Waxaan qalinka u qaatay arinta biyo la,aanta haysata caasimada hargeisa oo taagan in muddo ah , magaalada hargeisi waa magaalada u weyn somaaliland, caasimadda dalka oo ay tahay aawadeed waata ugu dadka badan dalka oo dhan ,waxay ku socotaa koritaan xawliya marka loo eego sidii ay ahayd ka hor 1991 iyo magaalooyinka lamidka ahba ,xadigga ay korodho waxaa lagu qiyaasay 2%-3% xog ururin lasameeyey sanaddii 2007 , bulshada ku dhaqan waxaa lagu qiyaasay sanadii 2007 in ay tahay (1.5 million) shakhsiyan waxaan qabaa in tiradaas ay aad uga badan doonto hadii si sax ah loo sameeyo tirakoob sugan
Laga bilaabo waagii 1991kii waxaa dib
ugu soo noqday guud ahaan dalka siiba magaalo madaxdan hargeisa dadkii u qaxay wadamada jaarka aynu nahay , dadkaas qaxootiga ahi oo 100% soo laabtay iyagoo kusoo guryo noqday magaaladoodii kadib sanado adag oo ay ku noolaayeen qaxootinimo ay magan u ahaayeen wadamada jaarka , goobihii kaamamka ahaa ee ay deganaayeen waxaa kamid ahaa camabokor,dulcad,daroor,harta-sheekha,durya,aw-barre iyo meelo kale oo lamid ah.
Hadaba arinta biyaha oo ah qadiyad adag oo bulshada haysata tan iyo bilawgii dib ugusoo noqoshada dalka ,ayaan welli loo helin maare iyadoo ay ku fashilmeen dawladihii hore ee soo maray wadanku , baahida biyaha oo ah nolosha koowaad ee noolaha ayaa cidhiidhi ku jirta qeybo kamid ah halkan (hargeisa)
Qaacido caalamiya ayaa odhanaysa (biyo la,aani waa nolol la,aan) taas oo lamicne ah baahida biyaha marka loo eego adduunka oo dhan waxay si xoog ah u saameysaa bad-qabka shucuubta adduunka waana astaanta koowaad ee nolosha noolaha iyo manoolahaba .
Hadaba helida iyo qiimaha biyaha ee hargeisi waxay ku xidhantahay helitaanka pipes keena biyaha ,sidaa daraadeed biyaha looma wadaago si isku mid ah marka la eego daafaha magaalada hargeisa.
Halka badhtamaha iyo qeyb ka mid ah galbeedka magaalada dadka ku nooli ay helaan biyo joogto ah maalinwalba , dadka ku nool buuralayda galbeed , waqooyi iyo hawdku waxay ku nool yihiin surmi iyo biyo,la’aan waxaanay helaan maalintii oo idil wax kayar 4(litir).
Waxaa is waydiin mudan halkee ka imanayaan dhibaatooyinkan baahsan ee biyo la,aanta ahi ?
Ii ogolow in aan kaaga qisoodo taariikhda biyaha magaalada , ugu horayn khadka(distribution network) kaas oo keena biyaha magaalada hargeisa waxaa la dhisay badhtamaha sanaddii 1974kii , khuburadii indhayarta ahayd (chines team) ee dhistay khadka biyaha kayimaada geed-deeble kaas oo yimaada hargeisa dhismihiisuna ku taariikhaysan yahay 1974 waxay ugu tallo galeen oo ku (design) gareeyeen in uu magaaladda soo geliyo xadi biyood dhan 4000cum/day .
Ujeedooyin ay kamid ahaayeen hargeisa oo leh qaab-buureed (hilly shaped city) taas oo kala saraynteeda lagu qiyaaso (180meter) marka laga qiyaas qaato fikta u saraysa oo ah masallaha iyo suuqa dhexe , waxay garteen in ay ku filnaan karaan xadigaasi .
Inkastoo helida iyo gudbinta baahida biyood ee hargeisa la kordhiyey , lagana kor dhiyey xadigii iyo tayadii ay lahaayeen 1974kii dabayaaqadii 1980naadkii wakhtigaas oo lagaadhsiiyey xaddi dhan 4500cum/day ,waxaa markale la gaadhsiiyey dhamaadkii sanadii 1999 heer wanaagsan oo ah 6000cum/day in lasoo tuuro(pumbing).
Hadda oo lajoogo 2014 baaxadda magaaladeena iyo dhismayaasha dhaadheer ee ka hirgalay ,wershadaha iyo ganacsiga sida xawliga ah ku socda ,tiradda dadkeena oo toban jibaarantay miyey suuro gal tahay in 6000cum/day kaliya in lagu eegto !! waxaan u arkaa in ay taasi tahay axmaqnimo
Bal suureeya biyo la,aantu heerka ay maanta gaadhay ,amar ku taagleynta booyadaha iyo gaadhi-dameer layaashu darajada ay gaadheen
Bal suuree qoys dan-yar ah oo ku haraadan hoosta dawlad weyn oo leh dakhli iyo nidaam dhaqaale oo sugan
Bal suuree 4/6/2014 foostada biyaha ahi waxay maraysay 10,000 oo shilling Somaliland ah ,halka 6/6/2014 ay ka gaadhay 20,000 oo shilling Somaliland qeybo kamid ah magaalada hargeisa siiba koonfurta magaaladda . waxaad aragtaa laba cisho wakhti ay u dhaxayso sida iimaan darada ah ee ay booyaduhu u dalaceen 100% qiimihii hore
Bal suuree meelo kamid ah xaafadaha magaaladda waxaa dhacda in aanay booyaduhu shubin wax ka yar taangi(tank) qaada toban foosto , qofkii aan itaal u lahayn in uu shubto taangi qaada toban foostana waa isga iyo xeeladii ma jirto cid haba yaratee hoos u eegaysaa !!
