Nimco waa hooyo sabool ah oo dagan kuna dhalatay magaaladda Hagriesa, waxay carruur dhashay “sadex hablood iyo Afar inamood”, hooyo Nimco waxay ubadkeeda ku korisay nolol aad iyo aad u adag, hooyo Nimco iyadaa qoyskeeda u shaqayn jirtay, wallaw nin keeduba uu ahaa askari mushaharkiisu yahay (25.000sh) wax kastana ha ka shaqaysee way la soo dabaalatay korinta,barbaarinta iyo waxbarista ubadkeeda ilaa intooda badani hanaqaadeen hooyo Nimco gabdhaha ay dhashay waxaa ugu yaraa gabadh la yidhaa Ayaan, islamarkaana ahayd ardayd dhigata madarasadda lagu barto culuumta islaamiga ah, Ayaan waxay ahayd gabadh hooyadeed adeecda inta badan baarina u ah, maalin maalmaha ka mida Ayaan waxay is barteen gabdho reer Djibouti ah maalintaas, waxii ka danbeeyay Ayaan waxay rafiiq la noqotay hablaha, markastana way la joogi jirtay gabdhahaasi waxay markasta uga sheekayn jireen magaaladda Djibouti inta badana way u ammaani jireen heer ay Ayaan jeclaato inay magaaladda soo aragto,
Ayaan waxay ahayd ardayd waxaanay hablaha ay asaxaabta yihiin ka codsadeen inay fasax dugsiyeedka yar raacdo, oo ay magaaladda soo aragto siday ugu celcelinayeena Ayaan way ka ogolaatay laakiin waxay ku tidhi:
wallaal shakhsiyan raali ayaan ka ahay inaan idin raaco’e, laakiin hooyaday ayaan ka cabsanayaa inay iga diiddo arritaa, hooyaday’na anigaa idinka aqaan oo safarba way nacdaa xitaa hadduu yahay mid magaaladda dhexdeeda ah, khaasatana waxay Djibouti ka aaminsantahay inay tahay meel aan bataatanba u fiicanayn hablaha, markaa ma garanayo si ay iiga ogolaan ee laakiin waan u sheegayaa, waanan ka codsanayaa oo aan ku celcelinaya ilaa inta ay iga ogolaanayso,
Waxay gabdhahaasi u sheegeen inay Djibouti iyagu ay ku soo dhawayn doonaan, iyagana ay la gali doonto guri, Ayaana waxay u sheegtay inay Djibouti joogto eedadeed, dagantahay’na halkaas walibana ay maqashay inay gasho xaafadda sadexaad, Waxay’na hablihii ku yidhaadeen haddaa waa sax ee waa ay dhantahay hadday “Eedo” dagantahay oo iyada ayuunbaan kula raadcaynaynaa iyada ayaanad ku dagaysaa.
Ayaan waxay qaraar ku gaadhay inay hooyadeed u sheegto, doonanista ay doonayso inay fasaxeedda tagto Djibouti, subax (jimce) ah saacaduna ahayd “shanti” ayay Ayaan hooyadeed la haddashay wax ay’na ku tidhi hooyo Macaan waxaan doonayaa manta inaan arrin kuu sheego’e, in yar ii soo fadhiiso, hooyo Nimco waxay tidhi waan gartay saaka inay wax jiraan waayo waxaan ka gartay saacadda aad toostay awal wakhtigan iyo wakhti u dhaw’na maad kici jirin ee maxaa jira ma macalimiintaadii ayaa kugu yidhi hooyadaa u yeedh, oo danbi baad sammaysay?
