|
|||||
WAJAALE NEWS
GABILEY WAA GURI CIDLO AH;ENG HABANE
July 3, 2014 - Written by Editor:Xumaan, cay iyo aflagaado!! Xaasha inaga reeban cidna duri mayo cidna ku duulimaayo dagaal iyo colaadna gashan mayo dadka gabiley ku dhaqan lakiin waxaan u holadey qalinkana u qaatey inaan shacabka niyada fiican ee jecel horumarka ee REER GABILEY u hoga tusaaleeyo inaaney helin wixii munaasibka ku ahaa. Gabiley waa gobolka labaad ee ugu dhaqaalaha badan Somaliland waxaanu soosaaraa 30% ilaa 40% dhaqaalaha wadanka.
Haddaba iyadoo sidaasi ah ayaa waxaa gobolka gabiley ka jirra baahiyo fara baddan oo dhinac walba leh sida 1. Wax-barashadda
2. Caafimaadka 3. Shaqo la,aanta 4. Waddooyinka 5. Iyo waxyaabo kale oo aasaasi u ah nolosha
Dakhliga uu soo saaro kastam kalabeydh maalintii wuxuu gaadhaa 30,000000/= oo shilinka Somaliland ah una dhigma$4615,3846 oo dollar markaa dakhliga uu bishii soo saaro $138461,58 oo dallar.
Hantida intaa leeg wixii loogu tallo galey gabiley ama sharciga ay u yeelato waxaa lagu wareejiyaa maamulka gobolka gaar ahaan maamulka D/hoose ee Gabiley kuwaas oo laga sugayey inay horumar sameeyaan. Nasiib darro golihii deegaan ee gobolka gabiley gacmaha ayay ka laabteen horumarkii iyo u adeegistii bulshada reer gabiley uguna badaleen muran iyo is qabqabsi keenay in iyagii loo garnaqo Qormada 1aad halkaa ha inoo joogto
Lasoco Qaybta 2aad
Qallinkii: Eng Mohamed A/rahman Habane(Eng; Habane)
Address: eng_habane@hotmail.com
Mob: 0634229524 Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|