Waxa jira faan aan xaqiiq ku dhisnayan oo aynu ku faano Libaaxa, hadaynu faankaas meel iska dhigno oo wax tarkiisa Libaaxa aynu eegno,
Sida aynu la wada socono mid kasta oo inaga mid ah hadii aad maanta Su’aasho Libaax iyo Dameer keebaad dooran laahyd, waxa u si sahlan kuu odhanayaa Libaax.
Dhawaan ayay ahayd markii aan khudbad uu jeedinayay Maxamed Muuse Shire nasiib u helay inaan dadkii dhagahooda ay saamaysay aan noqday.
Ninkan odayga ah waxa uu si maquul ah uga hadlayaa sida aynu uga faano mid ka mid ah xayawaanka wax badan aadamaha u tara,hadana ugu faano mid ka mid ah xayawaanka dhibaato mooyaane aan dheef u lahayn aadamaha. Waxaynu nahay dad Dameerka u yaqaana nacas iyo xayawaan aan wanaagsanayan, laakiin bal daaqadaas aynu iska yara xidhno oo dhinca kale ka is taagno, Dameerku wakhti dheer waxa uu ahaa mid ka
mid ah gaadiidka ay aadamuhu dhulka korkiisa ay ku rartaan, Biyaha ayaynu guudkiisa saaranaa,alaabtuu inoo xamaala, keena dhaawacma ama gabooba ayaa la saaraa, sida oo kale reermiigeena qaarkood waabay ku guuraan.
Waxa jira faan aan xaqiiq ku dhisnayan oo aynu ku faano Libaaxa, hadaynu faankaas meel iska dhigno oo wax tarkiisa Libaaxa aynu eegno, waxa laga yaabaa in aynu nafaheena la yaabno, Libaaxu waa dad qaad dhiiran oo geesi ku ah baabi’inta dad iyo duunyo waxa uu la kulmo ama arko, dunida waxba kuma soo kordhiyo, sida caadiga ahna lama intifaacsado,badalkeedana waa argagixiye, aadamaha dhib weyn ayuu ku hayaa, waa laga baqaa, hadana ku faanistiisa waynu jecelnahay oo waabaynu u kal dheeraynaa isku dhererintiisa. Ka soo qaad qoyskiinu waxay ka kooban yihiin tobaneeyo qof, mid kasta oo idinka mid ah waxa uu u dhaqmay sida libaaxa, wax inuu cuno mooyee guriga waxba midkiina kuma soo kordhiyo, in wax la cunaa maba xumee marka aad wax doonaysaan xoog iyo burburinta waxii ka sokeeya oo dhan ayaad adeegsataan, markaad dheragtaana dhabarka ayaad u jiifsataan, gurigaasi sidee noqonayaa tolow. Soomaalidu maanta waa ay dhibantahay, magac malaha oo waa xero qoxooti, marka dadka ajaanibka ah ay in maqlaan waxa u horeeya ee maskaxdooda ku soo deg-degaa waa ma gaajo ayaa laga sheegayaa,mise colaad iyo wax ka daran. Waxaynu doonaynaa in aynu nolol wanaagsan oo badhaadhe ah ku noolaano hadana ma hayno wadadii aynu ku gaadhi lahayn. Marka mid kasta oo inaga mid ah ama inteena badan aynu noqono Dameer danta naftooda,dadkooda iyo dalkooda u ra’ran, ayaynu horumar gaadhi karnaa, markaas ayaynu nafeheena ku faani doonaa, oo dunida ka noqon doonaa kuwo xishmad ka mudan.
M.taajir Taajir88@hotmail.com