WAJAALE NEWS

Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 39aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.

Runtii anagu (Aqoonyahanada reer Borama) waxa aan waddaney oo socdaalkayaga wehelinayey labbo qoddob

 
 

$B!H (BXasuustii Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale London 2013 $B!m (B.

 

rgb(255, 255, 255);”>Tusaale ahaan haddii aan boqolkiiba koton heshiino runtii boqolkiiba koton awoodii SDA way is dhimi amma yaraan haddii aan boqolkiiba boqol heshiinnana SDA jiri mayso SNM-nna jiri mayso, markaa cabirku waa kaas dabadeed Axmed Siilaanyo hadalkaygaas wuu ka garaabay oo uu garwaaqsadey oo weliba waxa uu yidhi $B!H (BWaar hadal dhaxalgal ah baad ka dhawaajise maxaan sammeynaa $B!I (B. Intii aannan hadal ayuu isagu (Axmed Siilaanyo) isku jawaabay oo waxa uu yidhi “Haddaba waxa aan sammeyneynaa Baarlamaan kooban oo qabaa’ilkii Somaliland oo dhan ku jiraan”, dabadeedna waxa uu intaas u daray “Waa mid wannaagsan in dadka walaalaha ee deris wadaaga ah ay wax wadda yeeshaan”.

 

Runtii anagu (Aqoonyahanada reer Borama) waxa aan waddaney oo socdaalkayaga wehelinayey labbo qoddob amma arrimood oo aad u waa weyn.

 

1. Waxa aan ku lahayn ragga Siyaasiyiinta reer Hargeysa amma ka tirsan dowladda Cabdiraxmaan Tuur waar maamulkan aad wadaan ee aad u bixiseen Somaliland been baad ka sheegaysaan sababta oo ah anaga (Reer Awdal) cunaqabatey naguma sammeyseen oo magaalada Saylac jabhaddii SNM inta aad kaga timaadeen weli cunaha haysa dadka deggaankaas ku nool, markaa been baad sheegeysaan haddii se aad leedihiin run baan sheegeynaa oo aad rabtaan in ay Somaliland wax noqoto isla markaana aad diyaar u tihiin in maamulkaas hirgelo amma wax noqdo soo qaada ciidamadda jooga Saylac.

 

2. Toddoba iyo afartan baabuur oo waa weyn baad ka kaxeysateen magaalada Borama markaa haddaad run sheegeysaan oo aad diyaar u tihiin nabad hirgesha iyo dowladnimo taam noqota baabuurtii soo celiya oo dadkii iska lahaa billaa shuruud ugu wareejiya.

 

Runtii maalmahaas aan joogney magaalada Hargeysa waxa aan halkaas ugu tagney labbo Suldaan oo reer Awdal ah kuwaas oo kala ahaa Sheekh Muuse Jaamac Goodaad AUN iyo Suldaan Maxamed Jaamac Samatar AUN oo iyaguna si wannaagsan noola shaqeynayey isla markaana aad u taageersannaa ujeeddooyinka socdaalkayaga,  markaa odayaashaas waxa ay ka hawlgaleen dhinaca arrintii baabuurta laga soo dhacey magaalada Borama bal se fekrada in la soo celiyo baabuurtaas xamuulka ah ee jabhaddii SNM ka kaxeystay Borama waxa iska lahaa anaga (Aqoonyahanada reer Borama) oo Salaadiinta ku abuurney in ay hawshaas u guntadaan misna geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan soo celintooda.

Nasiib wannaag toddaba baabuur oo kaliya ayaa la soo celiyay oo ay markaas gacanta ku hayeen Beesha degta Baligubadle iyo Hawd (Arab) intii kale waxba lagama helin oo illaa maanta sidii ayey weli u maqan yihiin raggii kaxeystay oo markaas ka tirsannaa SNM oo ku abtirsanneysa Beesha Isaaq.

 

Si kastaba ha ahaatee socdaalkayagii iyo fekerkii aan soo bandhigey faa’iiddadaas yar ayuu dhalay iyo dareen ah dadka reer Awdal in aannay dhammaantood raali ka ahayn gooni isku taaga Somaliland inta ay ciidamadaas ka tirsan jabhadda SNM ay fadhiyaan magaalada Saylac iyo weliba jidkaas u dhaxeeya magaalooyinka Borama iyo Hargeysa oo furmey.

 

Hawshii aan ku jirney halkii kagama aanu hadhin oo markii aan ku soo noqoney magaalada Borama waxa naga daba yimmid aqoonyahanadii reer Hargeysa ee dood wadaagu naga dhaxeysay waxaana ay nala joogeen muddo toddobaad ah oo si wannaagsan aan u soo dhaweynay misna aan u sooryeynay, markaa durba waxaa billaamay wadda-hadal sababta oo ah waxa ay Soomaalidu ku maah maahdaa “Aan wadda hadalno waa aan heshiino”.

 

Haddaba halkaas marka ay mareyso ayaa aniga (Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale iyo Ismaaciil Muumin Aar..

La soco qeybaha kale $B!D!D!D!D (B..

 

Dhacdooyinkaa qoraal I farey

Xasuus baa tidhi bal I dhugo

Dhadhami waayihii dorraad

Wixii dhacey dib ugu noqo.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Exit mobile version