WAJAALE NEWS

Nadaafadu Waa Shay Muhiim u ah Naftaada;; Qalinkii Nimco Baashe

HARGEISA(Wajaalenews) ;Horaa loo yidhi waan baahanahay looma bakhti  cuno,   haday danta iyo  duruuftu ku hadhaysay  waa in aanad noqon  dhinac u jiife,  naftuna kuma gamado meel aan nadiif ahayn,   qaaradaad ku nooshay iyo waa inaad la shaan qaadaa  bulshada aad la dagantahay,   naftaada waa inaad  ka dhowrto hadimada ku dadal sidii aad naftaada aad uga dhigi lahayd mid ka dhex muuqata dhalinyarada dhigaaga, ah waa inaad nadaafada ka dhigataa saaxiib qaaliya;

waayo maaha nadaafadu wax laga maarmo,   waana wax aynu ku noolnay Waxkasta oo aad qabanayso hadayna lahayn nadaafad dhamastiran,  maaha wax dhamays tiran , nadaafadu waa shayga ugu qaalisan nolosha,   nadaafad la,aan waa nolol caafimaad la,aan ah,  waxayna ka qeyb qaadataa horumarka dadka ama bulshada  hadaad tahay qof nadaafad badan,  waxaad wax ka badali kartaa waxyaabo badan oo ay nadaafad la,aan hayso,   si aad u noqoto qof  magaca iyo maamus le waa inaad noqoto qof nadaafad badan,  taas oo aad samaysaa waxay wax ku soo kordhiineysaa dadkaaga iyo dalkaaga

 

QALINKII NIMCO BAASHE

Exit mobile version