WAJAALE NEWS

GABILEY WAA GURI CIDLO AH;ENG HABANE

Xumaan, cay iyo aflagaado!! Xaasha inaga reeban cidna duri mayo cidna ku duulimaayo dagaal iyo colaadna gashan mayo dadka gabiley ku dhaqan lakiin waxaan u holadey qalinkana u qaatey inaan shacabka niyada fiican ee jecel horumarka ee REER GABILEY u hoga tusaaleeyo inaaney helin wixii munaasibka ku ahaa.

Gabiley waa gobolka labaad ee ugu dhaqaalaha badan Somaliland waxaanu soosaaraa 30% ilaa 40% dhaqaalaha wadanka.

 

Haddaba iyadoo sidaasi ah ayaa waxaa gobolka gabiley ka jirra baahiyo fara baddan oo dhinac walba leh sida

1.     Wax-barashadda

 

2.     Caafimaadka

3.     Shaqo la,aanta

4.     Waddooyinka

5.     Iyo waxyaabo kale oo aasaasi u ah nolosha

 

Dakhliga uu soo saaro kastam kalabeydh maalintii wuxuu gaadhaa 30,000000/= oo shilinka Somaliland ah una dhigma$4615,3846 oo dollar markaa dakhliga uu bishii soo saaro $138461,58 oo dallar.

 

Hantida intaa leeg wixii loogu tallo galey gabiley ama sharciga ay u yeelato waxaa lagu wareejiyaa maamulka gobolka gaar ahaan maamulka D/hoose ee Gabiley kuwaas oo laga sugayey inay horumar sameeyaan.

Nasiib darro golihii deegaan ee gobolka gabiley gacmaha ayay ka laabteen horumarkii iyo u adeegistii bulshada reer gabiley uguna badaleen muran iyo is qabqabsi keenay in iyagii loo garnaqo

Qormada 1aad halkaa ha inoo joogto

 

Lasoco Qaybta 2aad

 

Qallinkii: Eng Mohamed A/rahman Habane(Eng; Habane)

 

Address: eng_habane@hotmail.com

 

Mob: 0634229524

Exit mobile version