WAJAALE NEWS

Hargaysa, ”Hogaamiye” Ma Dhasho! Waayo?, W/Q:Cali Cumar Xasan.

Ma lihi oo hadalkaygu ma daarana Gobolka Marood-jeex (Hargaysa) Siyaasi kama dhalan, xaasha! Siyaasiyiin dad lagu sheegaa waa ay buuxaan daafaha Hargaysa

 Tan iyo intii la aasaasay ee la degay magaalada Hargaysa oo haatan lagu qiyaaso inay Qarni-ba tahay, waxa degaankeeda ka hano-qaaday dad badan oo bulshada jaadad-keeda kala duwan ka kooban oo guulo waawayn oo la taaban karo nolosha ka soo hooyay. Hargaysa, waxa ka soo baxay oo ku liibaanay mushtarkeeda iyo suuqyadeeda dad camuudaas ka badan oo Taajiriin hodan ah noqday. Hargaysa, xaga diinta marka loo kaco waxa Mawlacyadeeda ka aflaxay, Culimo qaari ah oo meeqaam sare ka gaadhay cilmiga diinta. Hargaysa, dugsiyadeeda wax-barasho waxa ka faa-isay boqolaal aqoon-yahan oo Digrii jaad kastaba leh hantay! Hargaysa, docaheeda waxa ka kacay oday-dhaqameed bulshadu aad ugu ayday oo karaamo iyo milgo badan kasbaday! Hargaysi, waxa ay habtay oo ay barbaarisay Suugaanyahano

meel durugsan kaga jira hal-abuuraanimada! Intaasoo idil marka laga yimaado hadaba, Yaabka yaabkiisa waxa ah in hor iyo dambe marka taariikhda gobolka Maroodi-jeex (Hargaysa) si dhab ah loogu kuur galo aanu wali ka kicin Qof Siyaasi ah oo wayn oo la odhan karo waa Hogaamiye Qaran oo lagu tanaado!

 

Ma lihi oo hadalkaygu ma daarana Gobolka Marood-jeex (Hargaysa) Siyaasi kama dhalan, xaasha! Siyaasiyiin dad lagu sheegaa waa ay buuxaan daafaha Hargaysa, Cawo-daraduse waxa ay tahay, kuwooda aan ilaa iyo haatan soo aragnay ma aha dar rag wax la qaybsan kara, ma aha kuwo ka soo dhex-mudhi kara tabcooyinka iyo suuldaarooyinka ay siyaasadu leedahay!  Ma aha kuwo aynu ka aragnay oo ina tusay tabo/xirfado ay ku galadan yihiin oo la isku halayn karo, oo hadii ay duufaamo kacaan bulshada badbaadin kara! Siyaasiyiinta Hargaysa ee aynu Ilaa iyo qarnigii 20aad soo maqlaynay/arkaynay hankoodu ma dhaafsiisna kursi ay fuulaan iyo jeebka oo ay qadaadiic ku buuxsadaan, waana sababtaa ta aan u leeyahay Hargaysa Hogaamiye la mahadiyay wali ma dihin!

 

Taa Cakiskeeda, bal gobolka dhanka Bariga ka xiga ee Tog-dheer yara daymoo iyo sooyaalkiisa ku hodman Qodadka dhaadheer (hogaamiyayaasha) ee ilaahay ugu deeqay, ee taarikhdu ay xusayso! Dadkan kooban ee aan hoosta magacyadooda ku tixi doonaa waa inyar oo dul-xaadis ah oo ka mid Hal-horaadkii bulshada reer Somaliland ay abid yeelato, oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Tog-dheer! Waana dad saamayn balaadhan ku yeeshay nolosha dadka reer Somaliland ee haatan iyo hadeer-ba! Ragan waawayn oo aan odhan karo waxa ay lahaayeen/leeyihiin Astaamaha Hogaamiya lagu yaqaan waxa ka mid ah;

 

1- Ina San-wayne

2- Ina Cabdalla Xasan

3- Ina Igire

4- Ina Cigaal

5- Siilaanyo

6- Hadraawi

7- Iyo….Iyo…

 

Ragan oo kala wada waaye iyo xili ah waxa magacyadooda halkan ku kulmiyay, waxan qabaa qof ahaan, waa xubin siyaado ah oo ay raga kale ee Siyaasiyiinta/Taliyayaasha sheegta gaar ahaan kuwa reer Hargaysa, ay dheer yihiin! Waxa la hubaa in dheg-samaanta ama magaca ay bulshadooda ka dhex-kasbadeen uu gudubsan yahay J.Somaliland oo uu gaadhsiisan yahay heer Caalami. Ragan oo uu mid kastaaba wax caan ku ahaa/yahay, waxan qabaa inay sumadihii lagu baadi-soocayay Hogaamiyaha dhabta ah wax badan ka wataan. Nasiib daro, Hargaysa, wali laguma hayo qof ama qaar haabhaaban kara heerka nimankaa reer Tog-dheer.

 

Sababta maxaa loo malayn karaa?:…. Waxa ay ila tahay, waxa la odhan karaa meelba waxbaa Allah ku galaday sidaa darteed, Gobolka Maroodi-jeex (Hargaysa) dhaqanka yaal ayaa ah mid Qaniimad iyo Dhaldhalaal toocsi ah, balse aan ahayn mid dhiiri-galinaya inay xidida ku turqadaan oo ay ku adkaystaan xaaladihii uu ku soo bixi lahaa Nin-karmeedku!

 

Gabogabo; Hargaysa, waxa ay isku-dhigtay oo ay tahay Xarun siyaasadeed, Maaliyadeed, Suugaameed iyo Aqoomeed intaba, waana wax lagu farxo runtii oo guul wayn inoo ah dhamaanteen, hase-yeeshee, DegaanKa Maroodi-jeex, waa mid wali ka Qatan ama caydh ka ah ama Goblan ka ah inuu yeesho Curado Siyaasadeed Oo AWRAN! Akhristoow taladu waa wadaage bal adba cilinkeed saar, waxa Hargaysa ay u dihan wayday Hogaamiye aan Siyaasi darajada 3aad ah (siyaasi ku sheeg) ahayn.

 

”Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto”

W/Q:Cali Cumar Xasan

Alamti Aale <afraad_4@hotmail.com>

Exit mobile version