WAJAALE NEWS

Siilaanyo Uu Ku Fashilmay Siyaasadda Dibadda,Go’doonka Aynu Ka Taaganahay Diblumaasiyadda Caalamkana Waxa Daliil u ah Hadalka Ka Soo Yeedhay EU,USA iyo UK ee ay Ku Sheegeen in Somaliland Ka Baxdo Taleex.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga somaliland dalkani wuxuu soo maray marxalado kala duwan , oo marma marka ka danbaysa isa soo tarayey ama kor u soo kacayey maanta se somaliland marka la eego siyaasadda dibadda waxay maraysa halkii ugu liidatay oo waa la go’doomiyey.

Tusaale ahaan somaliland waxay xad la wadaagtaa dalalka itoobiya iyo jabuuti oo labadooduba way xidheen  xadkii ay la wadaagayeen somaliland ilaa iyo hadana xukuumadda siilaanyo umadda umay sheegin sababta ay labadaasi dal ay xadkoodda u xidheen,waxa kale oo iyaduna wax lala yaabo ah hadalka ka soo yeedhay midawga yurub,maraykanka iyo ingiriiska ee ay ku sheegeen in ciidamadda somaliland si deg deg ah  uga baxaan TALEEX oo ka tirsan dhulka somaliland.

Akhriste hadii aad u fiirsato luuqada diblumaasiyadeed ee loo soo qoray somaliland  ee ku taariikhaysnaa 17/06/2014 , ee  cinwaankiisu u dhignaa sidan(We call for the immediate withdrawal of armed forces from the disputed areas),qoraalkaasi waxaad arkaysa in uu la mid yahay qoraalkii sumadiisu ahayd 1402, ee ka soo baxay kulankii deg dega ahaa ee golaha amaanku  isugu  yimaadeen xaruntooda new york 03/08/1990-kii markii dawladii ciraaq ee uu hogaamin jiray Sadam Xuseen ay ku soo duushay oo ay qabsatay guud ahaanba dalka kuweyd 02/08/1990-kii.

Hadaba saaxiibayaal maanta somaliland kumay duulin dal kale ee waxay ciidamadeedu tageen degmo ka mid ah dhulka somaliland ,hase yeeshee waxaa jirta habacsanaan badan oo ka muuqata xukuumadda siilaanyo ninkii odayga ahaa ee taariikhda soomalida caanka ku ahaa ee la odhan jiray Cigaal Shiidaad ayaa maalin maalmaha ka mid ah isagoo geed hoostii jiifa ayey subxaanyo martay inta u dhaxaysa dabintiisa sare iyo sankiisa markii uu toosay ee uu arkay subxaanyadii ayuu ooyey ,waxaana markiiba si deg deg ah ugu soo baydhay nin socoto ahaa oo wadada marayey ,markii uu odaygan weyn ee ooyaya arkay markaasu ninkii cigaal shiidaad ku yidhi adeer maxaa kugu dhacay ee aad la ooyaysaa?

Cigaal shiidaad wuxuu ninki farta ugu fiiqay subxaanyadii waxaanu u sheegay in isagoo hurda ay martay inta u dhaxaysa dabintiisa sare iyo sankiisa ninkii wuxuu cigaal shiidaad ugu jawaabay : tani waa subxaanyo oo waxba ma cunto cigaal shiidaadna wuxuu ninkii mar kale ku yidhi waan ogahay in aysan subxaanyadu waxba cunin waxaan se ka ooyayaa oo aan ka baqo qabaa in ay halkaygani noqoto wado halaq .

Hadaba waxaan qisadan uga dan leeyahay ciidamada somaliland waxay tageen degmada taleex laba  bilood ka hor waxaana isla markiiba hargeysa safar deg deg ah ku yimid oo siilaanyo madaxtooyadda kula kulmay masuul sare oo ka tirsan dawladda ingiriiska oo siilaanyo u sheegay ama ku war geliyey in ciidamadda somaliland ay si deg deg ah uga baxaan TALEEX ,siilaanyo-na wuu ka aqbalay waxana ciimadda somaliland ay TALEEX ku sugnaayen wax ka yar 24 saacadood oo kaliya.

