhiyaan.

Dhibta u wayn ee manta haysata siilaanyo maaha mid uga timid dadwaynaha ee waa mid uga timid wasiiradiisa qaarkood oo ku kooban dantooda iyo dakhligooda oo sababay xuduuda xidhan ee dariska, sawirka ka muuqda cilaaqaadkeena international ka ah waxaana intaaso dhan sabab u ah gudasho la’aanta wasaarada arimaha gudaha ee dhinaca amniga oo ay ahayd in madaxwaynu u doorto kursigaas cida ugu daacadsan ilaalinta kursigiisa oo aan ahayn mid ku qabsankaraba xilka murashaxnimada madaxwaynimada hadii uu helo meel uu usoo maro taasoo shalay baabiisay xisbigii balaadhnaa ee u udub.

Waxa kale oo dhacday sidaasoo kale shirwaynihii 3aad oo muddo sanad ku dhow lix jeer dib loo dhigay oo nuxurku ahaa magaca noqonaaya murashaxa kulmiye ma madaxwayne siilaanyaa mise muuse biixi cabdi?

Marka dhinac layska dhigo durbaan garaacidii taageerada siilaanyo iyo difaaca muuse biixi ee sheekha maaliyada (samaale) oo bilaabay ilaa markii laga soo wareejiyay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada.

Mudadaas shir waynaha 3aad socday oo ku socday kala iibsashada digo iyo danbas macnaheede tahay inay qaarkood barbar taagnaayeen siilaanyo oo ay lahaayeen kaligaa ayaa sharaxan, qaar kalena ay ku lahaayeen muuse biixi odaygu wuu qaadtay labadiisii waqti marna waa waayay marna waa helay markaa hadda waqtigan adigaa leh iyagoo cuskadsiinaaya balan aan la garanayn meel uu ka dhacay laakiin ku baahay dadka.

Xaqiiqdu waxay noqotay in qolodii taraafikada ahay ee udhaxaysay labada nin (siilaanyo iyo muuse biixi) oo mid walba yidhaahdeen adigaa leh kursiga ee ku soco inay isku dhacaan, iyadoo xaqiiqdu ay tahay in dhexnimadu arintaasu ay aad u yar tahay oo sidii odayga Somaliland xaaji cabdikarem xuseen u sheegay kubadu waxay u socotay in la yidhaahdo siilaanyooy shantan adigaa leh taasoo bilawday in si qayaxan ay u wada hadlaan muuse iyo siilaanyo ka dibna xubnihii kale ee kulmiye ay soo saaraan qaraar dib loogu dhigaayo qabashada shirka golaha dhexe isaga oo aan wax goaana ku lahayn muuse biixi.

Saadaasha siyaasadu waxay muujinaysaa sida tan waqti dhaw:-

1-      Midnimada xisbiga kulmiye  waa koob jabay oo kale oo adag tahay in dib layskugu soo celiyo

2-      Muuse biixi siduu ku dhawaaqay xildhibaankayaga waabeeyow oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee kulmiye muuse biixi waa loo codaynaa lagaga xayuubiyo xilka gudoomiye nimada

3-      Taageerayaashii muuse biixi ama ha noqoto reer ahaan ama ha noqoto mabda’ ahaan intooda badan waa suuro gal inay ka digo rogtaan xisbiga kulmiye una biyo shubtaan mid ka mida mucaaradka.

4-      Taasi waxay keenaysaa ugu yaraan xamaaskii gabilay iyo hargeisa galbeed ee faraha badnaa inay dib isugu noqdaan sababta oo ah siyaasadu maaha gaadhi dheereeya oo wado high way ah maraaya oo an lahayn wax hakad ah ama hogog ah oo hakiya socodka gaadhiga

Sidaa daraadeed saadaasha muuqataa waxa weeyaan muuse oo odhanaaya waxani waxay I gaadheen maalintii la cunay dibigii cadaa ee aan ka hadli waayay, markaa taa macnaheedu waxay tahay kursi ka tuurkii Ibrahim dhagawayne, cabdirahman aw cali, iyocabdiraxman cabdiqaadir.

xassan suudi <bashkail30@hotmail.com

Exit mobile version