|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Madaxweyne Cusub Oo Loo Doortay Dalka Ciraaq.
July 25, 2014 - Written by Wariye:Baghdad, (Wajaale News):- Siyaasi dhex dhexaad ah oo ka soo jeeda qoomiyada Kurdiyiinta Ciraaq Laguna Magacaabo, Fouad Macsum ayaa Barlamaanka Dalka Ciraaq maanta u doortay inuu noqdo, Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Kaas oo badali doona, Madaxweynihii hore ee Jalal Talibani.
Maxamed Fouad Bin Sheikh Mullah Masum, waxa uu ku dhashay degmada Koya ee gobolka Kurdistan sanadkii 1938-kii, waxaanu waxbarashadiisi dugsiga ku soo qaatay dalka Ciraaq, ka dibna waxa u galay, jaamacada Azhar taas oo uu derajada digtoor ka diyaariyay culunta falsafada Islaamiga ah, (Islamic philosophy), sanadkii 1975-kii. Maxamed Fouad Bin Sheikh, ayaa sida lagu sheegay taariikh nolaleedkiisa waxa uu shaqadii ugu horaysay ee uu qabtay ahayd, wariye-nimo, taas oo uu kaga hawl galay, idaacadii codka halgamayaasha Kurdistan ee Magaalada Qaahira Sanadkii 1958-kii. Sanadkii 2005-tii ayaa markii ugu horaysay loo doortay mudane ka tirsan barlamaanka dalka Ciraaq, waxaanu ka soo baxay Magaalada Baqdad, xiligaas oo uu kaalinta kowaad u galay liiska musharaxiintii isbahaysiga axsaabta Kurdiyiinta ee caasimadda Baqdaad. Hargaysa / Somaliland Related posts:“Degenaanshiyo Iyo Nabada Oo Lagu Gaadho Horumar, Waxa Lagu Helaa Raacida Kitaabka Alle…”Sheekh Must... DAAWO ; Musharaxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro Oo Hada La Hadley Warbaahinta Baaq Culusna UDi... “Waxaan Ka Digayaa Inay Inoo Dhacaan Doorashooyin Mad-madow, Musuq, Eex, Cadaalad Daro Iyo Shaki Lag... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|