Hadaba shirkii uu siilaanyo isugu  yeedhay madaxda asxaabta qaranka iyo golayaasha xeer dajintuna waa goor ay xeedho iyo fandhaal kala dheceen ,waxa  kale oo fashilaadda siyaasadda dibadda ee xukuumadda siilaanyo daliil buuxa u noqon kara ,maalintii ciidamadda qaranka ee somaliland ay tageen magaaladda laascaanood iyo nawaaxigeedda waxay ahayd 15/11/2007-dii waxana somaliland Madaxweyne ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin Ciimadda qaranka ee somaliland sidii maalintaa aynu soo sheegnay ay u tageen laascaanood ayey weli u joogaan wax falo gelin ahna kumay samaynin midawga yurub,maraykanka iyo ingiriisku toona.

Halka waxaad ka fahmaysa in ay soo oodantay riwaayadii iyo indho sarcaadkii umadda loo dhigayey ,jawaabta laga bixinayo hadalkan ka soo yeedhay midawga yurub,maraykanka iyo ingiriiskuna inaga saari mayso golayaalow isku kaalaya ,waxase jawaabta rasmiga ah looga fadhiyaa siilaanyo oo dadka intiisa badani ay u arkayaan in xataa  uusan bixin karin jawaabtii uu bixiyey Maxamed Siyaad Barre markii ay dawladisii burburtay,qisadaasina waxay u dhacday sidan soo socota.

26/01/1991-kii ayey ahayd markii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliya Maxamed Siyaad Barre-na uu magaaladda mugdisho kaag baxay taangi qufulan oo ay la socdaan qayb ka mid ah ciidamadisii oo saanad culusna watay ,waxa uu tegay oo uu saldhig ka dhigtay meesha la yidhaahdo buur dhuubo oo uu ku sugnaa mudo 8 bilood ahayd ,isagoo markaa awaamiir bixinayey oo isku arkayey in uu yahay madaxweynihii sharciga ahaa ee soomaliya .

Hadaba arinta aynu qisadan uga dan leenahay waxay tahay Haweenay ingiriis ahayd oo wariye ahayd ayaa horantii bishii julay Maxamed Siyaad Barre kula kulantay Buur Dhuubo oo waraysi dheerna kula yeelatay su’aashii ugu danbaysay ee ay haweenaydaa wariyaha ahayd weydiisay Siyaad barre waxay ahayd goorma ayaad ku noqonaysa magaaladii mugdisho iyo madaxtooyadii Villa Somaliya ee aad dalka uga talin jirtay ,wuxuse Siyaad Barre markiiba ugu jawaabay haweenaydii wariyaha ahayd nin gurigiisa hor fadhiya lama yidhaahdo goormaad gelaysaa ,isagaa se marka uu doono galaya.

Hadaba saaxiibayaal Siayad Barre isagoo Xamar ka cararay oo Buur dhuubo jooga oo dawladisii burburtay ayuu hadana rumaysnaa in uu madaxweyne u yahay inta u dhaxaysa lawyacado ilaa raaskaanbooni ,halka siilaanyo-na iyada oo ay dawladisu dhisan tahay oo uu ku guda jiro mudadii xilka loo doortay ee 5 sanno ahayd ayuu hadana mugdi kaga jira TALEEX in ay somaliland ka mid tahay iyo in ay puntland ka mid tahay,Allaha ha u naxariistee Abwaankii Axmed Ismaaciil Diiriye (QAASIM) waxaa laga hayaa:

Ma daraato raadkii aan dhigaan dib ugu soo laabtay

Sidii aan dayeysnahay miyaan dawgii ka habaabay

Iyaba waa darxumo ii hadhay ee dacar miyaan leefay

Habada isku soo wada duuboo Siilaanyo Uu Ku Fashilmay Siyaasadda Dibadda,Go’doonka Aynu Ka Taaganahay Diblumaasiyadda Caalamkana Waxa Daliil u ah Hadalka Ka Soo Yeedhay EU,USA iyo UK ee ay Ku Sheegeen in Ciidamada Somaliland Ka Baxaan Taleex.

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

 

Exit mobile version