WAJAALE NEWS

Waxa La-iga Rabaa Shaqo Aan Ku Jirin Dhaartaydii Distuuriga Ahayd Q/ Hussein-Mahdi Hassan Hussein

Halhays bulshada ka yaabiyey soona jiidatay quluubta Bulshada Somaliland, waa mid aan horteed la ifin af masuul sarana aan hore uga soo bixin, fal iyo dareen celin, gudbin iyo cabirid dareen duugnaa, Waa hadalkii Wasiirkii hore Caafimaadka Dr Xuseen Xoog, Waxa la igala xisaabtamay howl maalmeed aan ku jirin midkii aan u maray dhaarta distuuriga ah. Wasiirku wuxuu shaqadiisa iyo mihnadiisa faraysay ka shaqaynta caafimaadka iyo siyaasada guud ee caafimaadka dalkani ku shaqo galayo, kobcinta iyo u kuurgalka howlaha qaran ee adiga kula xigaalka ah, xog-ururinta baahiyaha bulshada iyo waxay kaa sugayaan, u heelananta iyo hirgalinta mustaqbal fog oo dhaxal iyo manafacaad u yeesha sanado xidhiidhsan.maaha wax ku kali ah hal Wasiir/Agaasime/Maareeye waa wax mid walba laga rabo u adeegista bulshada kobcinta iyo kor uqaadista adeegyada, horumarinta iyo qurxinta kaabayaasha, waxbaridda iyo tayeynta waxbarashada, dhiirigalinta iyo abuurista warshado wax soorsaar ah, ilaalinta iyo ururinta cashuurta, horumarinta adeegyada biyaha iyo u helista biyo ku filan bulshada, bilicda iyo nadaafadda magaaloyinka, ku ilaalinta xayndaabka sharciga iyo u doodista danyarta, intaa haddii lagaa rabay ama aad dhaar distoori ah aad u martay inay Wallahi, Billaahi Inaad daacad u tahay Qaranka inaad sinnaan iyo  caddaalad ugu xaqsoorayso inaad xilkaaga gudanayso kana shaqaynayso waxna ka qabanayso xilkaa laguu igmaday hadmuu qaloocu dhaartaa iyo himiladaa uu kaa galay? Waxay intaasi beenobaysa shaqo kalana aad u banbaxaysaa marka howshii laguu igmaday aad ka soo bixi waydo, markaad sinaan baad ku dhaaratee kala didin iyo kala kaxayn hormood u noqotay, markii xafiiskaagu u furnaaday cidda bunka kula cabi karta sheekadana aad wada dhaglayn kartaan, markaad mashquul ku noqotay wax sacab iyo dhaldhalaal aad isku tusto Madaxweynaha.

Aynu is waydiino waxyaabaha lagugu dhaariyey waxay kaga duwanaadeen warbixinada lagaa rabo, midka aad sacabka iyo soo dhawaynta ku helayso, midka aad ku noqonayso Wasiirka ugu awooda badan Wasiirada, waxaad ku kasbanayso dhagaha Madaxweynaha Reerkii ma haysaa, wax mucaarid ahi reerka kuma jiraan sow maaha? Hebelkaa isku jufaan tihiine maxaad afka uga xidhi wayday, ma haysaa amase maxaad uga jawaab celin wayday hebel iyo hebelkan weerarka inagu haya? Sow mucaaridkii dibada maynu dhigin? Bulshadu waa inaga sow maaha? Waa shaqada ugu badan ee loo kala dheereeyo, TVyada kasoo bax adiga oo doodaya, adiga oo laguu sacabinayo, bulshada oo ku leh hortiid dab lama shidan.

Arimahan waynu qiyaasi karnaa siday uga dhex shaqeeyan Xukuumada waana midka galaaftay Wasiiro badan oo shaqadooda ku koobnaa, waa waxa soo xero galisay jamaahir badan oo UDUB ahaa marna fiintu ina dhex miranaysay dibadana dhigtay ragbadan oo Kulmiye meel walba u taagnaa, waa waxa afkaagii shalay badalay kana yeelay mid saaka dhashay hortiina aan wax laga qorin.

Dhaqdhaqaaqyada noocan ahi waxay soo ifbaxaan wakhtiyada arimaha xasaasiga ahi jiraan siyaasaduna aloosantahay, waa xiliyada wajiyo badan wanaag u tuhmaysay siyaabo kala duwan kuugu soo badheedhayaan, hebel hadmaa la helay iyo hadmaa afkan uu bartay mise way ugu jirtaaba? waa waxa bulsho badani iska warsato kor iyo hoosba inkastoo nuxnux ay u badantahay.

Inbadan waxa ina haystay Wadooyin, dadkii oo Qaadhan loo jiheeyey, Miisaniyad koradhay, Dugsiyo la furayo iyo barnaamijyo badan oo kale, waa arimo buunbuunin lahaa Zoomtana loogu waynaynayey bulshada, khalad fahamkuna waxa uu ahaa shaqadii laguu igmaday adiga oo ka yeeshay inaad ixsaan ku qabatay, adiga oo ku faanaya, hore cidna umay maqal waddo hebel ayaan ugu deeqnay lacag xadigaa leh!! Waddo hebel ma qaran kalay martaa midka adiga laguu xilsaaray mayna ahayn, midka adiga lagu waydiinayo may ka baxsantahay hayoo way kabaxsantahay kol haddii wax kale la igula xisaabtamayo.

