|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Jamacada Alpha Oo Qalab Ciyaareed Gudoonsiiyay Dhalinayarada Degmada Arabsiyo’. Daawo Sawiro
July 15, 2014 - Written by Editor:Arabsiyo(Wajaalenews):- Jaamacadda Alpha Oo Sanadkan Dardar galisay In dhalinta Reer Somaliland ka Ka taageerto xaga Ciyaaraha ayaa waxa ay maantana Qalab ka kooban dhamaan Agabka Ciyaaraha oo kala ah Garanaan dhamaystiran,Sharabaado ,Kabo ,Kubado Iyo Koobab ba ay Gudoonsiisay Ciyaartoyga Degmada Arabsiyo. Waxaana xafladaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka gabiley Mustafe cabdi ciise (shiine ),Gudooniyaha Jaamacadda Alpha Prof Abdurahmaan maal ,Isuduwaha Gobolka ee xaga sports ka , Maayirka Arabsiyo Iyo Saraakil ka tirsan Jaamacada Alpha . Hadaba xafladaas oo ka dhacday Xarunta Arabsiyo ayaa ahayd mid aad loo soo agaasimay ,waxaana mahadnaq ka soo jeediyey Badhasaabka Gobolka Gabilay Mustafe shiine oo jaamacadda ku amaanay dadaalka xoogan ee ay dhawaanahan ugu jiratya in dhalinyarada rer Somaliland ay ka tageerto dhinaca ciyaaraha sida iyo Tayeyna. xaga waxbarashada sidoo kalan ay Diyaar u yihiin in ay wax walba la qaban doonan hadaanu nahay Gobolka Gabilay sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiayaha Jaamacadda Alpha Prof Abdirahman Maal oo isna faahfaahiyey Qorsha xaga Waxbarashadda ee sanadaha soo socda iyo ka Xaga ciyaaraha ee Jaamacada Alpha isaga oo sheegay in Jaamacadu waxbarasho ahaan ay dib u balaadhin iyo tayeyba kor u qaadeen ,taasina ay markhaati ka tahay Dhamaan ardaydii ka qalinjabisay ay kaalmaha hore ka galeen Imtixaanadii Dawladu qaaday qaarna ay xilal sar sare ka Hayaan Dawladda ,Shirkaddaha Dalka oo dhan ayey hadana diyaar u tahay Arimaha Bulshada inay kobciso sida Ciyaaraha Ugu danbeentiina waxaa halkaasi aad ugu mahad naqay jamacada Alpha dadweynaha degamada arabsiyo
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:“Masar, Naceyb Ay U Qabto Itoobiya, Somaliland Uma Soo Dhex Marin Karto, Oo Isku Dirkaa Waa Laga Gud... Guriga Ay Degan Tahay Marwadii Madaxweynihii Hore Ee Jsl Marxuum Cigaal Oo La Gubay Iyo Faah Faahint... “Waar Aniga Ilaahay Cilmi La'aanbuu Igu Siiyay Xoolaha, Ee Idinkana Ilaahay Cilmiga Haydinku Siiyo".... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|