Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Oo Ka War Bixiyey Tartamada Kala Duwan Ee Bisha Ramadaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Oo Ka War Bixiyey Tartamada Kala Duwan Ee Bisha Ramadaan.
July 2, 2014 - Written by Wariye:

agasimaha waxda cHargeysa(Wajaalenews):-Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Maxamed Nuux ayaa ka war bixiyey tartamada kala duwan ee bisha barakaysan ee ramadaan la qabto.

Agaasimaha waaxda ciyaaraha oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay tartamada kala duwan ee koobabka Ramadaanta ay qabanayaan gudiyo loo xil saaray inay hir geliyaan tartamadaas waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Gobolada Somaliland waxa ka socda tartankii  ciyaaraha ramadaanta waxaana marka hore soo abaabula gudiyo qaabilsan inay qabtaan tartamada ramadaanta, waxaanan rajaynaynaa inuu tartankaasi noqdo mid ku dhamaada guul iyo nabad galyo waayo bishu waa bil barakaysan oo cibaado ah, waxaanan rajaynaynaa inaanay iman wax dhibaato ah.

Sidoo kale Agaasime Maxamed Nuux waxa uu sheegay inay qaar ka

mid ah gobolada dalka gaadhsiiyeen qalabka ciyaaraha ee kooxaha  ciyaaraha iyo sidoo kale qalab kale oo fududaynaya tartanka iyo waliba koobab waxaanu yidhi “Gobolo ayaanu siinay qalabka ciyaaraha  sida shabagyada goolasha, dirayska ciyaartoga iyo kubada, waxaana ka mid ah gobolka Awdal  oo aanu  gudoonsiinay dirayska labaatan kooxood,bilado, afar kubadood,koobkii iyo shabagii koobka, waxa kale oo gobolka Salal  oo la gudoonsiiyey qalabka ciyaaraha eel ix kooxood iyo agabkii kale ee lagu qabanayey tartanka,  waxa kale oo aanu taageernay gobolka Daad Madheedh oo aanu siinay qalabka ciyaaraha ee sideed kooxood iyo agabkii kale ee lagu qabanayey, waxa oo aanu qalabka ciyaaraha gudoonsiinay gobolka Sool oo  aanu ku wareejinay qalabka ciyaaraha ee sideed kooxood.” Ayuu yidhi agaasimaha wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland oo la hadlay warbaahinta

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Email:Habane00@gmail.com

Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS