|
|||||
WAJAALE NEWS
Hirdanka Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Saamayn Intee Leeg Ayuu Ku Yaalan Kartaa Xawaalada Dahabshiil???
June 4, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews); Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay bilaabeeen dagaalka qaawan ee ay ku hayaan mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo taageerayaashiisa iyadoo sida laga wada warqabo dad lagu xidhxidhay isla markaan khasaare loogu gaystay sawirka muuse biixi oo ay ku dhijiyeen baabuurtooda magaalada hargaysa sidoo kale waxaa xaaladaasoo kale maanta ka aloosan tay magaalada berbera waxaana la sheegayaa in magaalada berbera maanta sawirka muuse biixi la kala siisanayay 30 dollar kadib markii gaadiid ay ku dhajisnaayeen askarta boolisku ka goo gooyeen sawiradii muuse biixi Hadaba xawaalada Dahabshiil oo iyadu ah mid mus dambeedka u fadhida xukuumada madaxweyne siilaanyo isla markaana door weyn ku leh magacaabista wasiirada madaxweyne siilaanyo ayaa waxay tani dhaxalsiisay in bulshada ka soo jeeda beesha dhexe (Habar-Awal) ay gebi ahaanba go,aan qaataaan ah inay ka wada saartaan cid kasta oo ay lacag u taalay xawaalada dahabshiiil oo ka soo jeeda beeshaasi isla markaana gebi ahaanba qaadacay gudo iyo dibadba adeegsiga xawaalada dahabshiil iyagoo u aanaynaya inay qayb ka yihiin khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo madaxweynaha somaliland Mujaahid Muuse Biixi Cabdi
Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa haday sidan ku sii socoto saamayn xoogan ku yeelan doonta shaqada xawaalada dahabshiil waxayna tani fursad u noqonaysaa xawaaladaha kale oo suuqoodu xaami noqonayaa sida xawaalada oomaar iyo kuwa kale WAJAALENEWS DESK BARBERA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|