|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shacabka Dalka Jabuuti Ku Hanbalyeeyay Xuska Maalinta Qaranimada Dalkaas.
June 27, 2014 - Written by Editor:Ujeeddo; HAMBALYO GUDOOMIYE HARGEISA(Wajaalenews) ;Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dawlada Djibouti iyo shacabkeeda xuska sanad guurada 37aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimadda ka qaateen gumaystihii faransiiska(France), Gudoomiye muuse Biixi Cabdi waxa uu ku bogaadinaya Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele iyo Xukuumadiisaba horumarka baaxada leh ee ay dalkiisa iyo dadkoodaba gaadhsiiyeen oo ah mid mudan in lagu daydo iyo door ka ay dawladda Djibouti ka qaadato dadaalada nabada iyo xasilooni waarta oo guud ahaan ka hir gasha mandaqada geeska Africa lagu baadi goobayo. Gudoomiyaha kulmiye wuxuu Dhiirigalinayaa xidhiidhka walaaltinimada iyo saaxiibtinimada qotada dheer leh ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti. Gabagabadii wuxuu Gudoomiye Biixi mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Djibouti xornimada iyo horumarka 37jirsaday ee ay ku naaloonayaan manta, isagoo u rajaynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi Related posts:Somaliland Iyo Itoobiya Oo Diyaarinaya Shuruucda Adeegsiga Dekedda Berbera Iyo Heshiishyo kale Oo Mu... “Waa In Uu Cadeeyaa Sacad Dayntaasi Halkii Laga Qaatay Iyo Cidii Lagu Wareejiyay & Wixii Ay Ku Baxda... "Cidkastoo Wax Iga Tirsanaysa Waxaan Ka Codsanayaa, Inay Ilaahay Dartii Ii Saamaxdo,.."Xil. Barkhad ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|