Runtii marxalada lagu jiro oo meeshaas nala mareyso ayaa waxa aan helnay (SOSVO NGO) mashruucii ugu weynaa wadanka Soomaaliya
photo (4)”Xasuustii Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale London 2013″.
Haddaba anaga oo hawshii ururka SOSVO wadna muddo sannad iyo dhowr bilood ku beegan ayuu Cabdi Gaagaale u baxay dalka Jabuuti ee aan jaarka nahay dabadeedna waraaq dheer baan qorney oo aan ka daba dirney. Taas oo aan filayo in illaa immika ay ku jirto xogta amma kaydka macluumaadkii ururka SOSVO ee aan maanta gacanta ku hayno, waraaqdaas waxa aan ku qorney.
We can’t wait longer “Cabdow muddo dheer kuma sugi karno, waa lagu kala tagayaa madasha SOSVO NGO”, dabadeed waxa uu Jabuuti nooga soo direy sideed kiish oo Bariis ah iyo labbo kiish oo Sokor ah haddaba markii ay intaas na soo gaadhey waan kala qeybsanney fariin iyo dardaarana waxa
uu raashinkaas soo raaciyey “Waar meesha ha ku kala dareerine bal horta intaas ku sii joog jooga”. Runtii sheegista taariikhdaas oo dhan waxa aan ka waddaa sida berigaas u adkayd in aad gasho abaabul horumarineed iyo dhismo bulsho iyadda oo dalka uu ka jiro burbur aad u baaxad weyn.
Dabadeed halkaas marka ay gadgadoonka xaaladu nala mareyso ayaa shirkii loo bixiyey GBS aniga (Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale), Caydiid Xaaji Daahir Cilmi, Ismaaciil Muumin Aar iyo nin la yidhaahdo Xasan Hallas oo guddoomiye u ahaa urur amma NGO markaas naga daba sammeysmay oo la odhan jirey SARUURA waxa la nagu yidhi “Afartiinaas qabban qaabiya shirweynaha Beelaha Gadabuursi ee GBS”.
Shirkii GBS ayaan si wannaagsan oo qurux badan u qabban qaabiney waanna shirka go’aamadiisa ay ka soo bixi doonnaan in reer Awdal dib uga tashadeen ka mid ahaanshaha Somaliland iyo in kale. Taas oo markii ay guurtidii iyo aqoonyahanadii madasha joogtay aad u gorfeeyeen arrinta kadib ay isla qaateen in ay dan u tahay Somaliland. Shirka GBS waxa kale oo ka soo baxay dagaalkii markaas ka socday deegaanka Berbera ee u dhexeeyay labbada reer ee ka tirsan Beesha Isaaq oo kala ah “Ciise Muuse iyo Habar Yoonis”.
Waxgaradka reer ee madasha shirka fadhiyey dulucda iyo ujeeddada dagaalkaas ay ka lahaayeen waxa uu ahaa. In dadka dirirtu ka dhaxeyso loo gurmado haddii kale dabkaas inagga (Reer Awdal) ina soo gaadhi doonno, Markii dambe ee dagaalkaas loo gurmadeyna waxaa kulamadii dirirta lagu damiyey ka soo baxay fekrad iyo aragti odhanneysa “Waar reer Awdalow meeshiinaas Borama ayaa nabad buuxda ka jirtaa ee shirweyne aynu ku baadi-goobayno Somaliland aan dib ugu sammeyno magaalada Borama ee gogol u fidiya Beelaha Somaliland”.
Runtii marxalada lagu jiro oo meeshaas nala mareyso ayaa waxa aan helnay (SOSVO NGO) mashruucii ugu weynaa wadanka Soomaaliya oo noqdey shan boqol oo kun oo dollar $500.000 kaas oo ahaa Emergency water development ku jiheysan in biyo fiican loo sammeeyo magaalada Borama oo ahayd billaa biyo sababta oo ah Borama waxa ay berigaas ka cabi jirtay labba Ceel oo af waa weyn leh oo matoor saaran yahay misna ah xareed biyuhu dul maraan kuwaas oo ku yaallay deegaanka Dhamuug oo saaran kambalka magaalada Borama.
Muddadii uu ka maqnaa gumeystihii Ingiriis illaa maalintii dalku burburay wax horumarin ah oo lagu sammeeyay amma lagu kordhiyey ceelashaas biyaha ah ee bulshada reer Borama ka cabayeen ma jirin. Magaaladu inta ay weynaatay bulshaduna ay fara badatay ayaa haddana waxa intaas u dheeraa in ay dalka intiisa kale ka go’naayeen. Taas waxa caddayn amma daliil u ah jidka laamiga ah ee ka soo bilaamay Kismaayo ayaa ku dhammaaday tuulada Kala Baydh oo ku taalla magaalada Dilla dusheeda.
Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiyee nin reer Awdal ah oo la odhan jirey..
La soco qeybaha kale…………..
Dhacdooyinkaa qoraal I farey
Xasuus baa tidhi bal I dhugo
Dhadhami waayihii dorraad
Wixii dhacey dib ugu noqo.
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com