WAJAALE NEWS

Dhacdooyin;Haweeney Caan Ah Oo Dalka UK Ah Oo Iibisay Tigidho Lagu Daawanayo Markay Umulayso Ilmo Ay Uurka Ku Sido

London(Wajaalenews)—Gabadh caan ah oo reer Ingiriis ah kana tirsan dumarka dharka xayaysiiya (Models) ayaa taageerayaasheeda ka iibisay tigidho ay kusoo galayaan goobta ay ku umulayso marka ay dhalayso ilmo ay caloosha ku sido.

Gabadhan ayaa bogeeda Twitter-ka soo dhigtay fariin ay ku shaacinayso inay mudo yar oo daqiiqado ah ku iibisay afar tigidh oo lagu daawanayo marka ay dhalayso, kuwaas oo ay sheegtay inay siisay isku gayn adduun dhan $50,000.

Tigidhadan ayay sheegtay Josie Cunningham oo 23 jir ahi inay ka iibisay sadex wariye iyo hal qof oo taageerayaasheeda ka mid ah, waxaa la sheegey inay Josie ogolaatay inay ugu yaraan labo kamid ahi duuban karaa sawirana ka qaadan karaan intay amuurtu socoto.

Gabadhan ayaa hore saxaafada Ingiriiska waji gabax kala kulantay kadib markii ay sheegtay inay ilmahan iska soo tuurayso si ay uga qayb gasho barnaamijya talafiishinka ee caanka dalkaas ka ah ee ‘Big Brother’.

Josie oo ilmahani uu yahay keedii sadexaad ayaa isku difaacday inay damacsan tahay inay lacagtan uga soo xarootay tigidhadan lagu daawanayo inay iskaga bixin doonto dayn lagu lahaa oo lagaga lahaa mar ay qaliin naasaha ay ku waynaysanayso ay gashay.

Exit mobile version