WAAR BAL EEGA EEGA EEGA AMARKAN IYO YAABKAN EEGA!!MUJ CALI GUREY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAAR BAL EEGA EEGA EEGA AMARKAN IYO YAABKAN EEGA!!MUJ CALI GUREY
June 24, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Muj cali gurey oo qoraalkoonban soo dhigay barta uu kuleeyahay face bookga yaa kaga hadlay xaalado badan oo dalka ka jira iyo cida umada xukunta wuxuna u dhignaa sidan;

Waxa la yidhi nin aan quusani isagaa quus ah. Shacbiga Somaliland miyaan wax ay ku quustaan hortooda ool mise iyagaa quus ah. Waar bal madaxwaynahan eega iyo madaxtooyadiisa iyo xaashiyadiisa. Bal xukuumadiisa eega kala socota een mid lahaysta mid aanu jirin een lahayn meel laga jiheeyo iyo cid hogaamisa iyo cid la xisaabtanta toona. Waar bal xisbigiisii eega iyo qaska iyo wareerkan joogtada ah ee xataa sharciyadiisi burtay. Bal eega dalka ay intaasi taladiisa hayso. Waxa ka daran xaaladda haya’adihii Garsoorka iyo Sharci Dejinta ee iyagu kaalintoodiiba ka baxay ee magac ahaan uun u jira. Waar bal eega eega amarkan iyo yaabkan eega.

Mararka qaarkood waxa ba la is odhan karaa waar tolow sanad may idinku simi mise intaan doorshaba la gaadhin bay mar isku wada dumi. Allah ha sahalo. Waxa ciil kaa dilayaa dalka xaalkiisu sida aynu ognahay yahay iyo hadana warbaahinta madaxtooyadu maamusho waxa laga akhriyayo si dadka runta looga fogeeyo oo aanay xaqiiqada u ogaanin.

Marka xaalku sidaa yahay sua’aashu waxay tahay yaa horta dalkan xukuma. In badani ma oga runta oo waxay u haystaan in madaxwaynihii ay doorteen uu xukumo. La yaabi mayno waxay ka dhegeystaan idaacadda iyo tvga madaxtooyada laga xukumo. Iyagu dembi ma leh lakiin inta runta og waxan leeyahay walaahi in aanu maalinta qiyaame ilaahay si idiin wada xisaabinayn idinka ama inaga inteena wax og iyo inta kale ee iyagu aan wax ogayn waayo isagaa qura’aankiisa kariimka ah inoogu sheegay oo yidhi( WAAR MIYAY SIMAN YIHIIN KUWA WAX OG IYO KUWA AAN WAX OGAYNI). Waa sua’aal jawaabteeda wadata oo waa maya

HAL YASTAWI LADIINA YACLAMUUNA WAL LADIINA LAA YACLAMUUN

 

Wajaalenews desk

hargeisa office

email;wajalenews@gmail.com

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

COMMENTS
LINKS