Bal suuree heerka ay marayso nolol la,aanta ka taagan magaaladu, maaha arimaha noocan ah in aynu ka gaabsano , hadaynu taas samayno waxay keeni doontaa qarax weyn oo guud ahaan mijo xaabiya nidaamka inoo dhisan iyo kala dambaynta .
Waayo ?
dadku waxay u baahan yihiin in ay noolaadaan !!
yaa loo cawdaa haddaba oo ka mas’uul ah hawshan biyaha iyo arimaha la xidhiidha ?
ugu horayn markaba yaan arinta loo nisbeyn madaxweynaha , maaha asluubta wanaagsan eedaynta iyo dhaliisha madaxdu ,waxaanse qabaa haddii lagu dhaqmayo qaab dhismeedka dawladda waxaa jira wasaarad ay hawshani tahay shaqadeeda koowaad ,waxaa jira hay’ado sheegta iney hawshan iyagu leeyihiin sida hargeisa water agency (HWA) oo waayo dhexe ay hirgeliyeen dawlada hoose ee hargeisi , walaw lagasoo bilaabo sanadii 2000 ay si toos ah u hoos imaanaysay xafiiska madaxweynaha Somaliland wali lama hayo wixii loo dhisay oo ahayd in ay kashaqeyso keenida biyo kufilan dadka magaalada, waxaa kale oo jira iyo kuwo caalamiya oo arinta biyaha ku qaata dakhli farabadan oo suureyn kara hadii qorshe cad loola tago .
hadaba si looga baxo marxaladan adag maxaa loo baahanyahay ?
waxaa loo baahan yahay hogaamiyihii jabinta dayrkan adag hormuudka inoogu noqon lahaa ,wuxuu noqon karaa wasiirka biyaha Somaliland,wuxuu noqon karaa wasiirka macadanta amaba gudoomiyaha hay’adda biyaha (HWA)
oo miyaa lasamayn karaa arintan ?
haa way fududahay
tusaale
ilaahay (swt) wuxuu qur’aankiisa ku leeyahay isu kaalmeysta wanaaga ,oo haysu kaalmeysanina xumaanta, waa sifo wanaagsan in lagu daydo kuwa kartida leh ee keena isbadalka sida wasiir xirsi xaaji cali xasan oo kale
ninkani waa wasiirka madaxtooyada sida sharcigu u aqoonsanyahay , wuxuuse gutay waajibaad aanu dastuurku ku waajibin oo isagu uu gartay , waa ilhaaminta eebe iyo dadka qaar kusoo dhasha abuurida nolol cusub.
Waa ninka soo nooleeyey (sectorkii) wadooyinka Somaliland, bal qiyaas wadada ugu dheer Somaliland jidka khariban ee ceerigaabo iyo dhiiranaanta naf hurka leh ee uu doonayo in uu ka dhabeeyo sidii loo dhisi lahaa .
Bal suuree sida uu shacbiga dalka gudo iyo dibedba u abaabulayo taas oo keentay rajo fiican iyo kalsooni buuxda oo ah in laysku tashan karo iyadoon gacan shisheeye loo baahan .
Akhriste indhaw-garad farabadani markaan ka hadlayo xaqiiqda iyo siduu wasiirkaasi u nooleeyey hay’adii wadooyinka waxay odhan ninkan cilmi-baadhista qoray waa guul-wade wasiirka xidhiidh dhaw laleh sida ay marar badan sameeyaan kuwa muraayadaha madaw kusita indhuhu .
Hadal iyo dhamaan waxaan usoo qaatay tusaalahan nool iyo dadaalka xirsi waa sidan hoose
1. In quwada muwaadiniinta lagusoo saari karo biyo nadiif ah , hadii la abaabulo gudo iyo dibedba oo hiil iyo hooba laga dalbo , waayo dadku waa dad hanuunsan oo u baahan cid hagta , waa meesha uu abwaankuna ka leeyahay (HADAY MAALINTII NA HORKACAAN MIDHO MA WAYNEENE)
2. In loo baahan yahay cidii hor kici lahayd soo nooleynta rajada iyo caasimad leh biyo kufilan oo nadiif ah
3. In aan lagusii jiri Karin nolol biyo-la,aaneed iyadoo baadhitaano badani sheegayaan in deegaankani leeyahay biyo kufilan
Qorre :eng maxamed cismaan xaashi
Email :enghashi@hotmail.com
Facebook : eng maxamed xaashi
Tell : 063-4243897 , Hargeisa Somaliland