Tayeynta Waxbarashada, waxbarashu waa asaasiga bulshada, wax aynu ku noolnahay lakin aan inagu noolayn, ilmaha yar sida uu naaska hooyadii ugu ababo ayey sharciyadu u tilmaamaysaa in lagu barbaariyo, yaryar oo kaliya maaha waa mid looga wada baahanyahay da’ kasta xili kastoo ay jirto, waa asaasiga horumarka bulshada waana meelaha laga dheehan karo mustaqbalka dalku yeelan karo, tayeynta waxbarashada iyo wakhti siintiisu waajibaadka bulshada ayey ka mid tahay qofku markuu masuul uga yahayna ma furna in meelo kale lagu mashquuliyo, xisaabtan aan ku jirin shaqo maalmeedkiisa hadii lagu dirqiyo waa dib u dhac iyo ragaadin mustaqbal dhan, Xadiith-kii Saxeexaynka ku jiray Qofkastaa waa masuul waana la waydiinayaa, Wasiirku Waa masuul ilaahna waa kala xisaabtamayaa, Madaxweynuhu waa Masuul waana la waydiinayaa, qof kasta wixii bulshada kaga began waa mid maalin adag layska warsan ilaah ha inoo fududeeyee.

Waxaynu maqalnaa Wasaarad dhan oo Warshadaha ah ma filayo in kamerad qudha ay kasoo baxday wax dhaqdhaqaaq ah oo laga samaynayo, abuurid iyo dhiiri galin hadalkeed daa lakin ogsoonow shaqo midkaa ka wayn ayaa xafiiska wayn loo hayaa, waa budka ma qaadan kartaa? Afka ma maroorsan kartaa cidkastoo ina soo jaleecda?

Maaliyadii way badatay shaqaalihii dowladana wax umay kordhin? Cashuur iyo adeeg kasta waxbaa lagu dalaciyey waxaas oo dhan waxa lagu maaraynayaa wax aan bulshada iyo dalka guud ahaan wax ugu jirin, in fadhi ku dirir la ahaado wakhtigana la siiyo sidii bulsho baahan looga faa’idaysan lahaa loogana hadlin lahaa waa sawir xumada soo ifbaxaysa, waa waxa warbaahinta dowlada loo daawan kari waayey xataa dadkii waawaynaa aad arkayso inay ka caajiseen kana durkayaan hadaad gayso markii ay ku dhago barjoobeen haddaanu reer hebelnahay waxaanu taageersannahay go’aankii.., haddaanu hebel iyo hebel nahay waxaanu kasoo horjeednaa hebel. Cajiib waa xumihii oo la dhiirigalinayo iclaanna lagu baahinayo.

Arimaha sidan u qaloocday waxay meesha ka saareen wixii bulshadu ugu baahi badnayd ee Cafimaad ahaa, Bilicda Magaaloyinka oo la hagaajiyo ahayd, Biyihii oo xaalkeeda aynu arkayno iyo wixii la halmaala oo dhan, aloosnaantani may saamayn oo qudha Wasiirada waa mid ku baahday shaqaale hoosadyada shaqadooda ku xidhantahay fulinta barnamijka fadhidka ah soo ifbaxay, waa lafjab dowladnimo laguna ilaaway dantii umadani u igmatay in wax laga qabto.

Waxa intaa sii dheer kooxo aan shaqo qaran hayn lakin dhexmare (Baanboy) kana howl badan waa sida xafiiska wayn looga yaqaanee xubnaha xilalka waawayn haya, ama ha lagu tilmaamo xubno firfircoon ama magac kalaba hala siiyee qarankani uma baahna isaga oo maanta cadow badan leh si waynna loogu soo mici listay iyadood arkayso in rayul caamkii laynaga qabsaday. Masuul kasta waxa ka lumsan halbeegii shaqadiisa waxayna moogyihiin haddii Golayaasha Qaranku shaqadooda kasoo bixi lahaayeen inaan laba cali wada hadasheen ama ayna soo jaleecdeen, lakin haddii durbaan qaadato howlo kalana aad shaqo ka yeelato midka qarankana la halmaamo cilaaqda adigaa dalbaday in bulshada aadan ku indho buuxin Karin qardajeexa laga yeelay dantii guud.

Bulshadu waxay idiinka baahantahay ka shaqaynta midnimada, wada jirka, horumarka, kala dambaynta, hirgalinta himilada qarankani u taaganyahay, umana baahna ku mashquulka bulshada, kala furfurka dadka, colaad abuuris, fadhiidnimo,  iyo in xoolaha umada lagu kharash gareeyo meelo aan loo baahnayn inaguna keenaysa burbur markay bulshada ku dhex abuurto necbaashiyo, dad waawaynna sharaftooda waxyar lagu dhaafiyo, waxa kale oo Qaranki ku saxmi karaa in bacda bulshadaada ka qabto aad iska saarto miiskana lasoo fadhiisato adiga oo niyad samaan iyo wanaag doon ah

Exit mobile version