Ayaan waxay tidhi ; maya hooyo macaan ee waad ogtahay inuu fasaxii soo dhawaaday, markaa hooyo waxaan jeclaan lahaa inaan fasaxa yar tago Djibouti Edo’day iyo ilmaabti’yaday’na soo barto, waxay hooyo Nimco ku jawaabtay iyadoo aad uga cadhootay codsiga kaga yimiday inan teeda, oo tidhi; “ Ma bay dhalane dhawrtaysan ogaa”, kuwii ka waaway’naa’ba wali waxaa kumay fikirine iyadoo shalay dhalatay ayaabay doonaysaa in ay tagto meel aan Aabe’heed’na tagain, (Waxaa kaama maqlikaro naayaa)
galabtii Ayaan wax ay asaxaabteedii u tagtay iyadoo niyad jabsan war na laga sugayo waxay Ayaan tidhi; saaxiibayaal sidii aan ka shaki sanaa ayay u dhacday, hooyaday’na way i diiday safarkaa gabi ahaan’ba waayo hooyaday waxay Djibouti ka haystaa Fakir khaldan, wax Alla waxaan yeelana garan maayo,
Wax ay ku yidhaadeen taasi macno ma leh hooyadaa hadday ku diiday waxaad sammaynaysaa; waad iska kaaya raacaysaa anagaa nooligaaga qabna xadkana anagaa ku sii dhaafinay’na Edo’na kuu gaynayna, intaanad magaaladda galina waxaad kala soo haddalaysaa hooyo (xadka) wax ay Ayaan tidhi; waa fakir fiican sidaasaan yeelay’naa ee waxaan sugayaa uun inta lafasaxayo madarasadda, markii madarasaddii fasax ay ahayd uun (shan maalmood) oo kaliya, Ayaan waxa ay bilawday inay isku diyaariso safar aan cidna ogayn!!
Ayaan hooyadeed waxa ay ka dareentay cadho badan oo aanay hore ugu arki jirin iyo diyaar garraw haddana waxaa ku soo dhacay maskaxda hooyo Nimco inay san Ayaan heli karin cid ka bixisa nool ka Djibouti ay ku tagi lahayd, maadaama ay iyadu aanay wax lacag ah inanteeda siinayn, Ayaan waxay u diyaar garrawday safar ay ku tagayso Djibouti ama waalidkeed raali haka ahaadaan ama yay ka ahaane!!
Intaa waxii ka danbaysay Ayaan waxa ay u sii gudubtay dhinacaa iyo Djibouti,
Ayaan waxay magaaladii Djibouti gashay saacaddu markii ay ku beegnayd (12:00pm) duhurnimo maalin Jimce ah (2006) bilawgii Ayaan waxay ku dagtay oo ay ka maydh maydhatay gurigii Haboon iyo faatima oo ahaa hablihii magaaladda keenay ee ay asaxaabta ahaayeen, markii ay Ayaan iska nafistay ee ay qiyaastii saacaddu tahay (6:30pm) fiidnimo oo ah wakhti ay cadceedu u hoyatay hogeeddii, dhulkana laga sii dareemayo, raadkii ay falaadhaha cadceedu ka tageen, hase ahaatee wax yar oo naacow ah dhinacaa badda ay ka immanayaan ,
Ayaan , Haboon iyo faatimo waxa ay u baxeen si ay u raadceeyaan gurigii Ayaan Edaddeed oo ay ka wateen tilmaan fiican cabaar kadibna way heleen gurigii, Ayaan Edaddeed isku sheegtay maadaama ayna Ayaan iyo Edadeed muddo dheer kulmin Ayaan Edadeed may ahayn dumarka waraysiga badan, waxaanay u qaadatay in Ayaan magaaladda u timiday shaqo “macnaha shaaqiyadnimo ama jaariyadnimo nin ba siduu u yaqaano”, taasi oo ah shaqadda inta badan hablaha ka yimaada magaalooyinka Burco,Hargeisa,Boorama,Diridhaba,iyo xamarba ay magaaladda Djibouti ka raadsadaan,
Ayaan Edaddeed waxay galaysay guri saddex maqsin ah waxaana qabay Nin saaxibul ciyaal ah,waxaa guriga uga shaqayn jirtay inan oramo ah maadaama ay u aragtay in Ayaan ay magaaladda shaqo u timid, waxay Ayaan Edaddeed go’aan dag dag ah ku gaadhay in ay inan ta shaqaalaha ah iska fasaxdo caawa laga bilaabana Ayaan sidaa shaqada ku gasho,
markii waagu baryay’na Ayaan waxaa la soo kala tusay meelaha adeega laga qaato, suuqa iyo tukaamadda ay Edadeed wax ka iibsato si ay adeega reer ka uga soo iibiso Ayaan hore ummay qaban shaqadan meeshan ay timidna waa meel aad iyo aad u kulul siday doontaba ha u kululaatee Ayaan waxay dantu ku khasabtay inay shaqadii sidaa ku bilawdo, isla cadceedii koobaad ee ugu soo baxday Djiboutina waxay ahayd guri joog ama (shaaqiyad) Ayaan waxay la kulantay jawi aad u adag iyo hawl badan oo ay ka mid tahay kaawiyad , cunto Karin , dharmaydhis iyo ciyaal hayn nolasha wajigaa leh Ayaan waxay ku jirtay oo ay u adkaysanaysay muddo dhan (8) bilood , intaa waxii ka danbeeyay Ayaan waxay ku fikirtay inay noloshan badasho oo ay raadsato mid tan ka wanaagsan,
Waxaana isla markiiba maskaxdeedda ku soo dhacday inay guursato oo ay dagto guri ay xor u tahay oo iyada luugu shaqeeyo, Ayaan waxay u dhaqaaqday dhinacaa iyo meelaha ragu ku badan yihiin sida suuqyada iyo goobaha wax barashada,
Ayaan intay aad u labisto ayay suuqyada cagta ku badin jiray waxaanay ka dhex raadinaysay dookhaddii iyo nin kii la waddaagi lahaa mustaqbalka, islamarkaana kii ay kaga bixi lahayd noloshan adag,
Muddo kadib Ayaan waxay ku soo biirtay iskuul aan macalin iyo maamul ka ahay aniga oo ah qoraaga buugga GUURKA iyo NOlOSHA iyo buugga “waa cibaaro caashaqu”, “C/naasir Axmed ibraahim”, Ayaan waxay iskuulkayga ku soo biirtay habeen salaasa ah (7:00pm) habeennimo waxaa’na dhexmartay haddalkan:
Ayaan: wallaal waxaan rabaa macalimiintii iskuulka
C/naasir: aniguba ka mid ayaan ahay ee maxaan kuu qabtaa?
Ayaan: haggaag waxaan u baahnaa inaan barto luuqadda inglriisiga, markaa fasal “advance” ah oo gala (8:00pm) fiidnimo ma la ii helayaa?
C/naasir: maya ee waxaa laguu helayaa (7:00pm) ama (9:00pm) ee labadaa soo kala dooro.
Ayaan: waayahay ee waxaa aniga ii roon (9:00pm) ka habeennimo,
Ayaan: laakiin macalin waxaan ku waydiiyay aduu ma reer hargeisa ayaad tahay waadigan sidoodii u labisan ee u hadlayee?!!
C/naasir: waa runtaa waan ahay, laakiin waxaa iga su’aaala ah fallaadhee kuu tilmaantay inaan reer Hargaysa ahay? Sidaan filaayo Kama dheerid adiguba mise waa beentay?
Ayaan: waa runtaa
C/naasir: fasal baan galayaa ee habeen danbe waad bilaaban kartaa casharkaaga habeen wanaagsan,
Ayaan: habeen la mida macalin.
Kaasi waxuu ahaa kulankii ugu horeeyay ee aan yeelanay aniga iyo Ayaan waxaanu ahaa kulan aad u kooban,
Ayaan isla habeenkii labaad ee ay timiday iskuulkaba waxay is barteen inan magaceedu ahaa (Dursutu) oo qoomiyad ahaan ka soo jeeday (canfar) Ayaan iyo Dursutu waxay noqdeen laba qof oo ah saaxiibo isku dheer, oo aan la kala dhexmarin Ayaan iyo Dursutu’na waxay isku raaci jireen guryahooda maalintii koobaad ee ay Ayaan u raacdo guriga Dursutu waxa aad ugu helay inan Dursutu ay habro-wadagaan oo magaciisu yahay Cabdoo , inan kan waxuu ka shaqayaa wakhtigaas warshadda soo saarta sharaabke ee Djibouti,
Cabdoo waxuu isla markii ay Ayaan baxday’ba ka waraystay habro-wadaagtii Dursutu iyaduna akhbartii Ayaan oo dhan ayay gacanta ka saartay waxaanay ku tidhi waa inan dabeecadda oo wanaagsan………………..
Lasoco Qaybta Labaad